Home » war-baahin »

Universal TV iyo Filinka Muhanad|Adam Zaki

Safaro is xigay ayaan ku jiray oo aan ku marayay dhawr magaalo oo Geeska Africa ku yaall , waxaa hubaal ah inaad ka yara nasanaysid culayska iyo cadaadiska ay maskaxdu ka qaado warbaahinta dilka dhaca kufsiga iyo balaayoo dhan ka sheekaysa , laakiin waxaa jira kooxo Calooshood u shaqaystayaal ah oo ka faa iidaysta wakhti aan munaasib ahayn.

Bishii Maajo 2009 ka ayaan ugu bishaareeyay shucuubta carabta qoraal aan ku daabacay Wargayska ra’yul caam ee kasoo baxa Khartoum Sudan Inuu dhamaaday Musal salkii Muhanad iyo Nuur Isla markaana uu Muhanad ka baxay shaashadaha Carabta kadib markuu bur buriyay qoysas farabadan.

Dubai nin maal qabeen ah ayaa xaaskiisii furay kadib markuu ku arkay shaashadda Mobilkeeda Sawirka Muhanad oo u saaran ,Midkale oo reer Kuwait ah ayay xaaskiisii ka dalbatay inuu Sida Muhanad usoo jarto timaha Ninkaas oo ahaa Macalin ayaa sameeyay dalabkii xaaskiisa kadib markii uu yimid ayay u mahad celisay oo ku tiri (Gacaliye waad iga faraxisay mar haddii aad Isku dayday inaad isu ekaysiiso Muhanad waan jeclahay ) laakiin wuxuu qiyaamihii dhacay markuu yiri (Qalbi waad Furantahay saacaddaan laga billaabo Muhanad ayaan Booska u banneeyay ).

Anigoo gad gadinaya TV ga xili aan isu diyaarinayay Soonka maalintiisa koobaan ayaa waxaa si lama filaan ah indhahaygu u qabteen Muhanad oo waliba Afsomali ku hadlaya (ceeb baa dhacday ) xoogaaga afka carabiga bawsatay iyo gabdhaha ku dhashay dhulka khaliijka ayaan u maara la ahayn ma hadday ka dhigeen af Somali , qof kasta oo ka qayb qaatay Turjumida tabinta iyo waliba nooc kasta oo musalsalkaas lagu hergaliyay somaliyayntiisa waxay galeen danbi aan laga dhaafi doonin .

Universal TV oo horay ula ciiraysay Hindigii Xamar wayne lagu soomaliyeey iyo Heesaha ansha ka fog 11 bilood haddii ay nagu rareen waxaan taagtaya ahayn aakhiro bisha Ramadan inay Noogu Bishaareeyaan Muhanad oo Afsomali ah waa dib u dhac iyo dumin hor leh oo laga dhex wado qoysaska Taagta daran ee dhaqanka Hindiyeedka iska doon doona.

Anqaastii, Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Universal TV iyo Filinka Muhanad|Adam Zaki "

  1. JAWAAB says:

    anigu waxaas mafiirsado dhamaan waayo filimada qaarkiiba aan dhoho kana markii ugu horeeysaba ima qan cin filim dha maan tii hala dhaafo ayaan dhihi lahaa wax yaabo badan ayaa jira oolaga ganacsado oon filim ahayndadkuna aad ujec leeysanayaan

  2. acs ramadan akrim dhaman akhyaarta ama bahwaynta universal tv marka hore waan idin salamy sbxyaal
    waxan kual talinlaah anigu Xaqiiqatan barnaamij walba oo T.V laga soo daayo isla markaana sababaya ama keenaya dhibata qoyseed waxaa wanaagsan in la joojiyo , waan dareemi karaa ama is tusi karaa in shcedule buuxis ahaan ay usoo deynayan T.V’ga universal barnaamijyadaan maalaa yacniga ah ee uu kujiro musalsalkaan kor lagu soo xusay. marka insha allah kheyrka allaha nawada tuso, walalka articlekaan qorayna mahadsanid.

  3. sacdiya says:

    alahayoow noo danbi dhaaf oo na hanuuni…dadna khayr kay u tartamayaan ku bane xumaha.

  4. axmednuur says:

    musalsalku marka hore muxuu ka hadlayaa anigu maba fahamsani laakiin hadii sida aan ka dhadhamiyay qoraalka saki uu salka ku hayo anshax xumo waxaan maamulka universal u soo jeedinayaa in did loo eego oo wax laga qabto arrintaa

  5. A. Hussein says:

    Xaqiiqatan barnaamij walba oo T.V laga soo daayo isla markaana sababaya ama keenaya dhibata qoyseed waxaa wanaagsan in la joojiyo , waan dareemi karaa ama is tusi karaa in shcedule buuxis ahaan ay usoo deynayan T.V’ga universal barnaamijyadaan maalaa yacniga ah ee uu kujiro musalsalkaan kor lagu soo xusay. marka insha allah kheyrka allaha nawada tuso, walalka articlekaan qorayna mahadsanid.

  6. caaqilka says:

    asc wr wbr.
    ramadaan kariim .
    wax walba waxey ubaahan yihiin hubsiimo iyo kabaaraan degid .
    universal waxaa ka horeeyey oo aduunka oo dhan laga daawaday soo bandhigay HON CABLE TV oo kasoo baxa hargeisa sidaa ogaada…

  7. Umar Jama says:

    Aadam Zaki mahad sanid Hargaysa anigoo Jooga sanadkii hore ayaa waxaan la kulmay qiso middaas ad Dubai
    TV Universal waxaan oran lahaa anshaxa ha hagaajiyaan dadka ay luminayaan ha ka daayaan aniga sidaas ayaan oran lahaa
    Adigana Zaki mahad sanid mar labaad