Home » Siyaasad »

RW Cumar C/Rashiid: Hoggaamiye daacad u ah dalkiisa|Maxamed

Hordhac: Tan iyo intii Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarka jagada ra’iisal wasaarannimo loo dhiibay, wax ceebanaynaya ama wax ka sheegaya igama soo horbixin. Waxan aad isugu deyey bal inaan ra’yiga Soomaalidu ninkan ka qabto—anoon laftiisa aqoon gaar ah anigu u lahayn—inaan u yara dhabba galo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Soomaali dhexdeed waxba kuma qarsoomaan,” waa u caado inay soomaalidu shakhsi kasta oo xil qabta ama mansab heerkaa gaarsiisan jooga, lagu foofo—ammaan iyo dhaliil intaba. Waxa la yaab igu noqotay in wakhtigan oo dalku dagaal ba’an ku jiro, wax ra’iisal wasaaraha xumaan ka sheegaya lama hayo, xataa qolada mucaaradka ah ee ay iska soo horjeedaan sidaa uguma kaarrana ra’iisal wasaaraha. Waxa intaa u dheer Cumar, waa nin shucuur waddaniyeed ka muuqato markaad suuraddiisa isha ku dhifato. Waa nin mu’tal edeb ah (akhlaaq wanaagsan,) oo afgaaban. Waxa uu leeyahay astaamo ka duwan soomaalida maanta nool badankooda.

Cumar waxa waddaninnimadiisa u markhaanti kacaya, wadahadalladii usbuucan isaga iyo Madaxweynaha Puntland Mr. Faroole dhexmaray. Ra’iisal wasaaruhu wuxu ka soo jeedaa qabiil ahaan degaannada Puntland, weliba qabiil hoose ayay isku yihiin Mr. Faroole. Cumar waa ka biya diiday labada qodob ee heshiiska ugu waawaynaa oo kala ahaa 1. In Puntland inta Soomaaliya ka degeyso ay adduunka la macaammili karto iskeed, taasoo macnaheedu yahay ‘madaxbannaani sogordahan.’ 2. Qodobka labaad oo ahaa in Puntland keligeed uga tashato khayraadka Puntland ku jira, iyadoon u marayn dawladda fadaraalka, haba yaraatee. Haddaba, ma la oran karaa Ra’iisal Wasaare Cumar C/Rashiid waa ninka ugu ceeb yar Soomaalida 20kii sano ee ugu dambeeyey xilalka noocaasi ah qabtay? Aniga ra’yigayga waxan leeyahay Rabbow caawi Cumar waa ninkii ceebta bi’in laaye, wuxuna tuduc gabayga igaga mutaystay dadnimadiisa, waddaninnimadiisa iyo soomaali oo aan cidina ka baxsan ka dhawrsanaantiisa. Aan dib u yar jalleecno illaa iyo intii Cumar xilka qabtay waxa soomaaliya ka dhacayey iyo kaalinta uu kaga jiray.

Markii dawladda Shiikh Shariif madaxda ka yahay lagu soo dhisay Jabuuti, waxa Ra’iisalwasaare loo xulay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo ah nin culuunta siyaasadda ku xeel dheer kana soo shaqeeyey dalal badan isagoo markaasi u shaqaynayey Qarammada Midoobey. Cumar waxa kale oo la sheegaa in fursaddaa Ra’iisal Wasaarannimo ay sii xoojisay inuu ku guulayso isaga oo ka dhashay qoys siyaasadda Soomaaliya caan ku ahaa, waxana Cumar aabbihiis (AHN) Cabdirashiid Cali Sharmaarka dawladihii lixdamaadkii ka soo qabtay jagooyin sarsare, oo ay ugu dambaysay jagada madaxweynanimo oo uu qabtay 1968-dii, isagoo la dilay mudda yar ka dib sannaddii 1969-kii. Inkastoo taasi jirto ayaa haddana xaqiiqadu waxay tahay in Cumar yahay nin u qalma inuu Soomaaliya ka noqdo madaxweyne marka loo eego aqoontiisa, daacadnimadiisa, taariikhdiisa, iyo waddaninnimadiisa ilaahay ku mannaystay.

Waxan ku gebagebaynayaa qoraalkan, maaddaaba Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid yahay hoggaamiye miisaaman, oo dalkiisa daacad u ah, in Soomaalida wixii damiir ku dambeeyaa isgarab taagaan. Waxan kaloo soo jeedin lahaa in Madaxweyne Shariif xukunka iska wareejiyo oo u dhiibo ninkaa mukhliska ah hoggaanka dalka. Waan hubaa in wax badani isbeddeli lahaayeen haddii Cumar ama qof sidiisoo kale u fekerayaa talada dalkeenna gacanta ku qaban lahaa, aynu horumar gaadhi lahayn. Waad mahadsan tihiin.

Akhri.. Cumar C/rashiid oo Taageero Waydiistay Meles Zenawi

Qore: Maxamud A. Cabdalla
mabdalle@gamail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " RW Cumar C/Rashiid: Hoggaamiye daacad u ah dalkiisa|Maxamed "

  1. ugaas says:

    kk kk Asc, aryaa horta waxaad isku dheeshay markaad fikirkaaga ku saleysay magaca somaliya, waxaa lagaa rabay inaad isticmaasho, ( waxey ila tahay) ama (waxaan u arkaa), mida kale Ra’iisal wazaaraheena weli amaan ma gaarin ee Taageerid ayuu u baahanyahay ilaa Natiijo wax ku ool ah uu soo hooynaayo, Darki aan ku dhex baaba’nay ayaan weli dhex ceegaagnaa ee waa inuu inoo keenaa xal aan uga baxno. waad ku mahadsantahay qoraalkaaga. thanks.

  2. Dalmar Omar says:

    waa kaa halaawday sxb shalay ay aheyd inaad amaanto cumar maanta maa amaanee marki oo tagay punt land??????????????