Home » Ramadan, Warar »

Ramadaanka Arrimahan Ha Moogaan!

Mahad oo dhan Ilaah baa leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Waxaa foodda inna soo saaray – Ilaahay Fadligi – Bishii Barakaysnayd, ee Soonka. Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu nabad iyo caafimaad nagu gaarsiiyo, noona fududeeyo Soonkeeda iyo Salaadeeda, Naguna Irsaaqo Tawbada iyo Aqbalkeeda, Janada iyo Degaankeeda, Laylatul Qadarka iyo Haleelkeeda. Waxaan dhihi karnaa si kooban Bisha Soonku waa tababar, (laylin) la gelinayo qofka Muslimkaa, si looga toosiyo dhinacya badan. Dadka qaarna Layligaa wuu ku guulaystaa, dadna wuu ku dhacaa.

Waxaan naftayda iyo walaalahayga Muslimiinta ahba ku bararujinayaa ineynaan, inshallaahu, u dayma la’aan arrimaha soo socda bisha ramadaan gudiheeda:

Qur’aanka Kariimka: Bisha Soonku waa bishii Qur’aanka Ilaahay soo dejiyey, sida Suuratul Baqara uu Rabbi ku sheegay aayadda macneheedu yahay ((Bisha Soon ee Qur’aanka lasoo dejiyey)). Jibriil Calayhi Salaam Nebiga ayuu Qur’aanka la muraajacayn jirey bisha Soon. Dadkii Saalixiinta ahaa iyo Culimadii Islaamkuna wexey Bisha Soon aad isugu taxalujin jireen Qur’aanka, akhrintiisa, iyo dhuuxidiisa. Qaarkoodna maalin walba wey khatimi jireen sida la sheegay. Waxaa ku habboon qofka Muslimkaa ee Ilaahay bishan gaarsiiyo inuu Qur’aanka aad u daryeelo, maadaama ay bishoo dhami tababar tahay.

Taraawiixda : Ama (qiyaamka) Salaatu laylka, iyadoo qofku jamaacadana la tukan karo, keligiisna tukankaro, waxaa muhiima inuu Qur’aanka kusoo jeedo, oo Salaad ugu istaago habeenkii, sidii ay ahayd Sunnada Nebigeenna Calayhi Salaatu wasalaam. Waxaan ka dheehan karnaa, Soonka, Qur’aanka laynagu booriyey akhrintiisa, Salaatu Laylka ama (taraawixda) iney ka mid tahay layliska ugu weyn ee lagu dar dar gelinayo iimaanka qofka Muslimkaa.

Sadaqada : Waxaa axaadiistu sugeysaa Nebgeennu Calayhi Salatu wasalaam khayrka uga deg deg badna dabaylaha socda markii ramadaanka la gaaro ee Qur’aanka Jibril Calayhi Salaam la diraaseeyo. Iyadoo Mar walba Sadaqadu wanaagsan ayey Soonka ayaamihiisa kasii fiicantahay. Siyaaba kala duwanna wey noqotaa.

Sekada oo la qaybsho, dadka oo la afuriyo, Masaakiinta oo la farax geliyo, Deymanka kuwa qaba oo culayska laga qaado, agoonta iyo kuwa baahan oo la daryeelo. Dhulka Muslimiinta qaarki waxaad arkaysaa guryaha ama Masaajidda agtooda oo ardaayo laga waabay si dadka loogu afuriyo. Waa arrin lagaga fiicanyahay Soomaalida oo aaney aqoon u lahayn iyagoo xitaa xoola haysta. Sadaqadu cajaaib ayey leedahay. Gaar ahaan Markey niyad khaalisa ku dhisantahay, meel looga baahnaana dhacdo, mucjiso ayey dhashaa.

Cumrada Ramadan: Qofkii awoodi kara, waa arrin aad u wanaagsan inaaney ku dhaafin Cumrada Ramadaanka oo u dhiganta xagga ajarka adoo Nebiga Calayhi Salatu wasalaam la xajiyey. Mar walbana Xajka iyo Cumrada oo la xiriiriyaa wexey keentaa sida xadiiska ku cad, dembigoo la dhaafo, faqrigoo lagaga boxo. Laba cumro dhexdoodna wixii dembi dhacay waa lagu dhaafaa.

Laylatul Qadriga: Waxaa ku jira bisha Ramadaan dhexdeeda habeen ka ajar badan cibaadada 1000 bilood. Habeenkaa qofkii Ilaahay haleelsiiyo waa qof ayaan badan, qofkii ka qadaana waa qof qaday. Habeenku wuxu ku dhex qarsoontahay 10 ugu dambeeya bisha, weliba habeenida tirada is dheer ah. Waxaa muhiima inuu qofku habeenkaa usoo jeedo cbaado iyo duco. Wax gaar ah habeenada kagama duwana, aan ka ahayn astaamo la weheshan karo oo axaadiistu tilmaantay, sida inuu yahay habeen deggan, subaxdiisana qoraxdu soo baxdo iyadoon shucaac lahayn. Malaaiktu habeenkaas dhulka wexey kaga badan tahay qaruuraxa, Qofkii iimaan iyo ajar raadis u tukada dembigiisa hore oo dhan waa laga dhaafaa.

Ducada : Waxaa muhiima bisha soonka addoonku inuu baryada Rabbi badsado, siiba waqtiyada fiican, sida maalinkuu soomanyahay, markuu afurayo, markuu sujuudo gaar ahaan habeenkii, jimcaha galabtiisa ilaa gabbal dhaca, habeenka gelinkiisa dambe, oo si gaara axaadiistu u tilmaantay. Ducadu waa iney ka timaado qalbi khaalisa oo soo jeeda, qiblada loola jeesto, mahad naq Eebe iyo Salliga Nebiga calayhi salaatu wasalaam laga hormariyo, aad Rabbi laysugu bihin bihiyo, Waqtiyada Ijaabada lala eegto, Sadaqo laga hormariyo, Ducada Sidaa u dhacdaa inta badan burhaanteeda dhaqsaa loo arkaa. Cibaadadu sideedaba waa duco.

Rabbina Subxaanahu watacaalaa waa qani, qasnadihiisu buuxaan, oo aaney weligood is dhimin, Wax walboo la weydiistana Rabbi wuu bixiyaa. Naftaada hakaga bakhaylin inaad Rabbi Subxaanahu watacaalaa weydiisatu wax kasta oo khayr adduun iyo aakhira ah oo aad rabto. Waxaa kaloo iyana mudan in lays xusuusiyo, iyadoo ay asalka tahay inaad adigu Ilaahay barido, haddana waxaa kaloo sirteeda ducada ka mida, oo loo baahan yahay inaan qofka Muslimkaaye moogaan, ducada Muslimiinta kale inuu gaado, gaar ahaan, dadka wanaaga lagu tuhmo, dadka baahan ee ducafadaa markaad dhib ka dul qaado sidaa agoomaha, armalooyinka raggoodu dhintay, masaakiinta baahan oo aan muuqan, kuwa kurbaysan ama deymaha qaba iwm, kuwaas oo kalena badanaaba ducadoodu dhulka ma dhacdo.

Nin baa wuxuu yiri: Xaaskayga iyo aniga 15 sano ayaanan caruur isu dhalin, daawa kasta iyo dabiib kastana marnay. Maalin ayaan waxaan soo galay Farmashiye aan dawo ka gadanayey, waxaan la kulmay Islaan dooneysey dawo iney gadato, laakiin lacagtii ugu filnaanweydey. Oo ninkii meesha gadayey ku leh, wax iga dhin, daawadana inta ugu muhimsan ee lacagtaydu gooyso isii. Wexey haysey lacag yar oo toban toban iyo shan shan u badan. Ninkii ayaan ku idhi: waa immisa daawooyinka ay u baahantahay oo dhan lacagtoodu. Wuxuu yidhi: Boqol iyo konton. Lacagtii ayaan bixiyey, daawadii oo dhanna bacda ayaan ugu guray. Islaantii wexey ka wareegtey duco aanan weligay hilmaamayn. Wexey ahayd maalin ramadaana oo bishu 3 tahay.

Ducadeedi ayaa waxaa ka mid ahaa, Ilaahay awlaadadaada iyo reerkaaga hakuu xifdiyo, oo caafimaad hakuu siiyo. Waxaan ku idhi: Eedo caruur malihi, aniga iyo xaaskaygu 15 sano ayaan is qabnaa, ii ducay. Inta Qiblada u jeensatey ayey tidhi: Rabbiyow Raxiimow, Rabbiyow Qaadirow, ku arsuq adoonkaagan caruur khayr qabta, durriyad saalixa, wiilal iyo gabdho. Wuxuu yidhi gaarigaygi oo xaaskaygu ku jirtey ayaan fuulay, muraayadda ayaan ka arkaayey iyadoo weli ducayneysa. Wallaahi baan ku dhaartaye bil kama soo wareegan markii xaaskaygu uur qaaday, haddana wiil iyo gabadh ayaa ii jooga.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu Bisha Soonka khayrkeeda na siiyo, kuwa sooma oo salaadana naga dhigo, Ramadaanna badanna Ilaahay na haleel siiyo. Waxaan u tacsiyayneynaa dadka Muslimkaa ee Bisha Soonku ugu soo geleyso iyagoo dhibban ama bara kacsan ama aafooyin ku habsadeen, gaar ahaanna dalkeena Soomaaliya meela badan oo ka mida oo dagaaladu aafeeyeen, Waxaan Ilaahay ka baryeynaa Muslinka Dhibban oo dhan inuu Ilaahay dhibka ka qaado, Nabad iyo Naxariisna ku soo dejiyo, gaajada iyo harraadkana Ilaahay ka saaro, guryohooda iyagoo nabada Ilaahay ku celiyo.

Sh. Maxamed Idris
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.