Home » Warar »

Markazka Dar-ul-Hijra oo Xaflad u qabtay Muslimiin iyo Masuuliyiinta Toronto

Xaflad hilba Solosha ah oo Markazka Dar-ul-Hijra ee Toronto qabtay

Ugu Horayntii anagoo fursadaan ka faa’iidaysanayna Ramadaan Kariim, Ramadaan Mubaarah, Markazka Dar-ul-Hijra ee Toronto wuxuu Hambalyada Ramadaanka u dirayaa dhamaan Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida. Waxaana leenahay illaahay hanaga dhigo kuwa ka faa’iidaysta Bishan Barakaysan.

Sawiro kaloo dheeraad ah daawo

Waxaa maalinkii Arbacada oo ay taariikhdu ahayd August 19,2009 uu markazka Darulhijra Islamic Centre ee ku yaal magaalada Toronto uu soo qabanqaabiyay markii ugu horraysay muddada yare ee uu markazku jiray, Barnaamijkaas dibad joog ah ( Picnic & BBQ) oo lagu qabtay Barxadda weyn ee uu markazku leeyahay oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u tira badan oo gaarayay illaa 700 qof. Halkaas oo ay dadweynahaas iyo martida kaleba ka haleen cuntooyinki iyo cabitaano kala duduwanaa oo bilaash ah oo hortooda lagu solay looguna qaybiyay si hufan waa Ilaah mahaddiis.

Waxaa xusid mudan in xafladdaan ay kasoo qaybgaleen marka laga reebo daweynaha muslimiinta ah, marti kala duduwan oo aan muslimiin ahayn oo ka kooban dariska jaarka markazka la ah, siyaasiyiinta xaafadda oo isugu jira kuwa Magaalada,Gobolka & Federalka iyo Booliska magaalada . Ujeedada Martidaas loogu casumay xafladdaan oo ahayd in aan wanaajinno Xiriirka aan leenahay umadda aan ku dhexnool nahay ee aan musliinta ahayn iyo inaan sidoo kale sumcadda dadka musliimta ah kor u qaadno,kana run sheegno tarbiyadda nababawiga ah ee ay diinteennu na barayso sida dariswanaagga iwm.


Waxaa kaloo ka mid ahaa kasoo qaybgalayaasha xafladdaan odayaasha,culamaa’uddiinka,aqoonyahannada, hoggaamiyayaasha jaaliyadda iyo carruur aad u tira badan oo loogu qabtay markazka qaybtiisa cayaaraha Barnaamij xiiso leh oo ahaa Tartanka Kubadda Kolayga.

Dadweynihi Barnaamijkaan kasoo qayb galay iyo martidiiba waxay ka mahadnaqeen sidii wacneyd oo ay deeqsinimada ku dheehneyd ee loo soo dhaweeyay,waxayna badidood soo jeediyeen in Barnaamijyadaan oo kale la joogteeyo sanad walba, dhowr jeerna la qabto haddii ay suurto gal tahay.

Gabagabadii Barnaamijka oo ku beegneyd Salaadda Casar kadib waxaa dadwenihi Muslimiinta ahaa ee kasoo qaybgalay Barnaamijka ay buux dhaafeen qaybta masaajidka ee markazka oo ay ku oogeen Salaadi Casar si jamaaci ah,kaddibna loo jeediyay muxaadaro kooban oo xasuusinaysay muhiimadda iyo xurmada ay masaajidda Ilaaahay leeyihiin.

Gunaanadki Barnaamijki sida aadka ahaa loogu bogay wuxuu maamulka markazku u mahad celiyay dhammaan walaalihi sida bilaashka ah oo hagar la’aanta ah ooga soo shaqeeyay Barnaamijkaan. Jazaahumullaah.

Masaajidka ayaa Dhamaan Muslimiinta leh Ramadaan kariim, taqabalalaahu Minaa wa minkum, Muslimiinta reer Torontona gaar ahaana Soomaalida ku wargalinaya in Ramadaanka lagu tukanayo Markazka Dar-u-Hijta Centre oo ah Xarun aad u wayn ciriiri iyo Parking xumana aysan ka jirin.

Sawiro kaloo dheeraad ah daawo

C/rashiid Cali Maxamed
Maamulaha Markazka Dar-ul-Hijra
admin@darulhijra.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Markazka Dar-ul-Hijra oo Xaflad u qabtay Muslimiin iyo Masuuliyiinta Toronto "

  1. Igo says:

    waa suurad barakaysan.hase ahaatee abdirashiidoow xagee ku danbeeyay saldhigii xalaasha ahaa ee soomaalida toronto{masjid khalid bin al-walid}?

  2. KHADIJA says:

    IN LA ISKU XIRNAADO OO MEEL LOO WADA JEESTO WAA ARIN FIICAN, DIIN IYO DHAQAN, WAXAASE LOO BAHANA YAHAY IN CARUURTA LA ILAALIYO TARIBIYADOODA, WAALIDIINTU ISKU XIRNADAAN LABADA ISKA DHASHAYNA AY CARUURTA KA ILAALIYAAN WAXA AY DIBJIR KU NOQON KARAAN, HADII WAALIDKII IS HAYSTAAN HABEYN IYO MAALIN HEER LA GAARO KALA TAG WAXAAN HUBAA INAAN HOOYO KELIGEED CARUUR WAXBA U QABAN KARIN WAXNA KA QABAN KARIN MARKA WAA IN WAALIDKA AY USAMARAAN SIDEY CARUURTOODA U NOQON LAHAAYEEN KUWA JIDKA SAXDA AH QAATA, TAANA WAXAA LAGU GAARI KARAA HOOYO IYO AABE WADA JOOGA DHINAC KELIYA WAX UU TARAYO MALAHA GAAR AHAA DUMARKA KELIGOOD CARUURTA KAMA ADKAAN KARAAN, RUNTII AABAHA WAA LAGA BAQAA WAA LA TIX GELIYAA HOOYSE ISKY HALEYN AYAA LAGU DILAA TABARNA UMA HEYSO CUNUG HADUU DHAQAAQO MANA SOO CELIN KARTO WAXAAN KULA TALINAYAA DUMARKA INEY CARUURTA AABAHOOD U DAAYAAN IYADANA DAN BAA UGU JIRTA AABAHANA U SAMRAA XAASKIISA ISAGOO EEGAYA DANTA QOSKA KAN CARUURTA, GABADHII HEYSTEY WAXAY TIRI MARKEY MASEERTEY HADUU REER GABA GABOOBO GURMOODKIISU XUMAADO WAXAA GABAY AAHABAHOODEE XIL GUDO OO GARASHO YEELO HADA TII WAA KA BEDALANTAHAY OO DHANKII HOOYADAA LAGA SOO GALAY CARRUTA WAAYO AABIHII BEY ERYEYSAA, WARHOOY YAAN LAKA TEGIN EE DHALAANKA U HIILIYA IDINKOO ISLA JOOGA AYAA LOOGU HIILIN KARAA WEYGA TALO.