Home » Ramadan »

Ramadaanku waa Fursada Cumriga|Calinuur

(Dersiga Labaad)

Waxaa uu illaah (cw) noo sharciyeeyay inaan Soono Bishaan Barakeysan ee Ramadaan asagoo ula jeedada Soonkana ku sheegay in ay tahay inaan ka kororsano Taqwo(alle ka cabsi) iyo aadaabta oo la toosiyo ee ula jeedada Soonku ma aha inaan gaajoono ama haraadno sida dad badan oo cilmi laheyn u heestaan, taasoo keentay in ay ka dhowri waayaan Soonkooda waxyaabihii wax u dhimayay ulajeedadiisa ama in ay ka dhawri waayaan waxyaabihii gebi ahaanba Soonka burinayay, sidaa darteed waxaan soo gudbinayaa gafaf ay haboon tahay inuu ka digtoonaado ruuxa sooman ee doonayo inuu Soonkiisu noqdaa mid maalinta Qiyaame uu ku baxsado oo uu uga

badbaado Cadaabka Naarata hadii illaa u aqbalo, waxaana ka mid ah gafafkaas:-

1-in aysan dadka qaar ku baraarugsaneyn fadliga weyn iyo faaiidooyinka Soonku leeyahay,taasoo aad ka arkeyso sida aysan ugu faraxsaneyn Bilashada Bisha Ramadaan ama sida ay u soo dhaweynayaan oo ah in ay ku soo dhaweeyaan diyaarinta noocyada Cunada iyo Cabitaanada kala duwan ama in ay ku soo dhaweeyaan abuubulo ku saabsan kubad iyo turub iwm, halkii looga baahnaa in ay ku soo dhaweeyaan dadaal xaga Cibaadada ah sidii uu sameyn jiray Nabigeena (scw) oo ah inuu la yimaado dadaal dheeraad oo uusan la imaan jirin bilaha kasoo hara Ramadaanka.

2-Waxaa ka mid ah gafafka dadka qaar ka dhaca in aysan ku farxin Bilashada Bishaan oo ay ka murgoodaan ayagoo u heesta in ay tahay Ciqaab lagusoo rogay, taasoo keeneysa in ay dhamaadka Bisha ku sugaan Sabar la’aan kuna farxaan inuu ka dhamaaday ee aysan ku faraxsaneyn in ay dhameesteen.

Dadka noocaas ah ma macaansadaan Cibaadaadka ku dhex jira Bishaan mana ka faaiiideystaan maalmaha iyo Saacada bisha Ramadaan taasoo macnaheedu yahay in kuwaaasu ka khadeen nicmooyinkii iyo faaiidooyinkii Bishan xambaarsaneyd ayagoo ay dhici karto in ay ka soomeen Cunadii iyo Cabidii.

3-Waxaa kaloo gafafka ka mid ah dadka qaar ku dhacaan in aysan baranin Axkaamta Bishaan Ramadaan ama aysan su’aalo ka weydiin kuwa Cilmiga leh, taasoo ah in ay Cibaadeestaan ayagoon Cilmi ulaheyn kuna dhacaan gaabis iyo gafaf badan.

Marka waxaa ku waajib ah ruuxa u xilhaya Diinkiisa inuu waxa uu ku Ciabaadeysanayo Cilmi u yeesho si uusan Maalinta Qiyaame ula kulmin wax aan farax galin.

4-Waxaa ka mid ah qaladaadka ku dhex dhaca Bishaan in dadka qaar ayssan ka dhowrsan gafafka

taasoo ka dhigtay soonkoodii mid uun ah ka tagid Cuno iyo Cabid, ee uusan soonka ku xambaarin in ay xumaanta ka tagaan, nabigeena Suuban (scw) waxaa uu sheegay in Soonka aan loo jeediynin ka tagida Cunada iyo Cabida kaliya.

( من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه ) رواه البخاري .

5-Gafafka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Ramadaan waxaa ka mid ah in ay ka tagaan Sunooyinka qaar sida:-sandaarsiga marka la weyso qaadanayo ayagoo ka baqaayo in ay Biyaha ka galaan Gudaha jirka, laakiin arintaas sax ma aha oo waa la saandaarsadaa lana luqluqdaa marka la sooman yahay hadii aanan lagu xeel dheeraan.

( أسبغ الوضوء، وخلل بين الأصابع، وبالغ في الاستنشاق إلا أن تكون صائماً ) رواه الترمذي وغيره.

Xadiiskaan waxa uu tusayaa in marka la weeso qaadanayo in sanka qeybtiisa hore biyaha lagu nadiifiyo ayadoo aan lagu fogeyneynin gudaha Sanka, waxaana kaas la mid ah ka tagitaanka Cadayga galinka dambe maalmaha Soonka, maxaa yeelay mar walba Cadaygu waa Sunno.

6- Waxaa kaloo ka mid ah gafafka dadka Sooman qaarkood ku dhacaan in ay ka dhowraan afkooda wax Cundhuuf ah in ay ku soo dhacdo ama dhuuntoodaba gaarto taasoo noqoneysa inuu Ciqaabo ruuxaas naftiisa maadaama aysan suuro gal aheyn in laga dhowrsado Candhuufta ama aysan suuro gal aheyn in Candhuuftaas laga dhowro in ay dhuunta gaarto.

7-Waxaa kaloo kamid ah gafafka in aysan Soonka Habeenkii niyada ku qaban taasoo ka hor imaaneynysaa Xadiiskii u Nabiga (scw) ku sheegay inuusan Soomin ruuxii aan habeenkii niyeeysan Soonkiisa.

( من لم يبيت الصيام من الليل فلا صيام له ) رواه النسائي

وفي رواية: ( من لم يبيت الصيام قبل الفجر فلا صيام له

Waxaana iga xasuusin ah in Niyada aysan aheyn mid lagu dhawaaqo sida ay sameeyaan dadka qaar, maadaama uusan Nabiga Niyada la jahrin marka Xajka la joogo maahane.

8-Gafafka dhaca waxaa ka mid ah Cinitaanka cunada marka la Adimo ka dib Aadaanka Fajarka(salaada lagu dkado) ama inta uu socdo Aadaanka.waxaa haboon ruuxa doonaya Saxuurtaa inuu ka tigtoonaado in lagu dul Aadaamo oo uu ka hor ka faro xasho.

9-Waxaa kaloo ka mid ah qaladaadka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Barakeysan in ay moodaan hadii ruuxa lagu dul Adimo asagoo Janaabo qaba inuusan soomi Karin maadaama uusan Daahir aheyn, laakiin waa arin qaldan maxaa yeelay Soonka Shuraadihiisa ka mid ma aha in uu Daahir ahaado ruuxa Soomaya, waxaana Nabiga Suuban laga soo sheegay inuu Soomi jiray ayadoo uu waaga u baryay asagoo Janaabadii uu reerkiisa kula kulmay qaba.

10-Waxaa gafafka dadka Sooma qaarkood ku dhacaan Dabeecada oo ka xumaata marka ay Soomaan oo gaajada qabato, taasoo ka hor imaaneysa dantii laga lahaa Soonka oo ah in uu toosiyo Aaadaabta kan sooma uu ku barto Dulqaad, waxaana la amray kan Sooman hadii la aflagaadeeyo ama lala dagaalo inuu yiraahdo waan Soomanahay waan Soomanahay!!

فإذا كان يوم صوم أحدكم فلا يرفث، ولا يصخب، فإن سابه أحد أو شاتمه فليقل: إني صائم رواه البخاري و مسلم .

11-Waxa kaloo gafafka dadka qaar ka dhaca waxaa ka mid ah in ay daadaal badan muujiyaan biloowga Bisha kadibna Caajisaan oo ku dhameestaan hurdo iyo sheeko, laakiin waxaa habooneyd in dadaalka la badiyo maalmaha dhamaadka Bisha lagaaro oo uu qofka Sooman Jibaaro Cibaadada sida uu sameyn jiray Nabiga Suuban(scw) oo kale .

Waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.