Home » Warar »

Duufaanta loo yaqaan Tornado oo Minneapolis Khasaare u gaysatay

Maantay oo Arbaco ah 19.August ayaa Saacadda Waqooyiga America gaar ahaan Gobolka Minnesota abaarihii 2:00.PM Duhurnimo ayaa war baahinta maxaliga ah laga shaaci yey in dabaylo Roobab wata oo saakay aroor nimadii bilaamaday ay wataan Dabaysha loo yaqaano CIRBOOR ama TORNADO Waxaana war baahinta la iska arko ama TV- yadda ka yeeraya FIRINBIGA ama Dhawaaqa Digniinta Dabaylaha Waxaana la howl galiyey dhamaan Booliska Magaalada Minneapolis gaar kan Koonfurta Minneapolis oo ah Xaafad Soomalidu ay ku badan tahay Waxaa gabi ahaanba la xiray wadadda 38Th Street iyo Portland Ave iyo 15TH Waxayna ku dhawaaqeen kooxaha dabdammiska ah ee Dabka damiya Fire Department ay in soo caga dhigatay Dabayshu sidaas awgeedna loo xiray Wadooyinka.

Dhammaan dadweynaha gaariyaasha wata iyo kuwa deganba ayaa loo diiday in ay maraan aaga wadooyinka 38Th Street iyo Portland iyo Lasalle iyo waliba Wadadda 15TH Street waxaana isku gadaamay Ciidamo Booliska, sida warbaahinta FOx9 ay sheegtay iyo Kare11 Goobaha Khasaaruhu ka dhacay ayaa la shaaci yey Khasaaraha ayaa ka dhacay Faras Magaalada ama Bartamaha Magalada Down Town Minneapolis.

Waxaana ka mida Xurunta weyn ee lagu shiro waliba Somalidu ay Ku qabsan jireen Mutamaraadka Convention Center Dhismaha ayaa waxaa soo gaaray khasaare, Waxaana ka muuqda Geedo waa weyn oo Salka ka rugay taas oo cadayn u ah Xoogga ay Dabayshaan ku socotay, xiliga Dabayshu duqaysay Xarunta Shirarka ee Minneapolis ayaa waxaa ka socday shir wayn, waxaana ku sugnaa halkaas 2,200 oo qof, kuligood na nabad qab ayaa meesha looga saaray. waxay kale oo bur burisay Teendho ka hor dhisnayd Kaniisad ku taala Wadadda Lasalle iyo Franklin khasaaro kale ayaana dhismaha kaniisada gaaray.

Booliska iyo Ciidamo Howlahaan deg dega ah u tababaran ayaa guri kasta galaya oo xaafaddaas ku yaala si ay u xaqiijiyaan nolasha dad ka degan aga gaarkaas wali waxaa laga digayaa Dabaylo hor leh Wadooyinka ayaa waxaa buux dhaafiyey Biyo laakiin ma ahan daadad ama fatahaad ee waa Roobab ilaa saakay aroor nimadii ka da, ayey inta badan Gobolka Minnesota.

Ilaa hadda wali lama sheegin cid wax ku noqotay laakiin waxaa War baahinta laga arkayey gaariyaal iyo guryo khasaare soo gaaray. Xaafada Dabayshan ugu badan tahay ayaa ah Xaafada Koonfureed ee Minneapolis, ilaa hadana majiraan cid wax ku noqotay, taasina waa illaahay mahadii.

Ustaad Abdiwali Dalboon
Minneata Minneapolis
cdalboon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.