Home » Warar »

Diyaar garow dagaal oo laga dareemayo Gobolka Sh.Shexe

Deegaano ka Tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe Ayaa Laga Dareemayaa Xiisad Colaadeed Oo U Dhaxaysa Ciidamo Dowlada Taabsacsan iyo Xoogaga kasoo horjeeda

Dhaq dhaqaaqyo ciidan urursi ayaa laga dareemayaa gobolka shabeelada dhexe taasoo laga soo shegayo in Ciidamo ka tirsan Maxkamadihii Islaamka ee looga itaal roonaaday Gobolkaasi ay iminka ka wadaan diyaar garow dagaal oo ay ka bilaabeen deegaano ay kamid yihiin Ceel Baraf iyo afarta tuulo oo hoos taga gobolkaasi Shabeelada dhexe .

Diyaar garowgan laga soo sheegayo deegaanadan hoos taga gobolka shabeelada dhexe ayaa qayb ka ah duulaanka balaaran oo ku wajahan degmada xarunta u ah gobolkaasi ee Jowhar,kaasoo laga soo sheegayo inay kusoo wajahan yihiin ciidamo taabacsan dowlada FKMG ah ,ururka la magac baxay Ehlu sunnah iyo weliba milayshiyaad la sheegay in laga soo ururiyey qabiilooyin .

Sidoo kale Qorshayaashan dagaal ee sida xowliga ah u bilowday ayaa dhinac ka ah kuwa ay ciidamo taabacsan dowlada FKMG ah iyo ururka ehlu sunna ay kusoo qabsadeen qaar ka tirsan gobolo iyo degmooyin ay markoodii hore ka talin jireen ururada dowlada kasoo horjeeda .

Dhinaca kale ciidamada Xarakatul Alshabaab Mujaahidiin ayaa ka wada magaalada jowhar dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo diyaar garow difaac ,iyadoo saacadihii ugu dambeeyayna ay bilaabeen inay u diyaar garoobaan dagaal taasoo aan la ogayn halka ay xaaladu ku damabayn doonto .

Yaasiin faytaan

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.