Home » Warar »

Xisbul Islaam oo sadex qodob ka hadlay

Afahayeenka howlgalada Xisbul Islaam oo maanta shir jaraid ku qabtay magaalada Muqdisho .

Dhagayso War saxaafadeedka Xisbul Islaam

Afahayeenka howlgalada xisbul islaam Maxamed Cismaan Caruus ayaa ka hadlay 3 qodob kuwaasi oo uu wax uga sheegayey howlaha ciidamada xisbul islaam eek u aadan bilashada bisha baakeysan ee ramadaan wuxuuna intaa ku daray in ay sii wadi doonaan dagaalada ay ku diidan yihiin joogitaanka ciidamada shisheeya ee gudaha dalka somaliya iyo fikirka dowlada uu madaxweyanah ka yahay sh Shariif Sh Axmed oo uu sheegay in ay u la jirto ciidamada dalka xooga ku soo galy sida uu hadalka u dhigay afhayeenku .

sidoo kale waxaa digniin uu u jeediyey ma soomayaasha iyo kuwa raashinka kariya ee Maqaayadaha furto bisha ramadaan ,wuxuuna ugu baaqay in ay ilaahey ka baqaan .isaga oo shegay in ciidii ay soo qabtaan ciidamada loo diyariyey howshaan lagu ciqaabi doono lana marsiinayo sharciga islaamka wuxuu ka qabo .

Afhayeenku wuxuu kala cadeeyey mowqiifka xisbiga islaamiga ah ,howlagalada xisbiga ,iyo waajibaad la faay shacabka somaliyeed oo ah in ay u gutaan bisha ramadaan waajibaadkeeda sida ku cad quraanka ,axaadiista .sunadana ay raacaan
Maxamed Caruus wuxuu walaac xoogan ka muujiyey howlaha ay wadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa ahlu sunnah waljamceeda oo dardar galiyey dagaalada ay kala soo horjeedaan ciidamada xisbul islaam ,Ururka Xisbul Islaam ayaa dagaal adaga kala soo horjeedo oo ka dhan ah Ciidamada AMISOM kuwa dowladda KMG ah iyo Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna.

Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Ururka Xisbul Islaam Maxamed Cusman caruus oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray laba laabi doonaan dagaalada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka. Iyaga oo ka faaiiidaysanaya fadliga bisha ramadaan ee barakeysan isla markaana ah bil cibaado.

Maxamed Caruur ayaa dhanka kale beeniyey in ururkoodu waxba iska bedelin siyaasadoodii isla makaana uusan soconin wax wada xaajood ah oo uu la leeyahay dhanka dowlada fadaralka KMG somaliyeed

Arintaan ayaa ka danbeysay xili maalmihii ugu danbeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa ahlu sunna ay qabsanayeen magaalooyin iyo iyada oo ay odoyaal ,culumaa.udiin iyo wax garad kale ay ka soo yeereysay baaqyo nabaded iyo in la joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday gobolo horleh bilasha bisha ramadaan ee barakeysan ee fooda inagu so heyso .

Dhagayso War saxaafadeedka Xisbul Islaam

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.