Home » Warar »

Sanad Guradii 25 naad ee Jabhada ONLF oo si weyn looga xusay Magaalada Nairobi.

Iyo Taarikh ahaan sidii Jabhadaas ay ku bilaabatay.

Dabaal daga Sanad guurada 25-naad ee Jabhada Wadaniga xoreynta Ogaadeeniya oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Afrikada Barrie ee Soomaalida Ogaadeeniya ayaa lagu qabtay 15/08/2009, Gudaha Magaaladaan Nairobi, gaar ahaan Holka weyn ee Sir Ali Muslim Club.

Xafladaan xuska aheyd oo bilaabatay 1:00 pm Duhurnimo ayna kasoo qeyb galeen Dad Boqolaal kor udhaafaayo ayaa waxaa kamid ahaa Masuuliyiintii Xafladaas ka qeyb qadaneysay Gobalkaasna aad looga yaqaano, Riyaale Xaamud Axmed oo ah Madax Weyne ku xigeenkii Ogaadeeniya xubina ka ah Golaha dhexe ee Jabhada ONLF iyo C/laahi Xaliye oo asna katirsan Golaha dhexe ee Jabhadaas, kaasoona mudo 12 sano ah ogu xirnaa Dowlada Ethiopia Xabsi ku yaalo Magaalada Harar balse ugu danbeyntii kasoo baxsaday.

Sidoo kale waxaa jogay goobta xafladaasi ay ka dhaceysay Masuuliyiin kale oo ka socday Qeybaha kala duwan ee Bulshada kana kala yimid Gobolo kala duwan ee uu ka kooban yahay dhul weynaha Soomaaliya.

Waxey aheyd abaaro sideedii fidnimo 8:00 pm markii ay si weyn ubilaabay xafladaas ayadoona Dad ubadan Dhalin yaro ku labisan Calanka ay leyihiin Soomaaliya Ogaadeeniya ay buux dhaafiyeen kuraastii Holka xafladaas ay ka dhaceysay.

Waxaa sidoo kale kor uqaadayay habsami usocadka xafladaas fanaan ay Dadku ad ula dhaceen Heesahooda.

Waxaana kamid ahaa Fanaanita xalay ka qeyb qadatay Xafladaas Xuska aheyd

Axmed C/kariin Maxamed (Axmed Biif). Maxamed Goox Qarboosh.

C/qani Maxamed Maxamud (qalbi) iyo Muslimo Qaasin Hilowle.

Waxaana sidoo kale halkaas lagu so bandhigay Riwaayada ay Jilayeen Dhalin yaro taaso ku saabsaneyd sida ay Ciidamada Dowlada Itoobiya ula dhaqmaan Dadka Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobalada Soomaalida ay dagto. Riwaayadaasona loogu magac daray.

Waad heli Sadkaadee Ogaadeeniyaay Samir?.

Balse waxey aheyd wax aad loo jecleysto Ciyaar dhaqameedka loo yaqaano Dhaantada oo halkaas ay kusoo bandhigeen dhalin yaro siwanaagsan is kula heleysay Jaanta iyo Jabaqda, inkasoo aan ka mid ahay Dadka anan gareynenin sida loo ciyaaro Dhaantada hada fiirsasho ahaan aad ayaan ula dhacay sida wanaagsan ee ay uciyaaraayeen Dhalintaas. Waxeyna ii aheyd markeygii labaad ee an ab arko meel dhaanto lagu dheelaayo.

Jaamac Xasan Cabdule Gudoomiyaha Gudiga Qaban qaabada Xafladaas

Ayaa uqeybiyay Wariyayaashii ka qeyb galay Xuskaas Warqado ku saabsan taarikh ahaan Dhulka Somalida Ogadeeniya taaso ay ku soo saareen Baaq ka kooban Sideed qodob, oo ay ugu baaqayaan Dadka Soomaaliyeed in ay midoobaan iyo in ay ugu baqeyn Dowladaha Caalamka, Uruurka AU iyo UNta iney ay wax ka qabtaan Dhibka ay Dowlada Itoobiya ku hayso Shacabka Soomaaliyeed ee ay Gumeysto iyo in ay wax ka qabtaan Falalka ay geysanayaa Ciidamada Itoobiyaanka ee iskugu jiro Dilka, Kufsiga, Xariga, Jirdilka, iyo Gumaadka Shacabka.

Taarikhda Jabhada ONLF oo kooban iyo sidii ay ku aas aasan tahay Jabhadaas.

Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya ee marka lasoo gabiya loo yaqaano JWXO afka qalaadna lagu yiraahdo Ogaden National Libretion Front ONLF.

Waxaa lagu Aas Aasay Magaalada Muqdhisho Sanadii 1984 xiligaaso hada laga joogo mudo 25 sano ah.

Sidoo kale xiliyadii ay Jabhadaas jirtay waxey la gashay Dagaalo ba’an Ciidamada Dowlada Ethiopia kuwaaso ka dhacay meelo kala duwan oo katirsan Dhulka Soomaali Galbeed.

Waxey Jabhadaan ay marar kala duwan ay isku dayday in ay wada hadal xal kula gasho Dowlada itoobiya si loo baajiya dagaalada ay dhiigu ku daadanayaan ee ka dhacaayo Gobaladaas.

Sidoo kale waxey soo marta ONLF xiliyo kala duwan iyo Madax kala duwan. Waxeyna aheyd.

08/01/1992 marki ugu horeysay ee Magaalada Garbo lagu qabtay shirweynihii koowaad ee JWXO oo Gudoomiye logu doortay Alle ha unaxariistee Sheekh Ibraahim Cabdalla Maax.

Sidoo kale 23/01/1993 ayaa si toos ah loo shaaciyay Dhismaha Xukuumadii Ismaamulka oo ay Jabhadaan ku guuleysatay 84% waxaan madax weynihii ugu horeyay noqday Alle ha unaxariistee C/laahi Maxamed Sacdi.

Sanad guuradii 25-naad ee Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeniya ayaa waxaa siweyn loga xusay Wadankaan Kenya gaar ahaan Magaaladaan Nairobi, ayadoona Dhulkaas uu ka mid ahaa meelihii galay qeybsigii Shirkii Gumeystayaasha Afrika ee ka dhacay Magaalada Barliin ee Wadanka Germany Sanadii 1884.

Inta badan Dadkii kasoo qeyb galay Xafladaasna waxey Ilahay ka baryaayen in Dhulweynihii Soomaaliyed uu isku soo celiya iyo in uu Xornimo siiyo Soomaalida ay Itoobiya Guumeysato.

C/salaan Maxamed Cali (najax)
Emails: najax@journalist.com,
najax.usa@hotmail.com
Nairobi, Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sanad Guradii 25 naad ee Jabhada ONLF oo si weyn looga xusay Magaalada Nairobi. "

  1. muna says:

    waxaan salaan gobanimo udiyaraa dhamaan jaliyada iyo dhaliinta nairobi ee xuska jowxo aadka umaamuleen. waana idiin hanmalyeeynayaa dhamaantiin. meel kasta oo ay joogaan shacabka reer ogadeniya waxaan leeyahay waaladoogiye yaan ladacaroon. waa hubaal in laxoroobi dhawaan waliba dadaal iyo dulqaadbaana lagu gaaraa ee dhaxda ha inoo xidhnaato marwalba. mahadsanidin

  2. cirsankayeer says:

    Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa walaaleheenna Soomaali Galbeed (Ogaden) gaar ahaan jabhadaha waddaniga ah ee la dagallamaya gumaysiga dhulkooda haysta.

    Anigoo ka faa’iidaysanaya fursaddaan qaaliga ah waxaan jeclaan lahaa inaan walaalahey ku baraarujiyo afkaar khaldan oo beryahaan lagu lifaaqo halgankaka xalaasha ah ee gobannima doonka, taasoo ah nacayb loo samaynayo soomaaliya.

    Waxaan aad ula yaabay markii nin mutacallim ah uu igu yiri haddii aan soomaaliya arrinkeenna faraha la soo geli lahayn gobannimadeenna mar hore ayaan qaadan lahayn!

    Waxay ila tahay in arrinkaasi khatar ku yahay goolka gobannima doonka cidda ugu horreysa ee uu wax u dhimayana tahay iyaga.

    Waxay ila tahay waxa aad nagu arkaysaan inay noogu wacantahay dowlad la’aanta iyo awood yari. waxaan qirayaa in khaladaadkeenu badan yihiin, dad xumina ay nagu jiraan.

    laakiin walaalayaan hanoo qabanina waqtigan adag ee aan ku jirno!!

    Si kasta oo uu habeenku u dheeraado.. waabarku waa kii yimaadaa!!

    waxaan idiin rejeynayaa guul iyo gobannino!!