Home » Warar »

Gudida Taakulaynta Dadka Tabaalysan oo Muqdisho Looga Dhawaaqay

Gudida Abaabulka Iyo Taakulaynta Dadka Tabaalysan Oo Magaalada Muqdisho Looga Dhawaaqay

Kulan balaaran oo ay maanta kawada qayb galeen waxgarad ,Ganacsato ,aqoonyahano ,odayaal dhaqameed ,abwaano iyo weliba masuuliyiin ka tirsan ururka xisbul islaam ayaa lagu gorfeeyey xaalada adage ee ay ku jiraan dadka danyarta ah ee u barkacay duleedka iyo daafaha caasimada muqdisho kuwaasoo ay sheegeen inay kusoo fool leedahay bishii barakaysnayd ee ramadaan islamarkaana ay u baahan yihiin gar gaar aadanimo .

Kulanka oo ay hadalo ku saabsan sidii ay dadka soomaaliyeed isugu gurman lahaayeen gaar ahaan kuwa dhibaataysan loogu gurman lahaa ayaa waxaa ugu horayn madasha ka sheegay sh,c/laahi hiiraan oo sheegay inay haboon tahay in umadu isu gargaarto oo weliba cadeeyey inay bishan ramadaan ee inagu soo fool leh ay tahay bil sadaqadu ay waajib tahay.

sh,hiiraan

Sidoo kale waxaa madasha kulanku ka dhacay hadal boorin iyo baraarujin isugu jira kasoo jeediyey madaxa arimaha bulshada ururka xisbul islaam sh,salmaan sahal muuse (abu-cabdalla ) oo tilmaamay inay bulshadu wax isu tari karaan hadii ay isu kacaan oo dadaal u galaan inay dadkooda dhibaataysan sidii ay u wax u tari lahaayeen ,isagoo carabka ku adkeeyey inaysan jirin waxay tarayso wax ay u keentay hay,ad ee looga Baahan yahay umada soomaaliyeed inay wax isa soo taraan islamarkaana ka codsaday bulshada soomaaliyeed ee muslimka ah ee kala jooga gudaha iyo dibada inay dadkooda dhibaataysan wax usoo taraan .

‘’waxaan muhiim ah in la cadeeyo inaysan jirin waxay tarayso waxay soo dhiibeen hay,ad oo qalalan ,laakiin hadii ay Bulshada soomaaliyeed isu gargaaraan waxaa macquul ah inay dad badan u kaalmeeyaan oo ku dhibaataysan duleedka iyo daafaha muqdisho ‘’ ayuu yiri sh,salmaan .

ugaas mahad

Dhinaca kale waxaa hadalo kazoo jeediyey goobtaasi gudoomiyaha ganacsatada suuqa bakaaraha cali maxamed siyaad (cali dheere ) oo sheegay inay arintani tahay mid aad u muhiim ah islarkaana kusoo begantay xili wanaagsan oo loo baaha yahay qofkii wax la bixi kar ugu fiican oo ula jeeday bisha ramadaan , taasoo uusii raaciyey inay diyaar u yihiin dhinacooda inay waxay tari karaan inay dadkooda gaarsiiyaan .

cali dheere

Ugu dambayntii kulankan oo mudo saacado ah qaatay ayaa lagu sameeyey gudi ka kooban 11-xubnood oo leh gudoomiye ,islamarkaana loogu magac daray Gudida abaabulka iyo Taakulaynta dadka tabaalaysan ,waxaana gudidaasi kala ahaayeen sidan;

salmaan

1-gudoomiye ,sh,jaamac c/salaam

2-sh,c/laahi maxamed cali (sh,c/laahi hiiraan )

3-sh,maxamuud Aw.cabdalla cariif

4- axmed maxamed barre

5-Ugaas mahad maxamed ciise

6-c/risaaq axmed ibraahin

7-jaamac suudi faarax

8-xasan maxamed cismaan

9-abwaan abshir nuur faarax bacadle

10-Gancsade cali maxuud siyaad (cali dheere)

11-shire faarax xaydar

Yaasiin Faytaan

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.