Home » Warar »

Fariin: $1100. oo wax tartay labo boqol oo qoys

Ururka samafalka adamiga oo saldhiguusu yahay dalka U.S.A oo kaalmo Lacageed gaareysa $1100 soo geersiiyey barakacayaasha guryahodii uga cararay dagaalada aan dhamaadka laheyn.

Fadlan dhagayso codka baahanayaasha

Sawiro kale oo fariimo muhiima xambaarsan daawo

Deeqdaan oo ay iska soo uruuriyee Qaar ka mid ah gabdhaha iyo wiilasha jaaliyada mareykanka gaar ahaa magaalada Washington DC iyo hareraheeda ayaa la gaarsiiyey maanta shacab somaliyeed oo ay heyso raashin la.aan ,biyo la.aan ,buste iyo bac la.aan kuwaas oo geedaha hoostooda baahi la jiifay xiligii la gaarsiianyey kaalmadaan oo u muuqatay mid aan dabooli Karin baahida ay qabaan dadkaan u badan haweenka ,carurta ,cuuryaamiinta ,indhoolayaasha , kuwo ku waashay markii ay guryahoodii ka carareen oo ku soo badanaya xerhaya lagu barakacay inta u dhaxayso Muqdisho iyo Afgooye.

Deeqdaan ayaa la siiyey dadweyne somaliyeed oo dhan ilaa 200 qoys waxayna ahaayeen kuwo aad iyo aad u liita oo ku haboon in wax la taro waxayna joogeen duleedka magaalada Muqdisho sida ceelasha biyaha ,taree dishe Km13 ,ilaa nambar 20 waxayna ay ku kal jireen 3 kaam .

caruur dhiban

Sawiro kale oo fariimo muhiima xambaarsan daawo

caasha cusman ugaas oo loo soo marsiiyey kaalmadaan ayaa ugu baaqday dhamaan somalida inta wax heli karta in ay ka faaiidaystaan bilashada bisha ramadaan oo ah bil cibaado loona baahan yahay in dadka la afuryo sadaqana la badiyo waxayna sheegay in hay.addaha iyo shirkadaha ay fursad u tahay bishaan sidoo kale waxay shegtay in jaaliyadaha dalka dibadiisa joogo ay ka soo jawaabaan baaqaan ku aadan wax u qabashada dadka saboolka ah iyo kuwa guryahodii ka barakacay oo ah kuwo aad u jilicsan .

Fadlan dhagayso codka baahanayaasha

Ururka samafalka admiga waa urur u taagan wax u qabashada dadka dhiobateysan sida kuwa guryahodii uga cararay dagaalada waana urur kaalmeeya dadka dhibaataysan ee u badan haween iyo cvaruur qaar kood agoomo ah dadkaan ayaa wajiyadooda laga dareemayey saamaynta ku yeesheen dagaalada muda 20 sano ah ka taagan dalka Somaliya

Kaalmadii maanta Xeryaha la geyey ayaa badankooda waxaa ku jiray haween iyo caruur yar yar oo qaarkood ay agomo ahaayeen waxaana sidoo kale ka buuxay cuuryaamo kuwo ay cuduro hayaan indhoolayasha ayaan iyana k amarneyn

Curyaamin baahan

Sawiro kale oo fariimo muhiima xambaarsan daawo
Haweenka qaarkod ayaa geedaha hoostooda iska fadhiyey mana jirto cid u maqan oo ay sugayaan sida ay ii sheegeen sidoo kale malaha wax shaqo ah ay heystaan mana jirto meel ay wax ka so galaan .

Kaalmadaan lacaged oo garaysay kun doolar ( 1100) ayaa waxaa la soo marsiyey Marwo caasha cusman Ugaas (shaacuur ) oo iyadu suurta galisay deqdaan in la gaarsiiyo dadka guryahoodii dagaaladaan uga barakacay ee ku sugan xeryaha ku teedsan wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye
Sawiro kale oo fariimo muhiima xambaarsan daawo

Sh maxamed oo ka mid ahaa indhoolayaashii deeqda la gaarsiiyey ayaa u duceeyey una mahad celiyeyisaga oo duco balaaran u direy dhamaan jaaliyadaha dibada iyo dhamaan walaalaha somaliyed ee kaalamadan soo gaadhsiiyey

Haween la caawinayo

Sawiro kale oo fariimo muhiima xambaarsan daawo
Ururka samafalka admiga oo bixiyey deeqdaan waxay isu taageen in ay kaalmeeyaan shacabka somaliyeed ee dagaalada dhibaatadu ka soo gartay ee u baahan waxayna ka hawl galaan meel kasto oo umada somaliyeed ay ku nooshahay iyagoo ka faaiidaysanaya fursada qaaliga iyo aqoonta ilaahaw uu siiyay u kaalmaynta walaalahooda somaliyeed

Caasha cusmaan ugaas ayaa saxaafada u shegtay in maanta deeq lacageed ay garsiisay qaar ka mid ah xeryaha lagu barakacay si loogu caawiyo dadka guryahoodii isaga cararay ee ku dhibaataysan .inta u dhaxayso Muqdisho iyo Afgooye.

Fadlan isxilqaan oo caawi dadkan Dhibaataysay Bisha Ramadaan ($1100.00 iyo 200 oo qoys, waa arin aan la ilaawi karin, kawaran hadii qofkasta oo awooda uu ku deeqo $11oo.00)

Dumar Dhibaataysan

Sawiro kale oo fariimo muhiima xambaarsan daawo

Fadlan dhagayso codka baahanayaasha

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Fariin: $1100. oo wax tartay labo boqol oo qoys "

  1. Siciid says:

    Maasha Allah, Ajir iyo xasannaad Alla ha ka siiyo, ururka samafalka Ducaa ku dhacday, walaalaha Soomaaliyeedna waa in ay kaalmada u kordhiyaan dadkaas masaakiinta ah, gaar ahaan xilliga Bisha Barakaysan ee Ramadaanka, dadku lacag intaas ka badan ayey ku khasiraan waxyaalo maalaa yacni ah, lacagtuna waa dhammaaneysaa oo kolley way baxaysaaye bal dhinaca sadaqada halla eego.