Home » Warar »

Dowlada FKMG oo Sheegatay inay Degmada Luuq lawareegtay

War Somalitalk kasoo gaaray Madaxtooyada ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada gacantooda ay kusoo laabatay Magaalada Luuq, warkana wuxuu u qoraa sidatan;

Wardegdeg ah : Magaalada Luuq oo gacanta Dowladda

Xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa gacanta dowalda ku soo laabtay Degmada Luuq, ka dib markii ciidamo dowlada ah oo uu hogaaminayo G/sare Maxamuud Cusmaan Weli.

Magaalada Luuq waxaa ay tahay magaalo Istiraatiiji ah, iskuna xirta gobollada Bay iyo Gedo, waxaanay dowr weyn ka qaadan doontaa dib ugu soo celinta gacanta dowlada goboladda Geda, Bay, Bakool , Shabelleada Hoose, iyo dhamaan gobolada koofureed.

Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay ka koobnaayeen dhalinyarada deegaanka oo tababar ku qaatay mudo 4 bilood degaanadda Aboorre iyo Dhuusaay, howlgalkaas waxaa uu muujinayaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan dowladda, iyo iskaashiga dowladda iyo shacabku guulaha ay keeni karaan.

Shacabka Magaalada Luuq ayaa si diiran usoo dhaweeyay ciidamada dowlada, waxayna magaaladdu ku waabariisatay nabad, G/sare Maxamuud Cusmaan Weli, ayaa ugu baaqay dadweynaha in la ilaaliyo xasiloonida, amaanka iyo kala danbeynta.

Faahfaahin dheeri ah: kala soo xiriir Warfaafinta Madaxtooyada:-

+25 25 76 75 75

+25 21 54 60 417

+25 26 55 66 30

Email: presidentialpress1@gmail.com

C/qaadir Maxamed Cusmaan

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Somalitalk: Majiraan ilaa iyo hada taafaasiil dheeraad ah oo warkan ku saabsan, ama jawaab kasoo baxday ciidamadii halkaan horay u haystay.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.