Home » Warar »

Dekeda Magaalada Muqdisho Oo Maalintii Labaad U Xayiran AMISOM

Dekeda Magaalada Muqdisho Oo Maalintii Labaad U Xayiran Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM

Maalintii labaad ayaa dekedda weyn ee magaalada muqdisho u xayiran tahay qalab milatari oo ay kala soo degayaan ciidamada midowga afrika ee AMISOM kuwaasoo la sheegay inay joojiyeen maraakiibtii sidey shixnada ganacsiga ee kala duwan ee ay lahaayeen ganacsatada soomaalida ee wax kala soo dega dekada weyn ee caasimada muqdisho .

Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen garab raratada ka xamaasha dekeda weyn ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in laga soo saaray dhamaan dadkii ku howlanaa shaqooyinka gaarka ah sida ganacsatada ,xamaalatada iyo weliba dadka shacabka ah ee ka dhex ganacsada gudaha dekeda.

Sidoo kale waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka dekeda magaalada muqdisho iyadoo ay ciidamada midowga afrika ee AMISOM ay si weyn u gaaf wareegayaan gudaha iyo dibada dekeda islamarkaana warar hoosaadyo laga helayo dadka goobjoogayaasha ahina ay sheegayaan xataa inay diideen inay gudaha u galaan qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada FKMG ah .

Duleedka dekeda magaalada muqdisho ayaa si fog waxaa looga arkayaa maraakiibta dagaalka ee xambaraa diyaaradaha dagaalka oo ku dhow agagaarka dekeda muqdisho taasoo mararka qaarkood ay kuu muuqanayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca oo dul heehaabaya maraakiibta iyo xeebta magaalada muqdisho .

Ma jiraan cid ka tirsan saraakiisha ciidamada AMISOM iyo weliba masuuliyiinta dowlada FKMG ah oo ka hadlay joojinta dhaq dhaqaaqii dekeda ee dhinaca ganacsiga soomaalida iyadoo ay xaniban tahay maalintii labaad oo ay ciidamada midowga afrika amaanka si weyn u sugayaan .

yaasiin faytaan

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dekeda Magaalada Muqdisho Oo Maalintii Labaad U Xayiran AMISOM "

  1. khadar says:

    aniga oo kadar waxaan rabaa inan kamid noqdo somalida lagu tobabarayo dibada