Home » Sports »

Tartanka Oradada Somali Week oo caruurtu ka qayb qaateen

Tartanka Oradada Somali Week oo xiiso badan maanta lagu qabtey garoonka New River.

Ciyaaraha fudud ayaa maanta lagu qabtey garoonka New River oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Somali Week iyo Prof Mussa Naasir oo ah qabiir Sports Soomaaliyeed.

Tartankaan ayaa loogu magacdarey oradka caruur iyo ciroole ayaa waxaa ka soo qayb qaatey da’yar Soomaaliyeed oo aad u badnaa kuwaasoo laga soo aruuriyay xaafadaha magaalada London.

Ciyarahaan oo xiisa badnaa ayaa lagu tartamay orada kale ah 50M,100M & 400M, intii u socday baratankaan ayaa sacab iyo dhirigalin ayaa waxaa la daba taagnaa waalidiiinta caruurta dhashay iyo dadkii Soomaaliyeed ee u soo daawasho tagay tartanka Somali Week London.

Caruurta ka qayb qaadanaysay tartankan ayaa ka muuqatey farxad iyo inay u qabaan xiiso badan in maanta loo qabto tartankaan oo kale isla markaana waxay galisay dadkii daawanayay xiiso gooni ah madaama caruur Soomaaliyeed ku tartamayaan tartan orado ah.

Waxa kale ka mid ahaa dadkii shaqada ka qayb qaadanayay Prof Siciid Baashe oo ku taqsuusay Sports isla markaana degan Waqooyiga magaalada London.

Yusuf Yusuf

Somali Week London

Sports Media Manager

London

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.