Home » Warar »

Ganacsiyo Soomaaliyeed Dowladu K/Afrika ku xirtey

Dukaamo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed ayaa illimada loo laabay dalka K/Afrika, iyada oo laga cabsi qabo in la xirro kuwa kale oo badan xilli dowlada dalka la wareegtey ay kiyaawaha ku dhuujineyso shuruucda ganacsiga ee dalka.

Magaalada Johannesburg duleedkeeda ayaa ah meeshii ugu horeysey ee ay arrintani saameysey, waxaana la xirey illaa dhowr dukaan Tuulada Tsakane ee magaalada Springs oo 30km u jirta Johannesburg.

Dukaamada la xirey ayaa waxaa loo cuskadfay in ay heysan shahaadooyinka ogolaanshaha ganacsiga ee waaxda canshuuraada ee loo yaqaano SARS (South African Revenue Authority), kolonyo baabuur ah oo ciidamada amaanka ah iyo saraakiil ka socda waaxda canshuuraadka ayaa wareegayay tuulada oo kolba dukaan tagayay iyagoo xirayay dukaan kasta oo ay ku helaan in uusan heysan shahaadada ganacsiga.

Mid ka mid ah dukaamada ayaa waxaa lagu xirey labbo wiil oo dhalinyaro oo markii dambe ay soo siidaayeen saraakiil ka socda Jaaliyada Soomaalida K/Afrika SASA oo meesha gurmad ku tagay, Mudane Cabdirashiid Ibraahim oo ah kusimaha Agaasimaha Guud ee Jaaliyada oo meesha gaaray ayaa warbaahinta u shegey in Soomaalida ay tahay in ay ka taxadaraan nidaamka ganacsiga ee ay hayaan xilli buu yiri dareenkja dowlada uu ku wajahanyahay muhaajiriinta dalka joogta

Waxaan la socdey gawaari ay Jaaliyadu leedahay oo wiilashii la xirey ka qaaday Saldhiga Police-ka oo geeynayay dukaamadii lkaga soo xirey, markii aan dukaamadii tagnay ayaa waxaa markaliya qeeylo farxadeed oo dabaaldeg ah sameeyey darsano dadka deegaanka oo dherersanaa xirnaanshaha dukaanka, iyagoo markiiba soo buuxdhaafiyey markii la furey dukaamada.

Ayaanle Daahir Xuseen waa nin dhalinyaro ah oo labaatan iyo dhowr jir ah kana mid ahaa dhalintii la xirey, wuxuu ii waramayay isaga oo gadaal ka taagan qaanada lacagta ee dukaanka laga iibiyo , wuxuu sheegey in aysan horaan uga warheynin in looga baahanyahay shahaadada ogolaanshaha ganacsiga iyo carshuurta, laakiin manta ay tahay markii ugu horeysey ee dowlada ay weeydiiso canshuur.

Waxaa la dhihi karaa in 90% Soomaalida dalkani ku ganacsata aysan ka diiwanagasheyn waaxda casnhuuraha isla markaasina aanan waafaqsanayn shuruuc badan oo dalka ka jira oo xagga ganacsiga ah qaar ahaan goobaha ku haboon ganacsiga,

soomaali xabsi laga siidaayay k afdrika
Isdiiwaangalin laanta canshuuraha ee SARS waa arrin aad ugu sahlan oo uusan ku lug lahayn qarash badan, isla markaasina is hortaagi karta wax kasta oo dhibato ah oo loo geysan lahaa Soomaalida, tusaale ahaan dadka booba ganacsiyada Soomaalida waxay ku marmarsoodaan oo ay ku qiilsamaystaan in aysan Soomaalida canshuur bixinin

Waxaa la filayaa in dowladu ololahi ku fidiso dalka intiisa kale sidaasi darteed waxaa Soomaalida looga fadhiyaa in ay is diiwaangaliyaan inta aanan laga xirin.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo)
saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.