Home » Dhaqanka »

Khamriga iyo Dhibaatada uu ku Hayo Dhallinyarada Soomaaliyeed|Daaduray

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa burburkii ku dhacay Dalka wuxuu noqday mid saamayn weyn ku yeeshay dhinacyada waxbarashada , Shaqooyinka, Ciyaaraha , iyo arimaha Bulshada waxaase qaarkood u sii dheeraa Isticmaalka Khamriga iyo Qaadka oo ay Meherad ka dhigteen qaar ka mid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed
Dhallinyaradu waxay leeyihiin kuwa wax bartay oo aan ku jirin Merheradan Khamriga ah Jaamacadaha iyo Kulliyadaha kaga jira kaallinta koowaad , hase ahaatee waxaa jira kuwa kale oo uu Khamrigu uu ku hayo Dhibaatooyin aad u adag oo ay ku gabeen noloshoodii oo dhan sida Xabsi ama dan darro aad iyo aad u xun.

Haddaba, waxaannu ognahay in Waddamada Soomaaliya la deriska ahi ay leeyihiin Warshado sameeya Khamriga sida Waddamada Itoobiya iyo Kenya oo si aan Xad lahayn u soo gesha Khamriga Dalka gudihiisa taasina ay sababtay in ay Dhallinyaro ay Da’doodu aad u yar tahay bartaan Khamriga Meheradna ka dhigtaan arimahani ayaa sii kordhayey tan iyo tii Dalku uu ku jiray burburkan iyo Dagaalladan Sokeeye, waxaa iyana taa bar bar socota Dhallinyarada ku dhaqan Waddamada reer Galbeedka ah oo fara kaga baxay inay ku milmaan Quruumihii ay la degeen oo ay Khamriga la Cabayaan iyadoo weliba fagaaraha la fadhiya .

Waxaannu ognahay in dhowr goor Gudaha Dalka lagu qabtay Khamri ay soo gesheen Waddamada Soomaaliya deriska la ah sida Itoobiya taasi oo macnaheedu yahay in Dhallinyarada Soomaaliyeed laga dhigo kuwa aan kala garanayn Habeenka iyo Maallinta si ay u helaan Dal iyo Dhallinyaro wada Mukhaadaraysan oo meesha ay doonaan ay ku kaxaysan karaan , taasina waa haddii ay Dhallinyarada Soomaaliyeed ka soo noqon wayso Isticmaalka Khamrigan Dhibaatada faraha badani ku hayo, waxaase lama huraan ah inay Waxgaradku aysan marna joojin sidii loo ciribtiri lahaa isticmaalka Khamriga iyo ka Ganacsigiisa foosha Xun ee ay Itoobiya ka waddo Dalka Gudihiisa , Waxgaradka iyo Culumaa’udiinka Qurbaha ku sugana ay ku dadaalaan sidii loo Daba qaban lahaa inta Dhallinyarada ah ee weli faraha kula jirta istimaalka Khamriga iyo kuwa kaleba .

Burburka ku dhaca Qoysaska Qurbaha ayaa waxaa ugu weyn kuwa ay sababaan istimaalka Khamriga oo Aabihii uu noqdo mid Meherad ka dhigta Khamriga Xaaskii iyo Carruurtiina ka doorto inuu Meheradiisa gaar u noqdo , taasina ay isku waayaan Qoyskii oo dhan kaddibna uu Aabihii muto Xabsi iyo Dhibaatooyin adag oo noloshiisa ku soo korodha , haddaba arimahani oo dhammi waa kuwa dhab ah oo jira waxaase is weydiin mudan sidee looga badbaadi karaa ? waxa keliya oo looga badbaadi karo waa in uu Aabaha uu noqdo mid ay nafsadiisu ku xiran tahay Xarigga Ilaahay Qoyska oo ay Carruurtu ugu horaysana way Wanaagsanaanayaan.

Dhallinyarada ku nool Dalka Gudihiisa ee Khamriga isticmaala waxaa looga joojin karaa iyadoo laga xiro Dekedaha uu ka soo galo lagana Mamnuuco Dhammaan Gobolada Dalka oo dhan isticmaalkiisa iyo ka Ganacsigiisaba , Dhallinyarada Soomaaliyeed loo furo goobo ay ku Ciyaaraan Kubadaha kala gedisan iyo Ciyaaraha Fudud si loo helo Dhallinyaro Tayo leh oo Dalka u noqota Hoggaan loogana badbaadiyo hagar daamooyinka Gumaystayaashu ka leeyihiin Dalkeena Hooyo Degmooyinkiisa iyo Gobolladiisa oo dhan.

Waxaannu ognahay in Ummadda Soomaaliyeed ay 100% ay yihiin Dad Muslimiin ah Ilaahayna uu qu’aankiisa meelo fara badani uu uga hadlay Khamriga inuu Xaaraam yahay aysan welina ku wacyi qaadanayn Dadkaasi Isticmaalkiisa iyo ka Ganacsigiisa , haddaba Dhallinyarada Soomaaliyeed waa inay Ilaahay u soo noqdaan kana Towbo keenaan Khamriga oo ah Hooyadii Waxyaabaha Xun Xun oo dhan , sida uu Nebi Maxamed CSW uu Xadiis ku yiri ” Khamrigu waa Hooyadii Waxyaabaha Xun Xun oo dhan”, Dhallinyarooy ka joog.

Gabagabadii iyo faalladaani ku saabsanayd Khamiriga iyo Dhibaatooyinka uu ku hayo Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxay tahay mid aan qoraal lagu soo koobi karin , hase ahaatee waxaannu ognahay oo aan qofna uusan dafirsanayn Dhibaatada uu Khamrigu ku hayo Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan Qurbaha iyo kuwa Dalka Gudihiisa ku nool inay faraha ka baxday ayna maanta gaartay heerkii ugu xumaa haddii aan loo tafaxaydana ay noqon doonto mid ku baahda Dhammaan Bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.