Home » xawilaad »

Aaway masuuliyiintii Xawaaladdii Dalsan??| Ahmed-haadi

Waxaan wax badan maqalnaa dadkii Shirkaddii barakaat ay lacaguhu uga xayirmeen waxaa la ogeysiinayaa ama waxaa ay heleen in badan oo ka mid ah lacagahoodii. Haddaba su´aasha isweydiinta mudan waa xaggee ku dambaysay shirkaddii Dalsan? Ilaa iyo hadda dadkii wax ku darsaday shirkadan hantidoodii war iyo wacaal waa waayeen laga soo bilaabo bishii Abril 2006dii. Arintaa cid isu xil qaantay malaha, waana wax aan caqliga biniaadamku aqbali karin in dadkii arintaan hormuudka u ahaa aysan xataa waxba ka dhihin dhibkan, ha noqoto xoolahiinii waan dhacnay, xisaab baan ku jirnaa, wada hadalbaa soo socda iwm.

Dadka Dalsan xoolahoodii ku waayay markaad la sheekeysato mid walba wuxuu ku leeyahay waxaan xoolahayga ku bixiyey waa magac diin oo waxaan ku aaminay Dalsan madaama ay dad culimo ah iyo akhyaar kale ay shirkada hor boodayeen. waxaana ku qabnay kalsooni buuxda. laakiin waxaa lama filaan nagu noqotay in xataa aan waynay cid nagala hadasha dhibka dhacay oo waxaadba moodaa inaysan waligeed jirin shirkad la yiraahdo Dalsan.

Waa muhiim inay ogaadaan dadkii ay dhibanayaashu ku aamineen xoolahooda inaysan xal u arag inay aamusaan, oo ay xal la yimaadaan, sababtoo ah dadkii maalkoodii la qaatay sidaasi kuma harayaan.

Ugu dambeyntii waxaan u sheegaynaa dadkii dhacay xoolahii lagu aaminay inaysan sidaa ku qarsoomi doonin. aysana dadkii la dhacay ka hari doonin hantidoodii.

Waxaan qof walba oo Soomaali ah laga codsanayaa in aanan wax ganacsi ah la galin qof walba oo lagu tuhmayo inuu wax ka qalin shubtay Dalsan ama sabab u noqday inuu dhacmo maalka dad badan oo qurbo joog ah.

Waxaa diyaariyay Ahmed-haadi Muhumad Ahmed

Ahmed-haadi Muhumad haadi30@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Aaway masuuliyiintii Xawaaladdii Dalsan??| Ahmed-haadi "

  1. qaybdoon says:

    WAR NINKII HADLAYAABA HA ISKA HADLE HURUUSE IYO MAXE’D SHIQ OSMAN WAA KU FASHILMEEN AAMINAADII LA AAMINAY( DEE WAA REER MUDUG 2DA ODAY WIILAL REER GAALKACYO AHNA WAA SHAQAALEEYSIIYEENKKKKKKKKKKKKKK WIILASHII AYAANA DHACAY XOOLIHII ODAYAASHIINA LAMA AYSAN OGAYN, LAAKIIN AYAAN MARKII LA JOOGAABA WIILASHII AYAA ODAYAASHA WAXOOGAA AY U XALAALEEYEEN U DIRAKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKQOSOLBADANAAAAAAAAAAAA

  2. Sharmarke says:

    Waxaa la yaab leh in annagoo og tuugada iyo dhaca naloo geystay oo aan innaba hayaraate juuq naloo soo oran in haddana been abuur kale la bilaabo. War heedhe, DALSAN wax ay dad u celisay oo muuqda ma jiraan. Waa jirtaa in dad yar oo jooga Somalia loo ceshay saami aan kaamil aheen. Balse dhammaan qorbo joogta waxoodii waa ay xalaaleysteen. Nimanka lagu aaminay sababo diin la xiriirta oo la yiri waa culumo daacad ah. Ragga horboodayey DALSAN oo ay ka mid yihiin ilma Sheekh Cusmaan iyo Reer Haruurse dambiga ay ka galeen dadkii aaminay waa la ogyahay. Waa hubaal inaan taa looga hareeyn. Waa la ogyahay hantidii DALSAN oo ku tiil USA iyo Boosaaso iyo meelo kale tan ka dhacday. Waa goortay doonayeen inay lacageystaan dhismayaashaasi. Waa la ogyahay ina SHeekh cusmaan iyo imaatinkiisii UK iyo waxa ka dhacay. Waa la ogyahay dhuumaaleysiga ay ku jiraan raggani.

    Haddaba ka ku gabyaya DALSAN waa ay celisay xoolihii dadka ku aaminay waa qof riyoonaya ee xogta ha raadsho.

    Nabaadiino,
    Sharmarke

  3. MYs says:

    walaalkay ahmed Haadi waxaad ka hadashay arrinta wixii loogu yeeri jiray Dalsan, taasi ooy dadkii alle dartii wax ugu aamintay iyo inta dulmi diidka ahiba ay la amakaagsanyihiin sida khiyaanada ah ee aan xishhood muslinimo, mid bini,aadaninimo iyo mid soomalinimo midna sal ku lahayn ee ay ummaddii aaminatay u dulmiyeen. Waxaan ka mid ahaa dadkii nimankaas culimada isu ekayssiyey iyo kuwo odoyaal akhyaareed iyana u muuqday aaminay oo wixii ay xoogooda ku shaqaysteen ku ammaaneeystay, laakiin sidaa iimaan la,aanta ah een xishoodka lahayn loo dhacay. Aniga iyo kuwo badan oo meeshaas hantidoodii u dhiibtay shilin noogama soo noqon. weli maanu arag meel ay odayaashii meeshaas ku magacawnaa ama hawlwadeenadoodii ay ku xaq baxayaan. Qolyaha qoraalka ahmed Haadi isku dayey inay ra’yigooda ka dhiibtaan, laba arrimood midkood baa haysa, inaysan war sax ah hayn laakiin waraan sal lagu shubay iyaguna si laab lakac ah ay u qaateen iyo in sida soomaalida caadada u ah ay odayaasha ceeboobey ay caadifa ahaan u difaacayaan. Haddaba Axmed Haadiyoow adigu sidaan qoraalkaaga ka dareemayo waxaad tahay nin xumaantu dhibayso, jawaabna jeclaan lahaa inuu ka ehelo gaboodfalka mugga weyn eey maamulkii Dalsan u geeysteen ummaddii aamintay, taasoo sida muuqata odayaashii Dalsan ay ka quusteen inay garbaxaan amase ugu yaraan ay gudaan waxay dhunsadeen. Ahmadoow waxaan kuugu nastaxayn lahaa inaadan sinaba isu barbar dhigin nimankii dalsan lahaa ee dadka ku dhacay iyo culimadii/akyaartii Barakaad lahayd. Reer barakaad sidaan akriyay dhib baa kuyimid kaas oo howlahoodii caadiga ahaa carqaladeeyey, ee mushkiladoodu ma ahayn dhagar iyo khiyaano daacad darro huwan sida hawlwadeenada iyo mulkiilayaasha dalsan ku sifaysan yihiin, taasaana keentay in labada-Dalsan iyo Barakaad aan la is barbar dhigi karin.Waxaan filayaa odayaashii Dalsan lahaa iyo hawlwadeenadoodii waxay talo la dhaafi wayday inay is halmaansiiyaan ooy wakhtiga uu daayaan inuu weydaarsho mushkiladdi Dalsan ee ay maskaxdooda iyo muruqooda ay ku dhidbeen. Laakiin, waa u aragti gaabni haddii ay aaminsanyihiin in mashiinkii ay darawaliinta ka ahaayeen wixii uu galaafatay inuu is halmaansiin iyo isku tuur-ttur uga harayo.

  4. Ali says:

    ascww
    Salan dhama
    waxay ial tahya in ay arintu tahay dad difaac oo dadka arintii ka dahacdey dalsan ay weliwax xal ah laga garin oo cam ah hadeysan ahyn wiil & aderkii oo wx isku celiyey lakin shirkadii dalsan wax muuqda oo leyku celiyey majiraan ama xisabtan ah inta aan og nahya waxayna ila tahya dadka difaacaya inay noo sheegan mesha wax lagu bixiyey ama lagu xisabtamey amam xoolo dad loogu celiyey hadeysan hayn inta aan kor kuxusey, midda kale maxad ninkan muqalka qorey u afjigeysan haddii ay wax isga ka maqan yihin oo uusan helin wax xisab ah miyanu xaq u laheyn in uu xoolihiisii ka hadlo mise somalidu wey isdhadaa iskamana dana imato miyaa oo hadda dadka cado u noqotey in ay xalashadan xoolaha umada,walee war jiraba xakaaruu iman qof walbana waa la weydiin wuxuu kas badey ,shaleyna ma horeeyee wuu dambeeya hadey idinka tahya qof jecleysi & cudurka somalida haya hade ilaahey ba idinka jaaseyn dona marka koley arintas xal hada lamahane oo xoolahas waa la xalashadaye dagalka hala wado midka mediaha & afkaba .

  5. cadulaahi husien nuur dirir says:

    walal waad salaman tihiin dhamaantiin salaan kadib waxaan leeyahy marka kowaad horta ragu magaca waa ka siman yihin iyo magta lakiin fikirka kama sina waxaana taas cadeyn karta walal kay axmed haadi fikirkiisa oo ah in ladhacay dadkii dalsan wax ugu jireen taasna waxaa ay cadeynaysaa been inay tahy oo dadkii lahaa hantida ugu badan ee dalsan ay ugu jiraty loo celiyey ama kahsaare qeyba la siiyey dadkii ay hantidoodu ku aafowday messhaas marka maah maah somaliyeed baa tiri gaaldil gartiisana sii hadii walal kay ay ishayaan waa meesheeda wadada laakin anagu wax khalad ah ama hanti dhuntay maanan maqal waad na mahadsan tiihn

  6. faarax aadan macalin says:

    waxaan u arkaa in ninka qoray warbixintan uusan la socon runta uuna ujeedo gooni ah leeyahay

  7. awil mohamud noor says:

    waxaan u arkaa ahmed haadi inu ka hadlay aragtidiisa gaaban ee aan xaqiiqda wixii dhacay xog ogaal u ahayn.shirkadii dalsan ee burburtey waxaan la soconaa inay lahaayeen dad culumo ah una celiyeen dadkii wax hanti ah uga lumeen burburkii shirkada.waxaana wax aad looga xumaado ah khalad waynna ah in ahmed haadi uu ku tilmaamo culumadaas dad xaq dad leeyahay dhacay oo kadibna meelay ka bexeen la waayay.runti waxay mudanyihiin madaxdii shirkada dalsan in loogu mahad celiyo sidii xilkasnimada ahayd ee ay xil wayn iskaga saareen siday ugu celin lahaayeen dadkii ku waxyeelooday burburka shirkada.intaan la socdana waa loocelilay qofkaste oo kuwaxyeelooday burburka shirkadii dalsan.