Home » SaahidYusuf »

Shiikh Xasan AL-Banaa (2)

Shiikh Xasan AL-Ban,aa ( 2)

Waxaan Casharkii hore kusoo sheegnay Dacaayado laga faafiyey Shiikha iyo in ayarrimahaasi been Abuur yihiin, waxaana soo daliilsanay ereyo cad cad oon ta’wiil laheyn oo Shiikha kutubtiisa laga soo wariyey.Haatanna waa Qeyb kale oon ku caddeyneyno shaskhsiyadda Runta ah ee Shiikh Xasan AL-Ban’naa , anigoo u soo hormarinayo waxay Culumaddu ka yiraahdeen.

Waxay culumadu ka yiraahdeen Shiikh Xasan AL-Ban,naa :

Maadaama aanan halkaan ku soo wada koobi karin waxaan ku soo gaabsanayaa waxa uu ka yiri Caalimka kale ee weyn ee silsiladaan noogu jira waa Shiikh Abuu Xasan AL-nadawi :Shakhsiyad soo kadisay Masar iyo Caalamka Islaamka oo idil:

Shakhsiyadan oo ku soo kadisay Masar iyo Caalamka Carabta iyo Islaamkaba Dacwadeedaiyo Tarbiyadeeda iyo Jihaadkeeda iyo awoodeeda Baxdowga ah, ee Ilaahay ku kulmisiiyey Hibooyin iyo awoodo is hirdinaaya xagga aragtida Culumada nafsiga iyo Aklhlaaqda iyokuwa taariikhda wax ka qora iyo kuwa wax taxliiliyaba, hibooyinkaas waxay kala yihiin:Caqli weyn oo nuuraaya, Faham cad oo Ballaaran, Caadhifo xoog leh burqaneysa, Qalbi la Barakeeyey oo duxaaya, Ruux dhalin yar oo iftiimaaya,Carab xikmadi ka burqaneyso iyo saahidnimo iyo Qanaaco aan is dhib laheyn xagga nolosha Qofnimo, Dadaal iyo Himad sare oon is dhibid laheyn xagga gaarsiinta Dacwada iyo Ma’baadiida intaas iwm.(1).Waxaa ka muuqaneysa Caqli badnaanta Daacigaan labo arrimood oo aysan dad badani lawadaagin ilaa in yar mooyee :

1) waa jaceylka dacwadiisa iyo iimaankiisa xoogan iyo ku qanciddiisa iyo sida uu ugu go’ay,Taasina waa shardi asaasi u ah kuwa dadka kheyrka ugu yeera iyo Hogaamiyaasha uu Allaah gacmahooda kheyr badan ku maneystay.

2) Saameynta uu ku yeeshay saaxiibadiis iyo Ardeydiisaba, iyo tarbiyaddiisa la yaabka lehee wax soo saarka, wuxuu ahaa mid jiil dhan kiciyey,shacbi dhan tarbiyeeye,mid kaligiis ah Madarasad iyo fikrad iyo Akhlaaq cilmi ah. .

Shiikh Xasan AL-Ban’naa muxuu ka yiri isku xukumidda Diinta islaamka:

[ Wuxuu Nabigu NNKH Xukunka ka dhigay mareeg ama xarig ka mid ah mareegaha Islaamka, Xukunkuna wuxuu kaga jiraa Kutubteena Fiqhiga Qeybta Caqiidada iyo usuusha,ee kama tirsana fiqhiga iyo furuucda, Islaamku waa xukun iyo fulintiisa, sida uu u yahay sharciyeyn iyo Barasho, sidoo kale waa Qaanuun iyo xukmin aan midna mid ka maarmin.Ruuxa Caalimka Islaamiga ah ee naftiisu Raali ku noqoto in uu noqdo faqiih dadka Diinta bara oo kaliyah , Axkaamtana dareeriya oo kaliyah, usuusha iyo furuucdana kala saara !!!! Caalimkaas oo ka jeesta oo ka indhaha laabta kuwa xukumka haya, in ay dadka wax aanAllaah u sharciyeynin ay ku xukumaan, dadkana ku qasbaan in ay Allaah khilaafaan, Sida caadiga ah natiijadu waxay noqoneysaa dhawaaqa Caalimkaas mid aan waxbaanfacin oo la mid ah qeylo waadi lagu qeyliyey oo kale ama caro la afuufay sidey carabtu tiraahdo ama hal bacaad lagu lisay sida Soomaalidu ku maahmaahdo.Waxaa sax ah in Culumadu ku mashquusho tarbiyadda ,wacdiga iyo hanuunintaba , waa haddii xukaamtu ay Hadalka ilaahay u dhaga raaricinayaan , awaamiirtiisana fulinayaan, dadkana gaarsiinayaan hadalka Allaah iyo sunada Rasuulka, laakiin haddii xaalku yahay sidaan arkayno: sharcigii islaamkuna uu waadi ku socdo,fulitaankiisiina uu waadi kale ku socdo, Haddaba in Culumadu arrinkaas ka fadhiisato oo aysan xukunkii Allaah raadinin waa jariimo ama Danbi weyn oo islaami ah oo aan lagu dhaafeynin ilaa loo kacomooyee, lagana wareejiyo xukunka gacanta kuwa aan Allaah xukunkiisa uhogaamsaneynin iyo Diintiisa xaniifka ah] majmuucul rasaa,il 186.

Haddaba Akhristoow waxaan markaana u gudbayaa aniga oo soo koobaaya, Dacwada AL-Akhwaanul Muslimiin sida uu Shiikhoodu yiri :

Arkaanta Beecadeenu waa Toban ee xifdiya:

faham,ikhlaas,camal,jihaad,naf hurid,adeecis,sugnaasho,u banbixid,wallaalnimoiyo kalsoonaan.

( Tan ugu horeysa ee( fahamka) ayuu wuxuu ku soo koobay 20 Qodob oo runtii ah Diinta usuusheeda ama haddii aan si kale u iraahdo fahamka salafiga ee Saxiixa ah wax uu ka tagay ma leh.wuxuu ka bilaabay in uu islaamku shaamil yahay oo waa caqiido,cibaado,wadan,jinsiyad,Diin iyo Dawlad,rooxaaniyad(spritual)camal,kitaab,seef,quraanku waa dustuurkeena,Rasuulkuna waa(qudwatunaa)kaan ku dayaneynay.xirsiyadda,tufniinka,faalka,wax maqan oo laga hadlo ,waamunkar ay waajib tahay in lala diriro,wuxuu kaloo soo qaatay,macrifadda ilaahayiyo towxiidkiisa iyo in xumidda laga nasaho iyo Aayadaha sifaadka iyo axaadiisteeda saxiixa ah, waxaan u rumayneynaa sidii ay noogu timid anagoon ta’wiilin, tacdhiilin, waxaana taas naga deeqa wixii nabiga nnkh iyo asaxaabtiisaka deeqay sida ay yiraahdeen( kuwa cilmiga u saaxiibka ahi waxay oranayaanwaan rumaynay wixii Allaah xaggiisa nooga yimid oo idil)3:7 wuxuu 20 kaas qoddob ku soo gabagabeeyey hadalkii Caalimkii Islaamka ee xanafiga ahaa Shiikh Dhaxaawi ee ahaa :( Ruux Muslin ah oo shahaadada qiraykuna camal falay waxay keensaneyso, ku Gaaleysiin mayno macsiyo in uu kalimadgaalnimo ah qirto mooyee ama uu ka tago wax diinta ku cad oo lagama maarmaan ah in uu ogaado, ama uu ku kufriyo wax quraanka ku cad ama si khaladan uu u turjumo ama uu sameeyo camal gaalnimo tusaaya oo aan ta’wiil qaadan karin ) majmuucul Risaala Bogga 372-375 .(2)

Waxaan ku soo gabagabeynayaa Shiikh Xasan AL-Ban,naa wuxuu ahaa CaalimRabaani ah oo faqiih ah, muxadis aan la dhayalsan karin sidaas waxa ku tusinaayaTakhriijinta uu takhriijiyey Xadiis Mashhuur ku ah dadka afkooda:Wuxuu yiri Shiikhu ( waxaa muslimiinta ku dhex faafay in dagaalka cadwga lala dagaalamo uu yahay jihaad yar oo uu jiro jihaad ka weyn oo ah kan nafta.waxayna daliilsadaan buu yiri: [ waxaan ka soo noqonay jihaadkii yaraa oon usoo noqonay jihaadkii weynaa, markaas ayey yiraahdeen : jihaadka weyn muxuuyahay?waa jihaadka qalbiga ama kan nafta ayuu yiri).

wuxuu yiri asagoo athartan sheegaaya kani xadiis ma ahan sida saxa ah ,sida uu yiri amiirul mu’miniinka axaadiista AL-xaafid ibnu xajar kitaabkiisa( tasdiidul Qows): waa hadal carabada ku batay waana hadalkii Ibraahiim ibnu cablah.

Akhristoow waxaadan ula yaabin in uu muxadis yahay Aabihiis Axamed Al-ba’naasow muusan aheyn ninka sharxay Musnadka imaam Ahmedbin Xanbal RC.Waxyaabo badan baan ka xusi lahaa Shiikheena caalimkeena balse maqaaamkuma ahan meel wax lagu faafaahiyo.

Waa idin baryayaa Akhwaanka iyo Salafiyaddaba iyo Ruux kasto oo u suurtowday in uu maqaalkaan akhriyo in uu kitaabka Majmuucul Risaala oo lagusoo koobay Risaalooyinkiisa in aad akhrisaan oo dhuuxdaan.

Gabay ma aqaano se waxaan Shiikha ku Amaani lahaa Gabaygii uu Sayid Maxamed Cabdille xasan uu ku Amaanay Faraskiisii Xiin Faniin:

Xamar weeye oo midab fardood kala xariir roone Xawaariyo kabti iyo raaxo iyo xawli iyo jeefag Xaggii loo eryaba waa Gammaan xulashadiisiyeXubna toosanlow neefku waa xaalad gooniya e Goortaan xusuus ula noqdaa xiisa ii qabanne Waxaan xarafka diimeed ahayn igaga xeel dheere.Anigoo taas ka wada Shiikhuna AL-shahiid Xasan AL-ban’naa dhan kastoonka fiirshayba ma salafibaa,ma mujaahidbaa,ma mufakarbaa,ma mutacabudbaa,ma faqiihbaa,ma muxadisbaa,ma mu’arikhbaa,ma siyaasi baa dhankii loo eryaba waa gamaan xulashadiisiiye !!!!Allaah yarxamuh shiikh xasan AL-banaa waxaa la toogtay 19kii febaraayo 1949.asagoo ka soo baxay maktabkiisii saacadu markay aheyd 8:00 pm oo ay la socdaan labo saaxiibadiis ah ayagoo Taxi markaas fuulay ayaa labo nin soo hajuumeen oo xabbad ooda uga qaadeen !!! Shiikh isbitaal baa loola cararay asagoo naftu ku jirto se waa loogu tala galay lama dhiig joojin ee dhiig bax ayuu isbitaalka ugu dhintay !!!!Maalintii uu dhintay Shiikh Xasan alba’naa ayaa Sayid Qudub oo jooga Mareykanka uu maqlay Kaniisadihii oo habeenkaas saq dhexe kanbaleelkooda tumaaya markuu weydiiyey ayey Dhaheen waxaa caawa la dilay Nin Masri ah oo xag jir ah taas ayaan u dabaaldegeynaa !!! taas ayaa markii danbe Sayid Qudub Raad ku reebtay in uu diinta difaaco !!!! Fii amaani laah

Shiikh Saahid mohamed yusuf

mutakhasis fil xarakaat AL-islaamiyah

Usa,Va

sahid_yusuf@yahoo.com

.(1) ma soo koobi karo amaanta Shiikh ALNadawi ee ka akhri Majmuucul Rasaail, 7.(2)qodobadaan 20 ka ah waa in uu ruux kastaayi akhriyaa

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Shiikh Xasan AL-Banaa (2) "

  1. sheekh boobaa says:

    walalalayaal waad mahadsantihidiin casharada aad noosoo laakiin waxaan rabnaa inaa noo sogodbisisaan qeybiti hore ee sheekh hedee kalina waad kashaylaynaysaan waxaan idinko sameeyo be carefull our theart

  2. sheikh sahid says:

    scwxwb:
    Mashallaah iga raali ahaada qeybahaan hore ma aanan ku noqonin [Feed back] aad ka bixiseen !!! Aad & Aad baan kuligiin idiinkugu mahadcelinayaa jzk kheyran.
    Midda kale Culumadan aan noo soo dooray runtii kuwo la dhayalsan karo ma ahan aan cilmigooda ka faa,ideysano una duceyno.
    Anniga haddii aan isku kiin sheego ma ihi Akhwaan iyo Salafi toona ka xarako ahaan, se kuligood waan jeclahay kuwa kastana waxay ku fiican yihiin waan ku ixtiraamaa.
    Ninkii Rabba in uu xarakooyinka Islaamiga ah wax ka ogaado ha akhriyo Macallinkayga DR. Salaax Al-Saawi kitaabkiisa Qayimka ah ee [ Tarshiid camal Al-islaami].
    Kulligiin Allaah dartiis baan idinku jeclahay !!! Ciid Mubaarak !!!!

  3. walaal waa sidaa aad uga warantay alaah ha kaaa abaal mariyo, enaganaha inagu anfaco

    walaal waxaan u soo jeedin lahaa saxwada islaamiga ah ee maanta inay suhdi badan la yimaadaan oo ka fogaadaan aduunyo uu xukun jacayl ugu weyn yahay si loo gaadho yoolka uu islaamku u baahan yahay.
    ku dayda aimmadii inaga horaysay sida culumadan halkan ku xusan iwm , oo yaanay idin sirin aduunyadu waa wax dhamaanaya sida ku dhacday dad farabadan oo horboodi jiray saxwada.
    wasalaamu calaykum

  4. Igo says:

    Sahid waan kuugu mahadcelinayaa sida aad u quudisay maskaxdeena!

  5. Salaad says:

    SC
    Rabi haw naxariisto shiikha,midse ogaada cimrigiisii Rabi siiyey wuu uga faa,iideeyey diinta iyoumada muslimiintaba balse walaalkayga akhristaha ahoow aniga iyo adiga ka waran bal miisan ina saar war walaalayaal in dhaha horay u dhiga oo argtidiina fogeeya

  6. ali says:

    ninka la baxey raage sheekh xasanul banaa wuxuu ahaa kheyr wade taas shaki malahan , laakiin nimankaan ikhwaanka la baxey ee soomaliya jooga ciyaal siyaha ah miyaad u taqaan niman wanaagsan , walee kuwaas diina umada ma baraan cadowna islaamka kama difaacaan , maxaa la diin arki waayey 2 sano oo umadaan cadow itoobiyaan ah garaacayey, mida kale maseeyrka iska daa saxwada soomaliya ugu weyn waxaa gacanta ku haya itixaad islaamii waana cadowga habeen iyo maalin difaacaya ma fitnaada umada in diintooda la difaaco ama dalkoodana umadax banaanadaan waligiin waa la idnku ogaa maseyr iyo reer magaalnimo aan meel gaarin

  7. somali says:

    Markii sheekhaan akhriyay noloshiisa sideed sano ka hor, walahi, I said was there such a person in our midst less than 60 yrs ago and 90% of this ummah never heard his name. I think this is shame, but I believe in the next 50years, he would be recognize for his worthy contribution to this deen and ummah. He was a gift to this ummah.

  8. Raage says:

    asslaamu calaykum
    waa sidaa uu uga sheekeeyey sheekh sahid yuusuf allaah ha abaal iyo ajar ba mariyee… waxaan uun dhihi lahaa soomalida maanta waxaa suurta gal ah inay nacayb weeyn u qaadaan ururada diiniga oo jira markaan eegno waxa ka dhacaya wadankeen. Haddaba waxaan filayaa in qoraalkan iyo kuwa lamidka ay soomalida u kala cadeeyn doonaan su,aasha ah saxwada islaamku ma soo afjarantay? waxaa leehay maya!!! ee soomaliya waxaa jira “ikhwaaka” markaan laahay Ikhwaanka waa dadka sheekhaan kor lagu xusay uu tarbiyeeye waa kuwaa aan ilaa hada sinaba uga qaybgalin fitanka Soomaaliya ka jira. waa kuwa ah shamaca gubanaya ee tacliinta dalaka ilaa maanta gacanta ku haya……….. haddaba soomaliyeey indhaha fura oo fitanka dhacayaa yaanay idiku dirin waddaada..

    wa bilaahi tawfiiq

  9. Ikhwaani says:

    Maasha allaah eebe ajar iyo xasanaad badan ha kaa siiyo sheikh Shiikh Saahid mohamed yusuf …..waa wax loo baahan yahy in umada soomaaliyeed aad u soo bandhigtid taariikhada Imaamka Shahiidka ah bidinlaaah Hasan Al banaa ….
    Ikhwaanka waa rag yiri (ilaaah ayaa yoolkeena ah rasuulka ayaan ku dayanayaa kitaabka ayaa dastuur ) eryadaasna waa kuwa uu lahaa sheikh Xasan Al banna

  10. brkhad says:

    Sh. Saahid si wanaagsan ayaad noogu sharaxday Alle Ha unaxariistee Xasan Albana oo ahaa shaqsi ku sifoobay tayada Hogaaminta, Wuxu ahaa shaqsi Aragtidiisa ay ku qotantay diinta iyo waaqaca, waxa uu ahaa shaqsi si fiian udarsa waxwalba oo ufeejigan khatarwalba kuna cibaaro qaata Raadadkii hore ee dacwada islaamka sida siirada nabiga oo ay si wanaagsan uga shidaal qaataan Ururka Ikhwaan Al-muslimuun lana oran karo si wanaagsan ayay ugu xeel dheeryihiin,
    Sheekha intaad nooga sheegtay nagu filan ilaahay adigana hakaa abaal mariyo waxana walaalaheena dacwah Salafiya leenahay bal idinka oo aan qabriyada uga daba tagin ragii dacwada kaalintooda ka galay si wanaagsan wax udarsa oo idinkuna markaas qaybtiina ka gala,
    Al-bana wuxuu ahaa Hogaamiye mideeyay Zamankiisii Cidii markaasi uu raadka ku lahaa, Waxana uu ahaa nin sal adag oo si cilmiyaysan wax umeelmariya, xarakada uu aabaha u ahaa waa dhaqdhaqaaqa Caalamka Islaamka ugu saamaynta badan ee meelwalba laga helayo raadkooda, Lama Gabadaan Hadalka, Waxay ku jihaad Galaan waxwalba oo saamayn leh sida adeegsiga Qalinka oo xiligan Caalamku Wax ku Kala Goosto,