Home » Warar »

Hayadda Daryeelka Waayeelada oo Diiwaan galisay 1500

Hayadda Daryeelka Waayeelada Soomaaliyeed oo Gobalada Konfureed ka diwan galisay tiro gaareyso 1500 oo Wayeelo Soomaaliyeed ah.

Uqeybsamaha Wadanka Soomaaliya ee Hayada Daryeelka Waayeelada Soomaaliyeed, Somali help-Age Association. Dr. Muuse sheikh cumar oo dhawaan ka yimid Dalka Soomaaliya asagoona soo diwaan galiyay Dad da’doodu ay udhaxeyso 60 ilaa 114, tiradooduna ay gaareyso 1500 oo qof ayaa hada waxuu soo gaaray Wadankaan Kenya.

Asagoona aan wareysi kala yelanay sida ay hayadaan usoo diwaan galisay Dadkaas ayaa Muuse waxuu marka hore faahfaahin ka bixiyay wax qabadka hayadaan, goortii la Aas Aasay iyo sida ay usoo diwaan galiyeen Dadkaas tiradadoodu ay gareyso 1500 ee Duqowda ah.

Jawaabta uu bixiyay Dr.Muuse sheikh Cumar: waxey aheyd sida tan. waxaa la aas aasay hayadaan sanadii 2004, xiligaaso markii ugu horeysay xafiiska hayadaan laga furay magaalada Muqdhisho.kadib waxaan ugudubnay Koonfurtay iyo Bartamaha Wadanka Soomaaliya oo aan ka furnay lix (6) Gobal Xafiisyo. ayadoo Wakiilana ay Hayada halkaas ujoogaan, markaas kadib ayaan bilownay in aan diwaan galino Dadka Waayeelada ah ee Cimrigoodu uu dhaafay lixdanka (60) sano. Anagoona soo diwaan galinay Dad Garaayo 1500 oo Qof kuwaso Cimrigoodu uu udhaxeeyo 60 ilaa 114 sano jiryaal.

Nuuriyo

Sidoo kale waxaa jirtay in aan caawimaad gaarsiinay Dad gaaraayo lixdan (60) qofood oo aan siinay Raashinka Nafaqada leh iyo Agabka lagu seexdo.

Dr. Muuse Sheekh Cumar oo wareysi dheer siiyay Website ka Somalitalk.com ayaa shegay in ujeedada ugu weyn ee hada u yimid Wadankaan Kenya ay tahay, Kulama uu la leyahay Hayada Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midobay Asagoona sheegay in uu hada la kulmay Hayado ay ka mid yihiin Help Age International, Unicef, Un-ocha, Oxform, iyo WFP. Sidoo kale waxuu shegay Uqeyb Samaha hayadaan ee Wadanka Soomaaliya inuu kulamo la qaatay Dad Magac ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed iyo waliba qaar ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan, kuwaasoo uu shegay in ay aad ula dhaceen howsha ay Hayadaan ka qabaneyso Wadanka Soomaaliya.

Intii Haydaan ay Tiro koobka ka sameyneysay Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa noqday Qofkii ugu da’da weynaa Dadka Cimrigoodu uu dhaafay 60ka sono. Nuuriyo Sheekh Ibraahim oo ku nool Magaalada Balad Xaawo ee katirsan Gobalka Gedo.ayadoo haatana jirto hal qarni iyo 14 sano.

Hooyo Nuuriyo oo ku nool Aqal ku yaalo gudaha magaalada Balad Xaawo ayaa noqotay Qofkii ugu weynaa 1500 Da’weyntii gareysay ee tira koobka lagu sameyay, waxeyna haatan jirtaa ama uu cimrigeedu marayaa 114 Sano.

Sidoo kale waxaa kamid ahaa Da’weyntaas Xaawo Cali Gurey oo ah Haweyneydii logu magac daray Magaalada Balad Xaawo madaama ay ka mid aheyd aas aasayaashi Magaaladaas waxeyna haatan ku noshay isla Magaaladaas ayadoo jirto 100 sano.

beledxaawo
Inkastoo aynan noo suro galin in aan soo bandhigno dhamaan sawiradda uu Wabka Somalitalk usoo ban dhigay Dr. Muuse Sheekh Cumar hada waxaa kamid ahaa Dadka Magac ku dhex leh Bulshada dagan Gobalka Gedo Hilowle oo labo sano kaliya ay oga hartay 100 ka. asagona hada 98 sano jir ah.

Hayada Somali Help-Age Association waa Dalada udoodo Xuquuqda Dadka ay da’doodu ka weyn tahay lixdan (60) sano.

Waxuuna sheegay in Madaxa Hayadaan ee Wadanka Soomaaliya in ayagu ay yihiin kuwa u doodo xuquuqda Dadka marka loo qeybiyo sadex meelood meel!.. maadaama uu sheagay in Dadku ay kala yihiin sadex cimri sida qeybta (1) oo ah. Caruurta kuwaasoo ay Da’doodu udhaxeyo hal sano ilaa 16 sano jir.

Qeybta (2) waa kuwa ayaguna udhaxeyo 16 ilaa 50 sano. iyo qeybta ugu danbeyso oo ah kuwa ay ayagu hada la tacaalayaan, kuwaaso uu tibaaxay in ay yihiin kuwo la iloobay.

Tira koobka ay sameysay Hayadaan Daryeelka Wayeelada Soomaaliyeed ee lagu ogaanaayay inta ay dhan yihiin dadka Waayeelka ah ku tabaaleysan Gudaha Dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in xigi doonto Barnaamijyo koor loogu qaadaayo Gaaraadka Dadka. Sida uu shegay Uqabsamaha Wadanka Soomaaliya Help-
Age Association kuwaaso kala noqon doonto, Wacyi galin iyo saro uqaadid Garadka Dadka Da’da weyna iyo waliba in labaro dadka Doorka ay ka ga jiraan Bulshada dadka Waayeelka ah. ayagoona kor loo qaadi doono Difaaca Xuquuqda Dadka Waayeelka ah.

Isku soo wada duuboo dhamaan Dadka Soomaaliyeed ayaa looga fadhiyaa in ay garab istaagaan daryeelka waayeelka Ayadoona loo calamadeeyay 01/October/ ee sanad kasta in ay tahay Maalinta Waayeelka Aduunka.

C/salaan Maxamed Cali (Najax)

najax@journalist.com

najax.usa@hotmail.com

najax.moha@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hayadda Daryeelka Waayeelada oo Diiwaan galisay 1500 "

  1. Samawade says:

    waxaan u mahad celinayaa Dr. muse sheekh cumar oo arimo wanaagsan ka wada gudaha dalka soomaaliya, waana markii ugu horeysey oo aan maqlo waxqabad ku saabsan waayeelada soomaaliyeed, sidaasi darteed Dr. muse wuxuu mudan yahay in la garab istaago, isaga hawshaan uu bilaabey yuusan ka caajisin, insha alaah qeyr aduun iyo mid aakhiro ayuu kaheli doonaa cidii waxqabad kuhesha arintaas.

    Samawade