Home » Sports »

Ururka NSUM Ma Ku Guullaysan Doonnaa|galoose

Ururka NSUM Ma Ku Guullaysan Doonnaa: Halganka Uu Ugu Jiro Dibu Soo Noolaynta Kooxdii Darwiish Ee Burburtey 1993.?(Qaybta 1aad)

Qormada Ciyaaraha :-Waa mar kale iyo Barnaamijkeenii faaqidaadda Ciyaaraha oo aynu qormadeenan ku qaadddaa dhiggi doonno haddii alle idmo: arimihii dhaliyey in uu Burburo Naadigii ku ciyaari jirey magaca Gobollada Sool,Sanaag iyo Cayn sanadkii 1993, iyo hawlaha uu waddo NSUM ee dib loogu habaynayo Kooxdii Darwiish.

Ugu horayn aan wax yar idinka xasuusiyo Hannaanka Isboorti ee Adduunka ka jira, Xiligii ay bulshadda Soomaaliyeed qaadatey hannaankaas, iyo arimihii dhaliyey in uu burburo sodon sano ka dib Xidhiidhkii Isboorti ee Soomaaliya.

Isboortigu waa Nidaam ciyaareed iyo mid maamul, oo aan bulshanna la’aantiis horumar samayn karin , wuxuunna hanaankaasi lee yahay qaybo iyo qodobo guud oo caalamku ka siman yahay fulintiisa, waxaase jira qodoba hoose oo bulshooyinka adduunku ay ku kala duwan yihiin,maadaama la kala haysto Diimmo, Dhaqammo iyo xadaarado kala duwan.

Wuxuu hannaankani dhigayaa in bulsho kasta ay yeelato Xidhiidh,waxaa kale oo jira xidhiidho urur Goboleedyo ah, kuwa Qaarradeed iyo mid guud oo Caalamka ka dhaxeeya, dhammaana Xidhiidhadaasi waxaa ay ku dhaqmaan sharci guud ahaan isku mid ah, wallow ay jiraan arimihii hoose ee aynu horey u soo xusney, oo dal waliba uu si gaar ah ugu dhaqmo.

Kala duwanaanshahaas hoose waxaa ay dhaliyaan inta badan khilaafaadyo dhex mara Xidhiidhada waa weyn ee dhaqaalaha ugu badan siiya FIFA iyo kuwa yar yar ee ay lee yihiin bulshooyinka ku cusub Isboortiga.

Waxaanna ay kuwa waa weyni ,iyagoo oo kaashanaya Xidhiidhka guud ee FIFA ay kuwa yar yar ku cadaadiyaan fulinta dhammaan sharciyada Xidhiidhka guudi soo saaro, arimahaas oo ay kuwa kale u arkaan Xadaaraddo iyo falsafaddo bulshooyin u gaar ah, oo iyaga lagu khasbayo. waxaanna ay taasi keentaa faragalin Isboorti iyo mid xoog ahba in laysku adeegsado, halkaasna ay ku burburaan xidhiidho bulshooyinkoodu ay aad ugu qanacsan yihiin iyo kuwo kaleba.

Goormaa la dhisey Xidhiidhka Isboorti ee Soomaaliya,Maxaase Burburiyey 30 sano ka dib?

Xidhiidhka Soomaaliya waxaa la dhisey sanadkii 1960,waxaanna ku midoobey labadii qaybood ee waqooyiga iyo Koonfurta ka dib markii Xidhiidhka guud uu qaybihii kale ee Soomaaliya ku darey sadex Xidhiidh dal oo kale,taas oo ay uga jeedeen in aanu xidhiidhka Soomaaliyeed noqon mid awood badan leh,maadaama Soomaalidu 100% ay muslin yihiin ,arintaas oo ay u arkeen mid carqalad ku keeni karta dannaha hoose ee Xidhiidhada isbidda ay lee yihiin.

Xidhiidhkii Isboorti ee Soomaaliya wuxuu ahaa bilowgii mid ku socdey hannaan degan marka loo eego,khibradda bulshadda Soomaaliyeed ay nidaamkan u lahayd iyo duruufaha wax laga bilaaabey intaba, habba jireen dhaliilo yar yariye, waxaanna marka la qiimeeyo la odhan karayey wuxuu ahaa bilow wanaagsan, balse markii uu sagaal jirsadey waxaa soo baxay dhaliillo la xidhiidha, musuqmaasuq baahsan,cadaalad darro iyo arimo kale oo hogaanka lagu eedaynayo, taasina waxaa ay ugu danbayntii keentey in sanadkii 1969-kii uu maamul cusubi xoog aan dhiig ku daadan kula wareego hogaankii Isboorti ee Soomaaliya.

Inkasta oo hogaankii cusbaa ee xoogga kula wareegey xidhiidhkii Soomaaliya uu isaguna bilowgii muujiyey waxqabad taariikhda galey, oo illaa maanta la manaafacaadsado, haddana markii danbe wuxuu ku talaabsadey arimo sababey in guud ahaan uu burburo xidhiidhkii Isboorti ee Soomaaliya.

Waxaynuna ka xusi karnaa arimaha loo aanaynayo burburkii Xidhiidhka Soomaaliya in ay lug ku lahaayeen.1: Xad gudub dhanka Diinta ah.2:In uu xidhiidhka u gooyo xidhiidhada awooda ugu badan ku leh FIFA, muddo gaabanna uu u qabtey in ay dalka oo dhan kaga baxaan xubnihii Soomaaliya u joogey dalalka Maraykanka iyo Ruushka. 3:Ku dhawaaqidii soo celinta xidhiidhadii laga gooyey Xidhiidhka Soomaaliya, ee dalalka dariska ah lagu kala darey,taasi oo dhalisey markii danbe in Xululka Soomaaliya iyo Itoobiya ay dhex maraan Ciyaaro rabshado xoogani ka dhasheen,,kuwaas oo dhaawac dhankasta ah u gaystey xidhiidhkii curdinka ahaa ee Soomaaliya.

Marka arimaha aynu soo xusney oo dhan laga yimaado, waxaa la odhan karaa waxaa burburiyey xidhiidhkii Isboorti ee Soomaaliya; Aqoon la’aan hanaanka Isboorti ah,Cadaalad darro iyo musuq maasuq baahsan oo hadheeyey xidhiidhka, waxaanna ay goobahaasi ahaayeen meelihii ay ka abbaareen burburinta xidhiidhkii Soomaaliya; Mucaaradkii Soomaaliyada iyo Xidhiidhada waa weyn ee dhaqaalaha ugu badan siiya FIFA, kuwaas oo sida illaa iyo maanta muuqata ku tashadey in aan Soomaali loo samayn Xidhiidh Isboorti illaa iyo inta ay wax iska badalayaan dhanka Diinta, Dhaqanka iyo Qabiilka.

Ugu danbayntiina wuxuu afka goostey Xidhiidhkii Isboorti ee Soomaaliya markii uu sodon jirsadey, illaa maanta oo ay ka soo wareegtey 19 sanana ma yeelan Soomaaliya Xidhiidh taaba galla, oo isku soo celiya Naadiyadii kala tagey ee mid waliba gobolkiisa ka samaystey Naadi u gaar ah oo aan awood badan lahayn,wallow ayba jiraan gobollo awoodi waayey in ay wuxuun samaystaan.

Kummuu Ahaa Naadigii Darwiish,Maxaase Sabab u ahaa in uu Burburo?

Wixii ka horeeyey intii aaney Soomaaliya qaadan hannaanka Isboorti waxaa uu ahaa Naadigii Darwiish, mid Soomaaliya iyo Qaarmada afrikaba u soo hooya; sumcad iyo magac weyn ,waxaanna Guulihii ay kooxdu soo hoysey ka mid ahaa; Ciyaarihii mudada dheer socdey ee ay la yeelatey Kooxdii Ingiriiska, kulamadaas oo dhacey sanadihii 1900 ilaa 1921-kii.

Sidoo kale markii ay Soomaaliya hannaanka isboorti qaadatey, Kooxaha heerka koowaadna loo wareejiyey dhanka Caasimadda ,xubnaha u ciyaari jirey Xulka Xidhiidhka Soomaaliyeed, waxaa ay ahaayeen kuwo Garoomada aad looga xiiseeyo, aadna looga qadariyo Isboortiga Soomaaliya oo dhan.

Markii uu burburey xidhiidhkii Isboorti ee Soomaaliya 1991,cid walibana ay ku noqtey Gobolkeedii,waxaa ay kooxdu, iyadoo kaashanaysa waxgaradka iyo taageerayaasheeda SSC shir ku yeesheen degmada Boocame 1993, waxaanna dib loo habeeyey Naadi ku ciyaarra magaca Deegaanka,kaas oo ahaa kii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga hirgaliyo burburkii ka dib.

Ujeedadii laga lahaana waxaa ay ahayd: in uu noqdo mid ilaaliya sharafta iyo magaca Isboorti ee Bulshadda Sool,Sanaag iyo Cayn, inta la helayo Xidhiidh Soomaaliyeed oo loo dhan yahay ,waxaase markii uu muddo kooban jirtey la soo darsey burbur, kadib markii xubno iskugu jirey masuuliyiin iyo ciyaaryahano ay u fulaaceen dhanka Boorame,halkaas oo laga waday dhismaha Naadiga haatan loo yaqaan Somaliland.

Waxaanna la sheegey in ay ku andacoodeen garabkii Boorame aadey, in aan Naadigu dhaaqale ahaan is bixin karayn, meel madhana loo dhiibey, waxaase hubaal ah in burburkii kooxdaas ku yimi uu ahaa mid ka dhashey Arammi soo jiitamaysey illaa iyo waqtigii ay Soomaaliya qaadatey hannaanka Isboorti.

Burburkaas waxaa uu Naadigii magaca iyo taariikhda weyn ku lahaa Ciyaaraha Soomaaliya ku keenney dhaawac weyn, oo dhaliyey in xidhiidhka Qaarada Afrika ee CAF iyo kan Igad ay si ku meelgaadh ah ugu qaadaan Calaamada loo yaqaan (Sare A).booskiina lagu badalo Naadiga Soomaaliland.

Garabkii ku biirey Naadiga Soomaaliland waxaa markiiba la soo darsey duruufo kala duwan, ka dib markii ay kooxdii ku dhawaaqdey in ay ka go’een guud ahaan Xidhiidhka Soomaaliya,oo ay yihiin mid madax bannaan,islamarkaana ay fikirka u dhan yihiin Beelaha dega dhulkii Ingiriisku xukumi jirey xoriyadii ka hor, sidoo kale waxaa lagu sameeyey ,cadaasid,cabudhin iyo cadaalad daro,dhanka kalena waxaa ay bulshadda SSC kala kulmeen mucaaradad xoogan.

Sidoo kale garabyadii ku hadhay Gobolka , iyaguna ma noqon kuwo dib isku abaabula oo buuxiya boosaskii lagu baneeyey,waxaanna ay ku yutunsadeen mucaaradada garabka Soomailand jira,taasina waxaa ay dhalisey in Jiilashii iyo da’ yartii cusbeyd ee u darbanayd ciyaaraha in ay ku dhex wareeraan labada garab ee is haya.

Waa Socotaa:
Maxamed Axmed
galoose@yahoo.com
Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.