Home » Maqaallo, Waxbarasho »

Maxaad ka taqaanaa Jaamacadda University Tecnology Malaysia

Maxaad ka taqaanaa Jaamacadda University Tecnology Malaysia, Waxbixin kooban oo laga diyaariyey

Jaamacada Universiti Tecnologi Malaysia-UTM- (Technological University of Malaysia) waa jaamacada ugu da’da wayn dalka Malaysia marka la dhoho barida handasada (injineernimada) iyo tiknoolojiyada. Inkastoo Jaamacada aad caan ugu thttps://somalitalk.com/web/wp-admin/post.php?action=edit&post=943ahay handasada iyo tiknoolajiyada, hadana waxay leedahay kuliyado kale oo lagu barto Sayniska, waxbarashada/tarbiyada, maamulka iyo kuliyado kale. Jaamacada waxaa la aasaasay sanadkii 1904 iyadoo markaas ahayd kuliyad yar oo loogu talagalay in wixii teknikal ah ay ka caawiso shaqaalaha tareenada dalka laga dhisay xiligaas. Hase ahaatee sanadkii 1975 ayaa si rasmi loo siiyay aqoonsi jaamacadeed. Website-ka Spanish-ka ah (Webometrics Ranking of World Universities) ee qaabilsan wax ka ogaashaha tayada jaamacadaha aduunka ayaa sheegay in jaamacada UTM ay tahay jaamacada 15-aad ee ugu fiican bariga iyo koonfurta Asia.

Kuliyadaha ay bixiso jaamacada waxaa ka mid ah kuliyada handasada noocyadeeda oo idil, jaamacadan ayaa ah jaamacada koobaad ee ugu tayada fiican dhanka injineernimada dalka Malaysia oo dhan. Waxaa kale oo ay bixisaa tarbiyada, cilmiga computerka, Nidaamka macluumaadka (Information systems), handsada noolaha, (bio-medical engineering), dhismaha, handsada kiimikada (Chemical Engineering), ganacsiga, tiknoolajiyada, daraasaadka Islaamka, Hormurka bulshada iyo kuliyado khaas u ah ardayda baranayso mastareedka iyo PHD-ga. Kuliyadaas ayaa waxay ku qalabaysan tahay agabkii ugu danbeeyay ee jaamacadda.

Qiimaha jaamacada ayaa ah mid aad u jaban. Tusaale ahaan kuliyada injineernimada ayaa laga doonayaa ardayga inuu bixiyo 950-1000 oo dollar semester walbo. Taas oo ka dhigaysa fiiska mid macquul ah. Total waxay noqonaysaa 2,000 oo dollar sanadkii. Kuliyada Maamulka waa 900 dollar halkii semester. halka kuliyada aqoonta ay tahay in ku dhow intaas oo kale. Ardayda ayaa leh guryo badan oo ay seexdaan iyaga oo dooran kara meesha ay seexan karaan iyo qiimaha guryaha. Ardaygii doonaya inuu kaligiis dago wuxuu iska bixinayaa inta u dhaxayso 1.30 cent ilaa 2 dollar maalin walbo taas isku iman karto 50-60 dollar bishii halka kii doonayo inuu qofkale la dago bixinayo intaasi in ka yar. Dalbashada jaamacada iyo fiiska la iska qaado ee ku saabsan dhamaystirka dalbashada iyo aqbalaada ayaa ah mid aad u jaban sidoo kale. Jaamcada waxaa gacanta ku hayso dowlada dhexe ee dalka Malaysia waxayna xarunteeda wayn ku taalaa magaalada madaxda gobolka Johore ee Johore Bharu. Magaaladaasi ayaa daris la ah dalka Singapore oo wixii ka horeeyay 1965 ka mid ahaan jiray dalka Malaysia intuusan ka go’in 1965.

Hadaba cidii dooneyso waxbarashada Jaamacadda U.T.M, waxay kala soo xiriiri karaan aqoon114@hotmail.com ama aqoon114@live.com
Cadde
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.