Home » Maqaallo, Waxbarasho »

Maxaad ka taqaanaa Jaamacadda KLIUC ee dalka Malaysia|Xasan Cadde

Maanta ayaa booqasho waxaan ku tagay Jaamacadda caanka ah ee KLIUC, waxaana soo dhaweyn diiran ka helay mid kamid ah Ardayda Soomaaliyadeed ee wax ka barata Jaamacadaasi,
kaasow lagu magacaabo Axmed Ciise Xaaji Axmed.

Jaamacadda KLIUC, waxay ahayd xarunta tababarka howlaha guud ee dalka Malaysia, taas oo ay maamuli jirtay wakaalada howlaha guud ee dalkaasi ilaa 1997. Sanadkii 1997 ayaa waxaa laga dhigay (Koleej) college khaas ah oo ka madax bannaan wakaalada howlaha guud iyadoo sanadkii 2001-dii la-siiyay aqoonsi jaamacadeed. Jaamacadda waxay ku taalaa xarunta dalka Malaysia ee Kuala Lumpur Waa sida uu magaceedaba xusaayo.

KLIUC waxay bixisaa waxbarasho u badan dhismaha iyo handasada. Kuliyadaha ay bixiso ayaa waxaa kamid ah kulliyada handasada iyo dhismaha. Kuliyada handasada (injineerinimada) ayaa ah mid ka kooban dhamaan qaybaha injineernimada. Kuliyada tiknoolajiyada iyo macluumaadka, kuliyada dhismaha ganacsiga, kuliyada isgaarsiinta, kuliyada luqadaha, kuliyada sayniska, kuliyada dhismaha iyo bay’ada iyo kuliyado kale. Jaamacada waxay kale oo ay bixisaa waxbarashada mastarka ee ganacsiga iyo injineernimada.

Jaamacadda waxay caan ku tahay xiriirka badan ay la-leedahay jaamacadaha kale ee ku yaala dalalka aadka u hormaray sida Australia, UK, New Zealand, Ireland, Holland (The Netherlands) iyo China. Tani ayaa u suurta galin karto ardayga inuu u badasho jaamacadaha ay xiriirka la leedahay ee ku yaalo dalalka aanu kor ku soo xusnay. Ardayda wax ka barata Jaamacada KLIUC ayaa ka kala yimideen daafaha dunida. Sida Indonesia, India, Bangladesh, China, Singapore, Thailand, Combidia, Somalia, Sudan, Kenya, Libya, Nageria, Yeman, Iraq, iyo Bilgium.

Fiiska jaamacada ayaa ku xiran kuliyada uu ardayga wax ka baranayo. Tusaale ahaan, kuliyada dhismaha (architecture) ayaa ah 10,500 $ (tobon kun iyo shan boqol oo dollar) dhamaan mudada uu ardayga wax ka baranayo kuliyadaasi. Halka injineermida korontada iyo dhismaha ay yihiin 18,500 oo dollar, dhamaan mudada uu ardayga wax ka baranayo jaamacadaas. Fiiska ayaa u badan mid noqonaya 3,000 ilaa 5,000 sanadkii markii la qaybiyo. Jaamacada ayaa waxay leedahay barnaamij ay wax kaga dhimayso fiiska waa hadduu ardayga keeno isku dar dar ah (CGPA) 3.5. Haduu keeno CGPA u dhaxayso 3.5 ilaa 3.75 waxa laga dhimayaa boqolkiiba sodon (30%), hadduu ardayga keeno CGPA u dhaxayso 3.75 ilaa 4.00 (mida ugu saraysa) waxaa laga dhimayaa boqolkiiba lixdan (60%).

Ugu danbeentiina qofkii doonaayo war-bixin intaan in ka badan, wuxuu kala soo xiriiri karaa aqoon114@hotmail.com ama aqoon114@live.com.

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)

Email: adde053@hotmail.com

Kuala Lumpur Malaysia….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.