Home » Warar »

Maalinta dhalinyarada aduunka 12 August oo maanta Mogadishu laga xusay

Maalinta dhalinyarada aduunka 12 August oo maanta Mogadishu laga xusay

Munaasibad lagu xusay maalinta dhalinyarada aduunka oo ay ka soo qeyb galeen mas.uuliyiinta labada gole ee barlamanka iyo xildhibaanada dowlada ayaa maanta algu qabtay magaalada Muqdisho ee gobolka banadir .

Xuska loo sameeyey maalinta 12 August 12, 2009 ayaa waxaa soo qabanqaabiyey heya.adda soyden iyo hey.adda UNFPA waxaana lagu marti qaaday mas.uuliyiinta iyo madaxda dowlada qeybaheeda kala duwan sida wasiirka shaqada iyo shaqaalaha maxamed Cabdi Xayir Maareeye ,wasirka wasaarada arimaha dibada raage oomaar wasirka isbortiga iyo dhalinyarada , xildhibaano , gudoomiyayaasha 16 ka dagmo ee gobolka banadir ku simaha maamulka gobolka banadir Ina shaawey ,iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadaan .

Kusimaha duqa magaalada oo baaq ka soo jeediyey dhalinyarada iyo wasiradaba kaas oo ku aadan sidii ay u diyaari lahaayeen garoomo nabdoon iyo dhalainyaro dagaalka ka cagan sidoo kale saciid jaamac qoorsheel wasiirkii hore ee siportiga dowlada goboleedka puntland oo isne halka ka hadlay ayaa isna sheegay in lajoogo xiligii dhalainyarada firsad la siin lahaa waxna loo qaban lahaa dhalinyarada soo koreyso .

Xuska

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee dowlada fadraalka KMG somaliyeed oo munaasibada ka soo jeediyey hadalo kulkulul ayaa sheegay in loo baahan in la saxo wixii qaldan wuxuuna ku marti qaaday dhamaan dhalainyarada ka dagaalamaysa dhianacyada in ay wax ka bedelaan qorshahooda dagal ee hada socdo .

Wasiirka arimaha dibada cabdulaahi rage oomaar ayaa dhankiisa isweydiiyey “maxaa ugu qiimo badan wax la dhiso isaga oo isu jawaabayana wuxuu shegay in wax la dhiso ay ugu qiimo iyo qaaya badan tahay in qof la dhiso

Wasiirka dhalinyarada iyo isportiga saleemaan colaad rooble ayaa balanqaa u sameeyey dhalainyara in uu siin doono fursad ay ku helaan garomo ay ku ciyaraan wuxuuna sidoo kale shaaciyey in ay ururada dhalinyarada ee madax banana is diiwaan galiyaan

hadal qoraal ah oo laga soo saarey ayaa sidaan u qoraa

International Youth Day

12 August, 2009

halku dhigga sanadan ayaa ah

WAARITAANKA: LOOLANKEENA. MUSTAQBALKEENA.

Taariikhda Maalinta Dhalinyarada Adduunka

Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa 17 December 1999kii ayiday baaqii iyo talooyinkii kasoo baxay shirweynihii adduunka ee wasiirada dhalinyarada iyo sportska oo ka dhacay (Lisbon, 8-12 August 1998) iyadoona wasiiradu ay go’aamiyeen 12ka Aguast in ay noqoto maalinta dhalinyarada adduunka.

Waxaa goluhu ku taliyay in la soo ururiyo warbixinada howlaha dadweynaha si ay gacan uga geysato una noqoto wacyigalin wanaagsan ee ah barnaamijyada dhalinyarada adduunka iyo waxqabadkoodaba ee sanadii 2000 iyo intii kadanbeeysayba.

Hadaba xusaskii hore ee Maalinta Dhalinyarada Adduunka ayaa waxaa kamid ahaa:

IYD 2008 – Youth and Climate Change: Time for Action

IYD 2007 – Be seen, Be heard: Youth participation for development

IYD 2006 – Tackling Poverty Together

IYD 2005 – WPAY+10: Making Commitments Matter

IYD 2004 – Youth in an Intergenerational Society

IYD 2003 – Finding decent and productive work for young people everywhere

IYD 2002 – Now and for the Future: Youth Action for Sustainable Development

IYD 2001 – Addressing Health and Unemployment

First Observance of International Youth Day 2000

Hadaba waaritaanka barnaamij uma taagna kaliya in la isku dheelitiro ama la cusbooneeysiiyo howlaha yaala bay’ada aynu ku noolnahay ee waqtigan. waxaa diirada la saarayaa intabadan seddex arrimood oo waaweeyn oo lagu soo koobay ama lagu soo ururiyay nolosha waxayna kala yihiin:

1.Bay’adda ama Deegaanka
2. Bulshada
3. iyo Dhaqaalaha

Hadaba waxaynu ku noolnahay nolol gadaal u fidsan isna gudbeeysa waxaana caawinaya ficilada iyo dabciga Aadanaha.

Isbadalkuna wuxuu saameen ku leeyahay habkii aan awoodi laheen inaan ugu noolaano nolosheenna.

Hadaba sida la xaqiijiyay adduunka dhibaatooyinkiisa ayaa waxaa ugu waaweeyn Colaadaha,Masiibooyinka dabiiciga ah, kuwa cunto la’aanta, dhaqaalaha iyo deegaanka.

Adduunka ayaa maanta noqday hal tuulo waxaana loo baahanyahay in lala qabsado dareenka adduunka ee mas uuliyadda bulshadeed.

Inagoo maanka ku heyna arimahaas oo dhan sida tamar galiyayaasha maanta iyo fuliyayaasha barito ayaa waxaa muhiim ah in dhalinyaradu ay gacmahooda ku dhaliyaan isbadalka loogu baahida badanyahay wadankooda. Taasina waxay ku suurtoobi kartaa tilaabooyinka dhalinyarada oo wada jir ah, kaqeybqaadasho iyo isku duubni arimahaan ayaa fura u ah horumarinta da yarta maanta iyo tan beritaba waxayna udub dhexaad u noqoneysaa waaritaankooda iyo jiritaankoodaba.

WD: HAY’ADDA SOYDEN

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maalinta dhalinyarada aduunka 12 August oo maanta Mogadishu laga xusay "

  1. HAY’ADDA SOYDEN hambalyo ayaa leenahay waxaana idin leeyahay haka daalina howsha aad umadda u haysaan