Home » Warar »

Pakistaaniyiin Tabliiqa oo Gaalkacayo lagu laayey

Gaalkacayo: Masaajid ku yaala magaalada Gaalkcayo ayaa saaka salaadii subax lagu dilay shan nin oo dhalashadooda lagu sheegay Paskistaaniyiin. Waxaa iyana la dhaawacay laba nin oo kale, oo dhalashadooda Somali iyo Pakistani la gu wada sheegay.

Wadaadan ayaa ahaa Jamaacada Tabliiqa halkaasna u joogay faafinta dacwada, sida ay caanka ku tahay Jameecada Tabliiqa.

Warar hor dhac ah oo halkaas kasoo baxaya ayaa sheegaya in raga dilka gaystay ay u dhaqaaqeen dhinca Baraxlay ee Koonfurta Magaalada Gaalkacayo.

Arintan ayaa aad looga dareemay magaalada, xiligana waxaa socda sidii dhacdadaan loola tacaali lahaa, maamul iyo shacaba.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Pakistaaniyiin Tabliiqa oo Gaalkacayo lagu laayey "

  1. Guumeeysi Diid says:

    Dhacdadaas waxaa iska kaashaday Gaalada midoowday ee uu mareeykanku horkacayo iyo daba dhilifyada sheeganaya isneey yihiin ismaamul goboleedyo sida Galmudug iyo puntland .
    Wadaada inta dhimatayna waxaa leenahay ilaaheey ha idiin naxariisto .

  2. aragsan says:

    salaan waxaan reer mudug usoo jeedinayaa ina aya dhacdadaa foosha xun ee aya sameeyeen ay ku wii sameyay ayku ciqaab marayaan ilaahay waxaan uga baryayaa marxumiintii dhimatay in aya jana fardawsa kuwaraan ku wii layayana u ilaahay ku ciqaabo aakhiro iyo aduun yada aykunaar galaan reer mudug sidan isku dhaama wadankii iyo bahdii putland waad cebeyseen waxaan uga tacsiyadaynayaa bahdii jamecada tabliqinta iyo guud ahaanba wadanka bagsantaan falkaa wax xashiimada leh in ilaahay samir iyo imaan inaga siiyo dhamaanteen ba iyagana ilaahay janafardawsa kuwaaraan aamiin kuwa wadanka keenaya ajanibka sida sheekhyada lalayay oo kale waxaan leeyahay wadanka somaliya wuu cakiran yahay ama amaankiisu xunyahay hakeenina

  3. bushra says:

    tabliiqu aduunka oo dhan ayay maraan xataa wadamada gaalada ayay lugeeyaan ayagoo diinta islaamka fidinaya. somalia ayaana ilaa iyo hada maqlay meel lagu laayay tabliiq oo waliba masajid lagu dhex laayay. somalidu waa dad aad u qalbi adag. ilahay aduunka haku ciqaabo aakhirana naarta alle idinku fogee kuwii falkaa gaystayoow iyo kuwii ka danbeeyay intaba.

  4. Maxamed Soomaali says:

    Waa arin laga xumaado in wadaado tabliiq ah lagu dhex laayo masaajid. dhalinyarada tabliiqa soomaalida ee dibidaha jooga fadlan wadanka nabad mahan ha keenina dadka ajaanibta ah oo raba inay tabliiq u soo aadan soomaaliya.