Home » Warar »

11-da Agoosto Maalin xasuus ma hadho ku ah Bahadda Saxaafadda Soomaaliyeed.

11-da Agoosto Maalin xasuus ma hadho ku ah Bahadda Saxaafadda Soomaaliyeed.

Hotel Amiira ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay xaflad baroordiiq ah oo loo sameynayey agaasimhii Idaacadda Horn Afrik Cali Iimaan Sharmaake iyo Agaasimihii Idaacadda Capital Voice Mahad Axmed Cilmi oo iyagu la dilay 11-kii Agoosto 2007, waxaana xafladdaan ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka, Hay’addaha Xaquuqda Aadanaha, Odoyaasha Dhaqanka, Culima’udiin iyo qaybaha kala duwan ee Saxaafadda, waxaana xubnihi halkaasika hadlay ay si aad ah ugu dheeraadeen taariikhdii labadaasi marxuun, waxayna ku tilmaameen in ay ahaayeen rag gobonimo doon ah oo doonayey in ay ummadda soomaaliyeed dhibaatada ka baxdo.

Cali Yaasiin (Cali Fadhaa) oo ah guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha ee Elman ayaa waxa uu sheegay in aan sinaba looga hari doonin ciddii ka dambeysay dilalka loo gaysanayo bahada Saxaafadda, waxa uuna sheegay in saxaafaddu tahay midda bulshada u iftiimineysa hadba wixii soo kordha, isago sheegay in si gardaro ah lagu dilay dhamaan suxufiyiinta la dilay, isagoo sheegay in la `bartilmaameedsaday raggii mas’uuliyiinta ka ahaa Idaacadaha, taas oo sheegay in lagu doonayo in dhibaato weyn lagu gaarsiiyo saxaafadda Soomaaliyeed. Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay safiirka Liibiya u fadhiya Soomaaliya Ciise Rabiic Canshuur oo sheegay in saxaafaddu tahay awoodda afraad marka la fiiriyo awoodaha ka jira caalamka, loogana baahan yahay saxaafadda in ay la yimaadaan warar xaqiiq ah, waxaa kale oo uu sheegay in uu aad uga xumaaday dilalkii loo gaystay saxafiyiinta soomaliyeed, waxa uuna ballanqaaday in uu gacansiin doono dhamaan saxafiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

DSCF6825

Xafladdaan oo soo qabanqaabiyeen dhallinyaradii dhawaan joojiyey hawlihii saxafinimo, ayaa waxay gebagabdii ka soo saareen baaq ku aadan shacabka Soomaaliyeed kaas oo ah in saxafiyiinta Soomaliyeed loo fududeeyo hawlahooda, maadaama ay yihiin kuwo u shaqeynaya bulshada Soomaaliyeed, waxaa kale oo baaqooda ka mid ahaa in gebi ahaanba la joojiyo dilalka iyo hanjabaadaha loo gaysanayo saxaafadda Soomaaliyeed.

DSCF6845

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.