Home » Warar »

Xafladda Qalinjibinta Ardaydii ugu badneyd Kuwait

Xafladda Qalinjibinta Ardaydii ugu badneyd Taariikhda Jaaliyadda somaaliyed ee kunool dalka Kuwait

Sawiro kale oo dheeraada daawo

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay qaban qabadeedana ay lahaayeen Safaaradda soomaaliddu ku leedahay dalak Kuwait oo ugu horeeyo Danjire : Abdulkadir Amiin shekh iyo lataliya yaashiisa kala ah Abdulkadir sufi Mohamed (muriidigolf) lataliyaha Arrimaha Siyaasadda (Political Counsellor ) iyo Abdiqani maxamed waceys lataliyaha arrimaha jaaliyadda iyo ururka Ardayda soomaaliyeed ee Kuwait Xaflada waxaa ka soo qeyb galay Marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen walidiinta ardada iyo marti sharafeed aad u fara badan .

Xaflada ayaa lagu furay Aayaad Quraan ah , waxaana intaa kadib khudbad kooban oo soo dhuwayn ah soo jeediyay gudoomiyaaha ardada soomaaliyeed ee dalkan Kuwait Cabdlle Xussein Nuur Dirir Intaas kadib waxaa si toos ah loo guda galay qeybaha xaflada waxaan hadalo aad u qiimo badan una badnaa dhiiri galin iyo baraarujin soo jeediyay Danjire C/qaadir Amiin sheikh Bin sheikh danjire Amiin ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo tiro 52 ah oo sanadkan ka so baxaan jaamacadaha iyo maxadyada iyo dugsiyaadka sare ee dalak Kuwait taas oo u yiri ku tilmaamay da’daalo iyo juhdi farabadan ay mujiyen walidiinta iyo ardadaan manta farxada ka muqato iyo safaaraddooda .

Wuxuu xusay danjire Abdulkadir Amiin marxaladdahii aay soo martay waxbarashada jaaliyadda ku dhaqan Kuwait waxuuna sheegay xulashadda ardadda ku biraaya waxbarashada her jaamacadeed ee Kuwit aan u sameynay sharuud ay aheyd mid caddaalda ku saleysan oo aheyd 5 shanta arday ugu waxbarasho sareyda sand waliba in loo qadan doono ku biiraan waxbarashada jaamacaddaha dalkan ee ay bixiso dawladda Kuwait . taasoo kusoo biyo shubatay arday wlibow da daalkaga yuw ku ciilin.iyo aqoontaada ..

Ardayda Sanadkan ka baxayday Kuliyada jaamacadaha waa 34 iyo 18 ka mid ahna waxay ka baxen dugsiyaad sare ee dalkan Kuwait mid ahi ay wiilal iyo Gabdho ahaayeen waxayna

Gaba gabadii xaflada waxaa hadiyado kala duwan la gudoonsiiyay Ardaydu iyo waalidiinta waxaana gu’doonsiyay madaxda safaardda sida danjire mudane :Abdulkadir amiin iyo la taliyaashisa waxaana ardayda wajiyadoo ka muuqatay Faraxad aad ah marka laga fiiriyo Ixtiraamka ay u hayeen Macalimiinta iyo Maamulka Jaamacad saa’id ah iyo sida ay ula dhacsanaayeen xafladan markii ugu horaysay muddo 18,sano ah loo qabtay arday soomaliyeed ee dalkan KUWAIT ka qalin jabisay.

abdulkadir sufi mohamed

muriidigulf@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Xafladda Qalinjibinta Ardaydii ugu badneyd Kuwait "

  1. hambalyo dhamaan ardada ka qalin jabisay jaamacadaha kuwait dhamaantina waxaan idin rajeynaaya guul iyo horumar dadkina iyo dalkina dadki wax u tari laha ilahey ha idinka yeelo aamin sidoo kale waxaan tahniyad u diraaya madaxda safaardda Soomaalidu kuleedahay dalka kuwait gaar ahaan ambasator cabdiqaadir amiin iyo lataliyashiisa cabdiqaadir suufi maxamed muriidi golf iyo lataliyah cabdi qani maxmed wacays oo muu jiyay dadaalo dheeraad ah waxaan idiin leyahy dadaalka halkiisa ka sii wada Hambalyo Hambalyo Soomaali guul

  2. Osman S.Hersi(Phoilosoph) says:

    Maanshaa,allaah ..iga guddooma tahniyad iyo bogaadin ardeyda soo qalanjabisyoow ..sidoo kale waxaa sharaf iyo mahad ba iska leh safiirka iyo shaqaalaha ka shaqeeya oo aan filaayo in ay sababteeda leedahay ..ilaahey ha idinla jiro ….marlabaad hanbalyo ..hanbalyo .
    Ohio/U.S.A.

  3. Iraad Abdallah says:

    Waxaan tahniyad iyo bogaadin halkaan uga dirayaa ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay Jaamacadaha Dalka Kuwait. Waxaan idin leeyahay HAMBALYO, HAMBALYO!

    Iraad Cabdullah

    Cape Town, South Africa

  4. ادم عبدي ابو وهري says:

    مبارك عليكم يا أهل الكويت وبارك الله جهدكم، فعلا لم اكن اتوقع بهذا العدد في دولة خليجية