Home » war-baahin »

War-baahinta Soomaaliyeed ha garato danaha ummadeeda burburtay|Sooyaan

War-baahinta Soomaaliyeed ha garato danaha ummadeeda burburtay.

Intii ay gobanimmada qaadatay illaa iyo maantadan la joogo ayaad moodaa in guud ahaan xukuumadaha qaaradda Afrika ay dhibaato ka haysato xeerarka iyo sida ay ula dhaqmayaan Suxufiyiinta, ma aha wax ceeba ah dunida 3aad dalalka loogu yeero ama kuwa horu marayba inaad aragto nin weriye oo la handadayo, la xiray, la garaacayo, ama la dilayba, waana hubaal in marar dhif ah uu weriyuhu sababta yeelanayo.

Waxaa marka hore lagama maarmaan ah, inta aan laga hadlin dhibaatada qofka weriyaha ah ku dhacaysa in qofka weriyaha ah uu marka hore yahay qof mas’uul ah maankana ku haya waxa uu ka shaqaynayo inay tahay xog ama war, sidaa daraadeedna uu si dareen iyo digtoonaan ku jirto uga feejignaado dabeecadda shaqadiisa, xeerarkeeda, iyo waliba dabeecadda meesha uu joogo. Qofka weriyaha ah ayaa marka hore waxaa waajib ku ah inuu ku dhaqmo qaab xirfadeedka iyo xeerarka shaqadiisa, maxaa yeelay taasi waa sida ugu wanaagsan ee uu ku badbaadi karo shaqadiisana wax-ku-ool (Effective) ku noqon karto, haddii kale waxaa hubaal ah inuu halis kasta si dhib yar ugu dhacayo.

Weriyeha waa inuu maanka ku hayaa kaalinta uu u hayo ummadda inay tahay xogta iyo warka, sidaa daraadeedna ku kalsoonaadeen waxa uu weriyuhu u sheegayo iyagoo aaminsan inuusan wax been ah sheegi karin maadaama ay xeerarka iyo qaabka shaqada yihiin kuwo dhowraya anshaxa iyo baahida xogta, taas waxaa loola jeedaa in xogta uu Weriyaha si daayo ummadda wax tar iyo wax-yeelo labadaba u horseedi karto.

SHAki kuma jiro in

Caption 1

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo waajibaadkooda gudanaya
iskuna dayaya inay war-baahiye dushooda ah codka ka qaataan

War-baahintu tahay il muhiim ah oo kaalin muuqato ku leh hogaanka ummad kasta oo casrigan aan joogno dunida guudkeeda saran, waliba waddamada qaarkood waxaa la yiraahdaa “war-baahinta ayaa hagta mujtamaca, ama laga xukumaa.” Journalist ama Suxufi (Weriye) oo siyaabo badan oo kala duwan loo qeexay ayaa waxaan runtii door bidi lahaa ama aan ku soo ururin lahaa qeexitaankiisa sida soo socota: Weriye waa dareenka nool oo indhaha kala haya, si dhab ahna u fiirinaya dunida, waxa ku hareeraysan iyo waxa ka dhacaya, dadkana u sheega isagoo isku dayaya inuu dadka u gudbiyo macnaha runta ah ee waxa uu arkay/maqlay xaqiiqdoodu tahay, iyadoo uu ku soo gaarsiinayao qaab qoris,dhehid, iyo sawir tusid ah, isla markaasna ay xukumayaan xeerarka nabad gelyo iyo dhaqan ee uu mujtamaca guud ahaan wadaago.

Mar haddii aan sidaas ku macneeyay weriyenimmada waxaa soo baxaya waajibaad iyo dano la wadaago oo uu ilaaliyo qaynuun dhowraya waajibaadka iyo danahaas (*Media Law And Ethics), taasi macnaheeda waxaa weeye in war-baahintu leedahay qaynuun sida xirfadaha kale ee dunida ka jira loogana baahanyahay qofka weriyaha ah inuu dhowro oo uusan ku xad gudbin.

Weriyaha, waxaa aad muhiim u ah inta aan la gaarin Media law inuu yaqaan waxyaabaha lama taabtaanka ah ee ay aaminsanyihiin dadka uu ka waramayo, sida; diinta, caadada, iyo dhaqanka, taas waxay markaas fududaynaysaa fahamka weriyaha ee la xiriira inuu ka feejignaado inuu fidno ka dhex abuuro mujtamaca, inuu meel uga dhaco waxyaabaha ay dadkaas rumaysanyihiin, iyo xuquuqdooda gaarka ah (Privacy), isla markaasna uu gaarsiiyoo xogta loo baahanyahay mujtamaca iyadoo aysan wax dhibaato ah dhicin, waxaase jira khaladaad badan oo weriyeyaasheena qaarkood ka dhaca isla markaasna aan ku xirnayn qaynuunka inuu qofka yaqaano.

Caption2

Weriyeyaal Soomaaliyeed oo codka ka qabanaya xildhibaan aqrinaya go’aan
ay soo saareen qaar ka mid ah xil-dhibaannada

Weriyaha waa inuu sidoo kale leeyahay aqoon heer- anshaxa laga rabo oo uu ku kala saari karo waxa khaladka ah iyo waxa saxda ah (Ethics), arrintan ayaa in badan intaan xagga qaynuunka la gaarin aad moodaa in ay in badan oo weriyryaasheena ka mid ah aysan fikrad ka haysan, waxaana marar badan kaaga muuqanaya saxaafadeena inaysan ilaalinayn wax dan caam ah ama xataa mararka qaarkood mid gaar ah isla markaasna ay kaalin mug leh ka ciyaarayso burburka mujtamaca ku dhacay.

Waxaan xasuusnahay anigoo aan wax magac ah sheegin weriye ka tirsanaa weriyeyaasha mid ka mid ah idaacadaha sal-dhigoodu yahay Muqdisho inuu ii yimid, oo muxuu I leeyahay?! (Bal hadda u fiirso sheekadan,2004, meesha aan joogno waa shirkii Mbagathi.) oo inta gacanta i soo qabsaday oo asxaabtii aan wada joognay iga soo dhex saaray ayuu i weydiiyay “qofka weriyaha ah been ma sheegi karaana?” anigoo runtii dhibsanaya su’aasha noocaas ah laakin raba inuusan saaxiibkay iga didin baan si fudud dib ugu ceshay “adigu qof been inuu sheego loo baneeyay ma aragtay waligaa?” kolkaa buu inta cabbaar iga aamusay yiri “waxaan rabay inaan kaala tashado, een! Imh!.. waxaa layga soo wacay Xamar, xaruntii idaacadda, oo waxaa lay yiri waxaad sheegtaa waxaa maanta shirkii ku dagaalamay Mr.X iyo Mr.Y ( labo nin oo ka mid ah qab-qablayaashii Xamar) si qiimihii dollar-ka oo dhacay kor loogu soo qaado!” waxaan ku iri “laakiin waad ogtahay waxa lagaa dalbanayo waa in dad-weynaha kalsoonida magacaaga ay ku qabaan been loogu sheego, waadna ogtahay waxa lagu leeyahay sheeg inay been tahay, marka ma waxaad igala tashanaysaa inaad been sheegto?!”

Waad garan karaysaa xaaladda uu dalka ku jiro, siiba Muqdisho waxa uu hadalkaas keeni karo, been intaas la eg oo Mass media laga sii daayay!… Mr. X iyo Mr. Y waxay shaah ku wada cabbayeen saacadaas meel inoo muuqata oo ka mid ah maqaayadaha Inter-Continental Hotel, Nairobi, waliba iyagoo faraxsan oo sheekaysanaya oo weedhaha kaftankooda ay mararka qaarkood dhegeheenna soo gaarayaan.. sidii sheeko iyo qosol loogu jiray ayaa telefon Xamar laga soo diray,Isla markiiba waxaa soo kacay Mr. X iyo Mr. Y oo qaylinaya oo telefoonadooda mobile-ka ah mid walba dhegta ku hayo, oo ku soo dhex dhaceen weriyeyaashii goobta joogay iyagoo raadinaya weriyahii Muqdisho laga soo wacay oo isagu show markiiba warkii sii daayay meeshana ka cararay, “Aaway hebel?..aaway?N..caawa haddii Xamar qof lagu dilo isagaa u dhimmanaaya, ..Haddii uu rag yahay Xamar ma imaan karaa?!..Na..Aaa..”

Maxaa dhacay?! Waxa dhacay ma wax aqoon la’aan ku dhacay baa? Jawaabtu waa maya, laakiin sida muuqata waxay u egtahay in saxaafadda Soomaaliyeed ay hilmaantay danta guud ee qarankeena burburay (National interest) ee uu ugu weynyahay ammaanka, waana qodobka ugu muhiimsan ee keenay in saxaafadu yeelato Tafaf-tirka warka (News editing) iyo waliba wadamada qaarkood Faaf -reebka (Censorship-ka) ay ku sameeyaan wax kasta oo dad-weynaha loo ban-dhigayo, waxaana la oran karaa marka la fiiriyo xaaladda Soomaaliya guud ahaan inaysan hurayn xakamayn in lagu sameeyo awoodda qaarkeed ee ay isticmaalayso saxaafadda xilligan qalafsan ee uu dalka ku jiro.

Saxaafadeena iyo tan Itoobiya oo aan leenahay waa dal cadow inoo ah isku si bay u shaqeeyaan, waliba isku si ayeey u turjumaan dhacdooyinka dagaallada u dhexeeya dadka Soomaaliyeed ee is laynaya, saxaafadda Soomaaliyeed badankeed wali waxaad moodaa inaysan ku baraarugin heerka ay marayso dhibaatada iyo burburka dalka Soomaaliya soo gaaray, waxayna wali shacabka baaba’ay ee dhibaataysan u af-duubaan siyaasad uu guumaystuhu u jeexay qaabka ay aayaha fog Soomaaliya u ekaanayso.

Waxaa arrin aad looga naxo ah in qaar badan oo ka mid ah war-faafinta Soomaaliyeed ay siyaasadaha guracan ee guumaystayaashii laga dhaxlay ee salka ku haya Qaybi oo Qabso ee ka dhex faafiyaan mujtamaceena meel kasta lagala dagaalay ee la burburiyay, wax kasta ee uu lahaana gacantiisa lagala baxay, iyagoo raba inay sidaas ku gaaraan dano gaar ah, aragti gaabnida noocaan ah ee ay ku dhaqmayaso saxaafadda Soomaaliyeed badankeeda ayaa kaalin weyn ku leh baaba’a sii socda ee ay qaranimadeenii ku maqantahay.

Idaacadda Muqdisho Weriyaha ka wacday waxay danteedu ahayd inay Dollar-ka oo qiimihiisu dhacay kor u qaado, laakiin sheegista beenta ah ee in Mr.X iyo Mr. Y. ay dirireen waxay keeni lahayd waanu wada garan karnaa oo waxay ka muuqatay sida dhaqsaha ah ee isla markiiba mid kasta ay taageerayaashiisii Muqdisho joogay u waceen iyagoo waliba caraysan.

Sida uu ii sheegay nin u shaqeeya hay’adaha aan dowliga ahayn wararka noocaas oo kale ah oo ay sameeyaan Idaacadaha Muqdisho aad bay u badanyihiin, ninkan oo magaciisa qariyay ayaa igu yiri “…NGOs-ka waxay sameeyaan marka ay rabaan in loo kordhiyo miisaaniyadda, ama ay hayaan lacag faro badan oo ay rabaan inay qaataan, si ay meel u saaraan idaacadaha ayaa laga codsadaa ianay xaalad abuuraan loogu marmarsoodo sidii kharajkaas loo cuni lahaa, waxayna si wada jir ah u sameeyaan mashruuc ama barnaamij lagu sharciyeeyniyo sidii lacagtaas loo qaadan lahaa, waliba shaqaalaha Soomaaliyeed ee hay’adahaas in yar baa raali ka ah sidaas ee inta badan waxaa arintan ka dambeeya khubaro shisheeye ah oo iyagu runtii ah dadka wax dheefka ku qaba arrintaas .“ ninkan ayaa intaas ku daray in Soomaalida shaqaalaha ah ay iska aamusanyihiin iyagoo wax kasta ka war qaba si ay ilaashadaan shaqada oo ay ilmahooda ku korsadaan ama qaarkood cabsi ka qaba inay la dilo.

“Waxaa isku xiran saraakiisha sarsare ee hay’adaha NGOs-ka oo waliba shisheeyaha ah, shaqaale masaakiin ah oo u badan dadkii wax yaqaanay laakiin baahan, mooryaan aan cidna ka amar qaadan oo ay mushaar siiyaan oo inta badan waardiyo ahaan marka hore lagu shaqaaleeyo laakiin marka dambe wax kasta loo adeegsado, niman qabqablaayl ah oo magac been ah huwan oo ay saraakiisha shisheeyaha ah magacooda isticmaalaan marka ay rabaan iyagoo waliba og inaysan waxba ahayn, iyo saxaafadda Muqdisho oo iyagana inta badan kuba taagan kharajka ay hay’adahaas ka helaan ama dalalkooda uga yimaada oo loo soo mariyo wadooyin qarsoodi ah, waxaana aan shakhsiyan aaminsanahay hal iyo labo ay niman qabqablayaashii dagaalka ahaa furteen ma ahee in war-baahinta Muqdisho inteeda kale ay leeyihiin ama saami ku leeyihiin sir-doono aajnabi ah oo markii hore iyaga dantooda u furtay, marki dambana saami ka siiyay dadka ay rabeen inay iyaga u shaqeeyaan.” Ayuu yiri ninkaas.

Ninkan ayaa intii uu ii warmayay wuxuu ku celcelinayay “bal adigu ka waran, saxaafadda Xamar xaggee buu kharajka ka soo gala?!….waligeed intuu dalka burburay Xamar dagaal baa ka socday, ganacsato war-baahin la macaamishana ma jirin, ilo wax soo saar oo media-ha uu wax ka heli karo oo la sheegana ma jirin, shaqaalay leeyihiin oo mushaar bay baxshaan, gaadiid, iyo adeegyada kale oo dhan, marka aad fiiriso media-ha gobollada kale ee dalka sida Hargeys, Punt land ama gobollada kale ee dalka waxay u shaqayn la’ayihiin ama u fadhiyaan dhaqaale la’aan in yar oo maamul iyo niman madax ah oo la yaqaan ay leeyihiin mooyee, macnaha waxaa weeye Xamar waxay ahayd madaxii dalka waxaana loogu talo galay in Soomaaliya laga dumiyo dadkii ku noolaana waa lagu dumiyay Soomaalina ma garan.. media-ha Xamarna sir-doon shisheeye ayaa gacanta ku haya dadkana isku dira.”ayuu yiri ninkaas.

Mas’uuliyadda war-baahinta ama war-faafinta macnaheedu waxaa weeye mas’uuliyadda nabad gelyada, iyo horumarka qaranka guud ahaan, mas’uuliyadda baaxaddaas leh ma aha mid layska indho tiri karo ama laysku ladi karo, qofka weriyaha ahna waxaa looga baahanyahay inuu maanka ku hayo ammaanada baaxaddaas leh, bal iska dhaaf been uu sheego e’ waxaa laga rabaa inuu doorasho fiican ku samayn karo ereyada weerihiisa, si uu u yareeyo in lagu sameeyo turjumid ka baxsan (Interpretation) macnaha uu oraahdiisa u wado iyo halka uu ula jeedo (Accurately).

Weriyeyaasha qaarkood ayaad moodaa inay shaqadooda u fahameen inay u shaqeeyaan sida ciidammada Sir-doonka ah, ama u maleeyay in warka loo diray uu yahay inay war xun soo sheegaan, ama u qaatay in loo diray inay keenaan waxaan la garanayn …dabeecadahan ayaa si aad u fudud waxaa looga dheehan karaa qaybaha kala duwan ee war-baahinta Soomaaliyeed, waana midda keentay inaan dad-weynaha ama siyaasiyiinta ku kalsoonaan wararka weriyeyaasha iyo war-baahinta Soomaaliyeed.

Dalalka reer galbeedka, qofka weriyaha ah iyo siyaasiyiinta waxaad moodaa inay yihiin saaxiibo, laakiin xaqiiqda sidaas ma aha ee waxaa ka dhexeeya inay ka wada shaqeeyaan danaha guud ee ummadooda, weriyuhu wuxuu la qaxweeyaa siyaasiga ama madaxda (mucaarad iyo muxaafadba) wuxuuna kala sheekaystaa xaaladaha dalka halka ay marayaan, nolosha mujtamaca, waxa ay tabayaan, dunida kale waxa ka socda sida ay u arkaan, waayo weriyuhu cirka kama imaan ee mujtamaca ayuu ka mid yahay, iyagana waxay u sheegaan si sheeka ah sida wax looga qabanayo cabashada mujtamaca, iyo dowladda sida ay rabto inay u wajahdo xaaladaha kala duwan ee dalka iyo dunida ka socda, dhammaan inta sheekooyinkaas socdaan waxaa labada dhan mid kasta ilaaliyaa xeerka shaqadiisa iyadoo uu mid kasta ixtiraamayo kaalinta kan kale.

SHeekooyinka noocaan ah waxay ka caawiyaan qofka Weriyaha ah inuu si wanaagsan warka (News-ka) u tafaf-tiro, si waafaqsan siyaasadda qarankiisa, iyo warka u sameeyo taariikh hore oo uu cuskanyahay (Background) ama uu faahfaahin ka bixiyo dhacdada.

Xiriirka noocaas ah ee siyaasiyiinta iyo u dhexeeya weriyeyaasha wuxuu keenaa siyaasad wada jirta oo shacabka iyo xukuumaddu ay ku midaysanyihiin, waxay abuuraa jawi ay aaraa’ada isku dhaafsadaan muxaafadka iyo mucaaradka, tan kale waxay weriyaha u suuro gelisaa inuu qoro ama soo gudbiyo xog uu ogyahay oo aan malo-malayn(Guess) ku salaysnayn sida ku dhacda weriyeyaasha dunida 3aad, faallada iyo saadasha uu qorana waxay noqdaan kuwo xaqiiq cuskan oo la socda siyaasadda dalka, khaladaadka uu geliyana aad bay u yaryihiin isla markaasna waa kuwo loo qaateen ah oo aan meel ka dhac weyn u geysanayn qaynuunka iyo siyaasadda dalka.

Hadda xiriirkii noocaas ahaa waxaa meelo badan oo dunida ka mid ah bedelay in hay’ad kasta ay yeelato sarkaal xagga xiriirka mujtamaca u qaabilsan (Public relation officer) kaasoo caado ahaan ugu yaraan maalin kasta xiriir la samaynaya war-baahinta si uu uga helo xogta ay hay’addiisu u baahntahay war-baahintuna weydiiso xogta ay uga baahantahay hay’adda uu ka tirsanyahay, bal hadda ka waran weriyaha aan midna intaas haysan?! Ma diidaysaa in dad yar oo xil kas ah mooyee inta kale ay wararka suuqa ka dhiganayaan isha warka (Source of news) ama ay cid kasta ku shubanayso waxay doonto isagoo aan wax mas’uuliyad ah u fiirin.

DHibaatooyinka hadda soo wajaha weriyeyaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gudaha ku jira ayaa salka ku haya arrimo is biirsaday oo ay ugu weyntahay nidaam darrada guud ee dalka ku baahday, waxaana uu qofka weriyaha ah had iyo goor la kulmaa cago juglayn, hantaturayn, xarig, iyo waliba mararka qaarkood dil ula kac ah iyo midaan ula kac ahayn, hasa yeeshee waxaa wali la oran karaa marar badan khaladaad xagooda ka yimaada ayaa u sabab arrimahaas. Tusaale ahaan waxaa xasuusnahay nin ka mid ahaa weriyeyaashii shirka Mbagathi joogay ayaa intuu qabqablayaasha qaarkood war ka soo qaado u geyn jiray nin kale oo ka mid ah qabqablayaasha, nasiib daro maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii qabqablaha ahaa war uusan jeclayn inuu banaanka uga baxo ka baxay, markaasuu tuhmay ninkii weriyeha ahaa ee isaga u soo warami jiray, markaasuu meel fagaare ah oo la wada maqlayo in fart ku fiiqay ku yiri “Wax badan war waad ii keentay, laakiin hee hadaad hadda bilowday inaad kaygiina geyso xisaabtaada ku darso war badan ma geyn doontid nin iga dambeeyana kuma dhibi doontid!”

Weriyuhu shaki la’aan waajibaadkiisu waa mid xasaasi ah, waa HADAL, waa XOG, sidaa aawgeed si uu u badbaado waxaa loo sameeyay xeerar ammaankiisa dhowra marka waa inuu raacaa xeerarkaas si uu marka hore isagu u badbaado, marka xigana uu dad-weynaha ugu soo gudbiyo xog wax ku ool ah, taasi ma aha inuu sir (Official Secrets ) iyo xan(Off records) keeno, ma aha inuu war xun oo keliya raadsho, ma aha inuu wax aan dadku garan Karin loo diray, laakiin waa inuu isagoo xeerarka shaqadiisa raacaya keenaa xogta ka maqan dad-weynaha ee ay xaqa ugu leeyihiin inay ka ogaadaan hogaankooda siyaasadeed, ee ma aha canaan wasiir iyo wiilkiisa dhex martay, waa inuu siiyaa casharo wax-barasho iyo aqoon isagoo fiirinaya heerka iyo nooca baahida aqooneed ee qaybta bulshada (TA) ah ee uu wax-barashadaas u gudbinayo, ee ma aha in qof wixii uu cuni lahaa aan beeran aqoon in wax-barashada looga bilaabo Microsoft2008, waa inuu digniin ka siiyaa dhibaato laga cabsi qabo guud ahaan caalamka ama gaar ahaan dalka, sida; colaad dagaal,duufaano, xaalado caafimaad, ama dhaqan wax-yeelo ama aan fiicnayn oo bulshada ku soo kordhay…

Waxaa tusaale fiican xanta u ah oo la soo qaadan karaa warkii laga soo qabtay Salaad Cali Jeelle markuu ahaa wasiir-ku-xigeenka gaashaan dhigga, 2007dii, isagoo markaas aan filayn inuu joogo qof weriye ah, sideeda qaynuun ahaan qofka hadduu howl weriyenimo meel u tago ma aha inuu is qariyo ama uu isu ekaysiiyo qof aan weriye ahayn (impersonate) oo uu soo xado xogta dadka, mana aha inuu sidii qof denbi baare ah (Police detective/ investigator) uu u dabo galo oo baarto xogta dadka(sida loo badanyahay: haddii aysan jirin waajibaad qaran oo taas qasbaya)

Warkii ay saxaafaddu faafisay 2007dii ee uu Salaad Cali Jeelle jeediyay isagoo la hadlaya dad gaar ah ayeey khalad ahayd qaynuun ahaan in war-baahinta laga sii daayo, sababtuna waxaa weeye ma jirin ujeeddo wax laga dheefayo oo ummadda loogu soo gudbiyo, waayo warka ayaa ahaa mid colaadda sii badinaya ama sii hurinaya dadkana kala geynaya, tan kale wax dheeri ah ama aan la filayn kuma hadlin Jeelle ee xaaladda dalka ka jirta ee uu qof kasta oo bulshada ka mid ah dareemayay ayuu ku hadlay, marka waxay ahayd meel ka dhac in dadka loo sii daayo war dad mar hore kala dhintay oo dadkaagii ah lagu sii kala geynayo (Slander). Warkaas la sii daayay, bal is weydii, ma wax aan la ogeyn baa dadka loo sheegayay?! Salaad Cali Jeelle wuxuu ahaa qabqable dagaal, yuu la dagaalayay?! Waxa uu sheegayay ficil ahaan buu u samaynayay isaga iyo qabqablayaasha kalaba marka maxaa looga baahnaa xirfadda saxaafadda marka la fiiriyo in la sii daayo? Waxaa keliya oo la oran karaa; isku dir, kicin hor leh iyo dumin umadeed.

Waxaan marar badan maqalnaa iyadoo laga hadlayo xuquuqda weriyeyeesheena, iyadoo ay waliba qaarkeen ay ku tumanayaan xuquuqda ummadeenna!…Yaa Salaam, meel wax nabad qaba aysan jirin, caruur, haween, rag, waayeel, dhallin-yaro, shacab dhan oo uu burbur joogta ah ku socdo, yaa xuquuq leh yaa laga xaq leeyahay, yaase wax dulmiyay?!..waxaan shaki ku jirin haddii aan ixtiraamno dadkeena saxaafad ahaan inaanan u baahan doonin hay’ado aajnabi ah oo magacyo la baxay oo xuquuqdeena u dooda, Weriyaha in la dilo waa khalad, in la garaaco waa khalad, in shaqadiisa laga hor joogsado waa khalad, in la caburiyo waa khalad, laakiin waa suaalee ayeey sax tahay in intaas lagu sameeyo?!…marka weriyuhu isagoo xaataa qaynuunka ilaalinaya ha ogaado dhibaatada iyo wax –yeellada dadkiisa ayuu ula simmanyahay waayo xaalad colaadeed buu dalka ku jiraa, xaalad maxaa la badbaadin karaa ah ayaan maraynaa.

Meelaha ay maamulada ka jiraan sida Punt Land iyo Somali Land qofka waa inuu dhowraa xeerarka maamuladaas u yaala oo uusan ku xad gudbin, waxaan xasuusnahay dhacdadii ugu dambaysay ee ka dhacday maxkamadda Boosaaso gudaheeda oo niman ciidammada ammaanka ah ay ku dhex garaaceen weriye ka tirsanaa shabakadda Horseednet, runtii haddii uu garaacaas jiro wuxuu ahaa xad gudub.

Waxaa iyadana in la xuso mudan in weriyuhu ku khaldanaa inuu Camera la soo galo maxkamadda haddii laga digay in kastoo aysan muhiim ahayn in laga digo, waayo waxaa jira waxyaabo qofka weriyaha ay waajib tahay inuu ka feejignaado ama uu dareensanaado iyadoo aan loo sheegin sida: inuu film/sawir ka qaado xeryaha ciidanka/ciidan guuraya, saldhigyada boliiska, xabsiyada, xabsiyada dadka lagu baaro, maxkamadda gudaheeda,(wadammada qaarkood waa la oggolyahay inta uusan imaan xaakimka).

Mmaxkamadaha marka laga reebo kuwa qaada dacwadaha qoyska sida qaalibka ah lama oggola in film ama sawir laga qaado inta ay socota doodda maxkamadda waxaana lagu cilladeeyay oo sabab looga dhigay sida loo badanyahay in sawirka ama filmka uusan mar keliya si isku mar ah u soo gudbin Karin sida xaalka maxkamaddu ahaa iyo dhacdadii (xaakimkii, xeer ilaaliyihii, dhibanihii, eedaysanihii, qareenkii, marqaatigii, dad-weynaha dhegaysanaya, qaraabada iyo saaxiibbada labada dhinac ee ay dacwada ka dhexayso,iyo dareenkii guud “Mood”) sidaa aawgeedna ay dadka daawanaya mar kasta dareemayaan in qaabka dacwada u dhacday iyo agabka dacwada ay wax ka dhimmanyihiin ama wax si yihiin taasna ma aha mid ku haboon hay’adda gar-soorka ummad go’aaminaysa.

Weriyaha ayaa laga rabaa inuu marka leeyahay dareen sare oo u qaxeeya heerka xasaasiyadda ee meelaha uu shaqada u tagayo, xaflada arday qalin jabinaysa iyo meel uu ka dhacay shil lagu dhintay, ama meel dagaal ka socdo iyo meel aroos lagu qabo inaad ma isku mas’uuliyad baa?! U malayn mayo, waayo marka horaba waxaa kala duwan nooca (Category) labada dhacdo oo midna War Sahlan (Soft News) midna waa War Culus (Hard News) wax kasta intaan la gaarin qaynuun waxy u baahanyihiin dareen xil-kasnimo oo la xiriira dabeecadda dhacdada warkaasi leedahay, xajmiga mas’uuilyadana wuxuu ku xiranyahay hadba nooca warku yahay.

Bal hadda ka waran, waxaa laguu soo sheegay Duqii magaallada oo shil baabuur galay, waxaad ka mid noqotay weriyeyaashii shilku ka dhacay yimid, intaan xataa boliisku imaan,oo wax kasta ay wali yihiin sidii uu shilku u dhacay, waxaad aragtay Duqii magaallada oo dhaawac ah oo taahaya, iyo boorso ay ka soo daateen sawiro dad qaaqaawan (Pornography photos) oo dhulka taala, iyo dhalooyin khamri ka dhaamaday ama laga cabbay oo gaariga dhex yaala, bal feker, xaaladdaas sidee baad u diyaarin lahayd xubinta warkaas?..marka hore waa inaad maanka ku haysaa xubin kasta oo war ah oo loo gudbinayo dad-weynaha waa inay run tahay, waa inay tahay mid sheegisteedu waafaqsanyahay qaynuunka iyo heerka anshaxa ummadda u yaal, warkuna waa inuu yahay mid ay dan k u jirto, eray kastana waa inuusan ka miisaan weyneyn ama miisaan yaraan tilmaanta loo wado, marka haddi ay sidaa tahay ka wariye ahaan, ma ku dari lahayd sawirada aad aragtay mise? Waayo?

Weydiintan ayaan u soo qaadanay inay tahay iyada iyo kuwo la mid ah tusaale fiicana oo tilmaamaya sida loogu kala duwanaado qaabaynta warka(Framing) iyadoo uu warku isku mid yahay, waayo; waa marka horee dhalooyinka khamri ma lgu keenay? Duqu ma sakhraansanaa waa jawaabaha la heli karo , maxaa yeelaya aragtida dhalooyinka waxay horseedaysaa inuu boliiska hubiyo in wax sakhrad ah shilku ku lug leedahay, marka taas waa inuu weriyuhu ka sugaa boliiska, hasa yeeshee uusan ku degdegin sheegista dhalooyinkaas.

Sawirrada daadsan gaariga dhexdiisa in la sheego iyo in kale waxaba ugama xirna shilka, lamina yaqaan cidda boorsada iska leh, marka in la sheego sawirrada waxay ku xirantahay kala duwanaanshaha heerarka anshaxa ee war-baahinta kala duwan iyo kal duwanaanta mujtamaca warka loo jeedinayo, sidaa daraadeed adigoo weriye Soomaaliyeed ah bal is weydii oo isku day inaad dhacdadaas xubin war ah ka diyaariso.

Qofka Weriyaha ah khaladaad waa uu yeelan karaa laakiin khaladaadka waa inay leeyihiin sabab xeerka xirfadda Weryinimada ay difaaci karto, haddii kale waa inuu ku tala gala ciqaabteeda iyo wixii ka yimaadaa, waxaana ah talo aad haboon la qaatay in haddii weriyuhu galo danbi cad oo ka hor imanaya xeerka xirfadda xataa haddi ay maxkamadda sii dayso in wakaaladda uu u shaqeeyo ay shaqada ka eriso oo xafiiska uu ka tisanyahay uusan mas’uuliyadda ku ciyaarin waayo shaqdu saxaafadda waa dimmad ama ammaano ay ummaddu leedahay.

Marka intaas oo dhan laga soo tago, war-baahinta Soomaaliyeed waxaa saran waajib aad u balaaran una baahan dadaal dheeri ah iyo Alle ka cabsi, waxaa hor yaal howl adag oo ay tahay inay dadkooda iyo dalkooda burburay ku badbaadiyaan inta iska dhaafaan nin jeclaysiga/nacbaysiga, waayo wayba arkaan wax natiijo ah oo ka soo baxaya inaysan jiran oo muddo 20sano ku dhow oo ay tijaabadaas ku soo jireen miraheediina gacanta ayeey ku hayaan, waxaana looga baahanyahay inay fahmaan in war-baahin kale oo cadow u ah dadkooda iyo dalkooda ay kula tartamayso wax u sheegidda ummadooda, war-baahin ka qalab badan, ka dhaqaale badan, ka aqoon badan, siyaasadeedu mid tahay, leh hal ujeeddo oo ah inaan ummaddaas ka soo laaban heerka baaba’a iyo dhibaatada gaartay.

War-baahinta Soomaaliyeed waa inay gaarto si geesinimo leh inay diiddo wixii la qalooca iyo inay taageerto wixii la toosan, waa inay is weydiisaa immisa jeer baad ummaddan danbi ka gashay adigoo nin jeclaysanaya, immisa jeer baad denbi ka gashay adigoo dano gaar ah jeclaysanaya?! Alaylahay maant waa inaad abaal uga dhigtaa inaad dantooda keliya uga sheekayso, ninna keligii waxba lagama dhigi karo isna ma noqon karo, marka dantayda aniga weriyaha ah iyo danta ummadayda aanay jirin ummad kale oo aan iyada ahayn oo aan leeyahay waxay ku jirtaa inaan dadkayga isu ururiyo, inaan si daacad ah xogta ugu kala gudbiyo anigoo aan isku dirayn, Illaahayna uga cabsado ammaanadaas khatarta badan ee warka ah,… waxaana macnaha xadiithku ahaa War-warow (Dirediraale) Janno ma galo, bal hadda ka waran adigoo shaqadaadu Weriyenimo tahay hadaad hadana Dirediraale noqoto?!

*Media Law and Ethics marka laga hadlayo wadammadu aad bay ugu kala duwanyihiin, gaar ahaan Ethic oo isagu ku xiran wadan kasta waxa uu ka aaminsanyahay anshaxa ama dhaqanka iyo caadooyinka (Norms) dalkaa laga aaminsan yahay

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
allayaqaan99@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.