Home » Caawi »

Caawi:Hooyo Karaamo U Dhibaataysan Xanuun Wadnaha Ka Asiibay

Hooyo Soomaaliyeed Oo U Dhibaataysan Xanuun Wadnaha Ka Asiibay Oo Hayey Mudo 15-sano Ah

Hooyo Karaamo Bishaar Muye waxay la il daran tahay xanuun ka asiibay beerka iyo wadnaha kaasoo ay la jiiftay mudo ka badan 15-sano islamarkaana ay dadka Ehelkeedu mudo kala tacaalayeen balse ay ku guul daraysteen inay helaan caafimaadka hooyo karaamo kadib markii ay dhaqaatiirta sare sare ee ka Howl gala caasimada muqdisho ay sheegeen inaan dalka somalia waxba lagaga qaban Karin ee ay u baahan tahay qaliin dibadeed .

Hooyadan oo kasoo jeeda reer sabool ah oo degan agagaarka dugsiga hoose dhexe ee jabuuti ee xaafada buulo xuubey ee degmada wadajir , islamrkaana aan awoodin inay dibada geeyaan karaamo bishaar muye ayaa usoo bandhigay warbaahinta bal si ay ugu yaboohaan dadka muslimiinta ah ee soomaaliyeed iyo weliba waxii kale oo wax ka qaban kara ,iyadoo hooyadan oo haysata hal wiil oo iminka sided jirsaday ay dhibaato weyn dhaqaatiirtu kaga sheegeen wadnaha oo ay ku tilmaameen inuu aad u weynaaday islamrkaana uu jiifo dhaqaatiirtaas oo ay sheegeen inuu kamid yahay ,DR.Cismaan aadan cadde iyo weliba DR.Dusuuqi .

Hadaba dadka walaalaha muslimka ah ee soomaaliyeed waxaan gaarsiinaynaa cida wax u qaban karta hooyadan soomaaliyeed ee dhibaataysan inay kala soo xiriiri karaan telefoonada gacanta ee kala ah:

+2521-5556513 ama+2521- 5844915 ama+2521- 5130415 oo laga helo hooyo karaamo bishaar Muye iyo ehelkeeda Muqdisho degmada wadajir somalia

wabillaahi towfiiq

Yaasiin faytin

Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.