Home » Warar »

Australia Ardayda Soomaaliyeed Malaysiya wax haku barteen

Dawlada Australia Oo Tixgelin Siisay Qorshe Uu U Bandhigay Safiirka Soomaaliya U Fadhiya Indonesia.

Sida aan ka soo xigtay jariirad la yiraahdo The Age, taasoo ka soo baxda dalka Australia ayaa waxa ay war bixin ka qortay kulan muhiin ah oo dhex maray Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Indonesia Md. Maxamuud Colow Barrow iyo mas’uul sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee dalkaasi Australia Mr. Ferguson, kaasoo sida lagu xusay war bixinta ay isla jeex jeexeen arrimo la xiriira dhinaca waxbarashada deeqaha iyo kaalinta ay Australia ka qaadan karto sidii ay uga saacidi laheyd ardayda Soomaaliyeed ee u soo waxbarsho doonta wadamada koonfor bari Eeshiya la isku yiraahdo, sida wadamada Malaysia iyo Indonesia halkaasoo la ogsoon yahay inay joogaan arday fara badan oo waxbarasho doon ah iyo kuwo kaloo aan dhaqaalaha u saamixin.

Dhinaca kale, Danjire M. Colow wuxuu mas’uulkaasi hor dhigay qorshooyin loo gudbiyay waaxda arrimaha dibadda Australia taasoo la sheegay in jawaab laga sugayo qaabkii ay u meel marin laheyd qorshahaasi wax loogu raadinayo ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan wadamada Malaysia iyo Indonesia.

Waxaa kaloo jariiraddu iftiimisay in hadaladii kulankaasi la isla soo qaaday ay ka mid ahaayeen kuwo muhiim u ah wada shaqeynta ay dawladda Australia u sameeynayso dawladda Soomaaliya iyadoo tix gelinaysa qorshahaan cusub uu u bandhigay danjiraha Soomaaliyeed. Iyadoo hadii ay meel martana arrintan ay noqon doonto guul taariikhi ah ee uu soo hayay Safiir wadani ah oo aan la hilmaami doonin.

Ugu dambeyntii, war bixintaan ayaa waxay sii lafa gurtay in safiirka iyo Mr. Ferguson ay isla meel dhigeen in ardayda Soomaaliyeed ay haboon tahay in lagu taageero inay meeshooda wax ku bartaan si berrito ay u anfacaan waddankooda halkii ay u soo baqooli lahaayeen waddamada Yurub oo kale, halkaasoo bay yiraahdeen ay adkaaneyso ku noqoshada waddankooda.

Wariye C/raxmaan Jaamac Afrax “Helos”
Somalitalk
Malaysia
helos69@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Australia Ardayda Soomaaliyeed Malaysiya wax haku barteen "

  1. Muwaadin says:

    Safiirki ugu horeeyay oo qorshey wax kuool ah la imaday , inta baddan safiira kusheega wax ay dadka u qabtaan iska daaye magacii soomaaliyeed ayay kuciyaareen sida kii beijing ee taargada safaarada ka kireystay drug dealer macruuf ah.

  2. Togane says:

    Safiirka dalabkiisa waalagu celiyey maad tiraahdaan warka saxda ah waakaase.

    Jiiro jiiro dheer maxaa idin mariyey…