Home » Gabay »

Gabay:Duco Waalid

Gabaygan oo la yidhaahdo duco waalid wuxuu wax ka tilmaamayaa Dhibaatooyinka ay dhaqamada shisheeyuhu leeyihiin.Dhaqamadaas oo guud ahaan saameeyey dad badan oo soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool oo qaarkood u arkeen ilbaxnimo iwm. Isla markaana dhaqankii iyo hidahoodii u arkaya wax dambeeya oo aan Nolosha cusub meel ku lahayn.

Duco Waalid

1. Gabal dumey dariiqoo mugdiya oon dayaxu joogin
2. Xalay goor dad wada seexday baan daarada u baxaye
3. Derbi baan yaxoobsaday ilaa laygu daakiraye
4. Deriska iyo jaarkaa ku kacay debed wareegiiye
5. Demanaha wax uma sheego iyo liida doqoneede
6. Inta sharafta aan daadinee magaca doonaysa
7. Dalkii hooyo niman jooga iyo debeda qaar aadey
8. Da’yartiyo abwaanada kacaan hees u dirayaaye
9. Dabayshaan u sii dhiibayaa doodna waan odhane
10. Duco waalid ruuxii qabaa hadalku deeqaaye
11. Qofkaan dhego daloolaba lahayn waa dix dhagaxeede
12. Waanada docbaa laga marshaa daaqsin geel maro’e
13. Daba qabasho taladii leh baa laga daboolaaye
14. Daah baa ka qariyiyo gidaar aan la duminayne
15. Wax kastoon daryeel fara ku hayn lagula daalaynin
16. Duug inay noqdaan oo lumaan daacadaa furiye
17. Damalkaba xar baa soo ridiyo darayga kii weyne
18. Dogob buu noqdaa maalintuu wada dalooshaaye
19. Derbi adag dhismihi aan lahayn deyr wax celinaaya
20. Dabayshiyo ufaa qaada iyo daadka soo gala’e
21. Daxal baa xadiid cuna birtii duubanee adage
22. Derejada waxaa taa la mida ama la diidaynin
23. Dhaqankiisa ruuxii dayacay ee mid kale doontay
24. Inuu yahay dawacadii xarago diiday socodkeeda
25. Ee weydey kay doonaysaye daashey keligeede
26. Aduunyadan dariiqiyo jidkii dawgi laga leexshey
27. Aduunyadan xumaha loo diree samihi loo diiday
28. Aduunyadan dulmiga lagu korshee daacadii dhimatay
29. Aduunyadan waxaan damac lahayn derejo loo yeelay
30. Qofkastaaba darayguu is dhigo daalac iyo naasil
31. Dumadiisa weeyaan wuxuu dib ugu aayaaye
32. Dhalanteedkan lagu daatayee derejo qaar moodey
33. Dibindaabyo weeyaan hadaan laga digtoonaane
34. Diiwaanka taariikhda iyo duuga dhaxalkiisa
35. Hidahiisa ruux diidayow dayasho waa ceebe

36. Afartaa sidii daad rogmadey daw ma qabadsiiyey
37. Ma daleeyey maansada xaq baa lagu dardaarmaaye
38. Dacwad kalena way ii hadhiyo dood kalaan odhane
39. Nafta dabarka goysaa marbay dibu shalaydaaye
40. Markay xaajo kala daadatee dani runta u sheegto
41. Doqoniimo hiif bay gadaal dibinta ruugtaaye
42. Wax wanaagsan baa lagu daydaa ama la doortaaye
43. Dhaqamadan tafiirtii dafiray duunki nebi aadan
44. Dhaqamadan dugaag ina qoriyo faraca daayeerka
45. Dhaqamadan dayuus aan la gudin daarwin* laga keenay
46. Dhaqamadan dadnimadii ka tegey daayin u abuuray
47. Dhaqamadan xaqii daahayee xumaha doonaaya
48. Dhaqamadan wixii looga digey duhur xalaaleeyey
49. Dhaqamadan ragii dumar ka dhigay diibka iyo kuusha
50. Dhaqamadan dhegaha u duraye guudka loo dabayo
51. Dhaqamadan damiir kaan lahayn dad u horeysiiyey
52. Dhaqamadan midkaan loo ducayn derejadii saaray
53. Dhaqamadan haweenkii is dedey marada diidaaya
54. Dhaqamadan miday dagi karaan dacalada u feydey
55. Dhaqamadan dariiqa u fasaxay dumarka tii qaawan
56. Dhaqamadan sanka u wada duriyo dibinta hoosteeda
57. Dhaqamadan dulmiya waalidkee dayriyee qadiya
58. Dhaqamadan duqii dhalay ilmaha dooda kala maago
59. Dhaqamadan caruurtii ku diray hooyadii dihatey
60. Dhaqamadan fidnada doojiyee wadajirkii diidey
61. Dhaqamadan iblays daabacee dunida aafeeyey
62. Dhaqamadan daroogiyo khamriga suuqa wada daadshey
63. Dhaqamadan daruuriga ka dhigay hilibka doofaarka
64. Dhaqamadan wankii doolka weyn oontayada diidey
65. Dhaqamadan digaag ina bariyo digirin iyo qooley
66. Dhaqamadan intaasoo dembiya daafka fidinaaya
67. Derejiyo wanaag lagama helo dibudhac mooyaane
68. Wax kastoo ilaah diidayoo diintu naga reebtay
69. Dimuqraadi bay ula baxeen waxay difaacaane
70. Duf ku baxa waxay dagi karaan way duleeyaane
olosha cusub meel ku lahayn.

jh suleiman

omane24@yahoo.com
suleiman-jama@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gabay:Duco Waalid "

  1. durraan shirwa says:

    MAASHAA ALLAAH JH SALEAMAN WAA MURTI QEYMO LEH SXB OO ISUGU JIRTA,DUCO,DARDAARAN,DIGNIIN,IYO TILMAAN KU BEEGAN AMA SI TOOSA ULA HADLAYSA QURBO JOOGTA SOOMAALIYEED WAANA GABAY LOO BAAHNAA RUNTII,
    WAAD MAHADSAN TAHAAN KU LEEYAHAY SXB JB SALEEBAAN