Home » Warar »

Walad Cabdalla: Shirka ka dhacay Nairobi waa shirkii ugu muhiimsanaa

WAR-SAXAAFADEED 024/2009

Nayroobi, 6 August 2009. Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Mudooway u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Axmeduo Ould-Abdallah ayaa soo dhaweeyey kulanka dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dawladda Mareykanka, Hillary Radham Clinton iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

“Shirka maanta ka dhacay Nairobi waa shirkii ugu muhiimsanaa. Wuxuuna waafaqsan yahay xoojinayaana mowqifka Urur Goboleed IGAD kan Midowga Africa, Kan Jaamacada Carabta, Kan Ururka Islaamka iyo kan Ururka Midowga Yurub ee dhamaantood ku wajahan Arrimaha Soomaaliya. Sidaas darteed, Shirkani wuxuu si cad u muujinayaa taageerada adag ee loo hayo Nabad iyo Xasilooni ku soo celinta Soomaaliya taasoo horeyba loogu sheegay heshiiskii Jabuuti” ayuu yiri Mudane Ould-Abdallah ” Dawladu waxay u baahan tahay taageero xoog leh si ay u sii wado wadahadalada ay kula jirto qeybaha kala gedisan isla markaana ay horumariso arrimaha Nabadgelyada Umadda.

” Waxaa la gaaray wakhtii wadamada Aduunka, kooxaha kala gedisan, shaqsiyaadka iyo gaar ahaan kuwa qaswadayaasha ah ay muujin lahaayeen garowsho iyo xormada ay u hayaan Soomaaliya una kaalmeyn lahaayeen dadka Soomaaliyeed si ay dib ugu dhisaan bulshadooda iyo wadankoodaba. xurmeynta la xormeynaayo Somaaliya loolama jeedo in marwalba shirar joogta ah un la qabto iyadoo lagu andacaanaayo Shir loo dhan yahay ayaa la qabanayaa,-kaasoo loo adeegsanaayo qaab mashruuc ahaan ah mar walba”

Mudane Oul-Abdallah wuxuu tilmaamay in dawlada hadda Soomaaliya ka jirta ay ka go’an tahay inay wadahadal kula sii wado wadanka gudihiisa dadka Soomaaliyeed, waxaa kale ee uu sheegay in ay hadda muhiim tahay in xukuumada lagu taageero siyaasadaas (In dadka lagula hadlo wadanka gudhiisa) loona baahneyn in jahwareer dambe wadanka lagu abuuro, wadankaasoo umaddiisu ay mudo dheer dhibaato ku soo jirtay.

” Dadka Soomaaliyeed way ku xanuunsadeen waana ka daaleen khaska kaasoo burburiyey naftooda. waxaan aad ula yaabay sida dadka Soomaaliyeed oo dhan u aaminsan yihiin in ay u helaan iyaga iyo caruurtooda mustaqbalkooda oo ay nabadi ku dheehan tahay” ayuu yiri Ould-Abdallah. ” Bulshada Caalamka waa in ayan hadda Umadda Soomaaliyeed hoos u dhigin”.
_____________________________________________________________

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susanah Price or Donna Cusumano, Public Information Officers Un Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel +254 20 762 1192/1625 ama +254 733902020/737400133

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Walad Cabdalla: Shirka ka dhacay Nairobi waa shirkii ugu muhiimsanaa "

  1. Horatii waxan mahad balaaran u soo jedinahayaa, allah ,kabib cidwalbo uu ku tameeyso in Somaliya WAX NOQOTO.
    marka xigtaa axmed waxaan leeyahay illahay ha kulla harabgalo adiga iyo cida aad hoowsha ku soo dirsatay, dhabtii waxaad muujisay karti aan odhan karo mar hore ayaa loo bahnaa hadana anagu waxaan nidhaahnaa Cano qubtay dabo qabasheey leeyihiin.
    Axmed kuwii ka horeeyey maxeey qaban jireen baan is weeydiiyaa illa iyo hada.
    Tallo.
    axmed ould abdallah waxaan kula talin lahaa in uu si taxadar leh u mareeyo arinta somaliya,wayo somaliya xaalkeeda waxaan ku tilmaami karaa hilib bislaaday oo hadii la damco in kor loo qaado iyadoon taxadar jirin waxaa hubaal ah oo dhaceeysa in hilibkii uu kalla harayo.
    sidee bay hadaba iila muuqataa aniga shaqsi ahaan.
    1-in uu xafiiskiisa u wareejiyo soomaaliya gudaheeda meesheey isleeyihiin aleeylehe way ku haboona
    tahay amni ahaan,iyo siyaasada ahaan
    2-in ethiopia uu culeey ku saro in ay dacada ka noqoto unkida iyo dabo qabashada haraaga,danaha ethiopina ay ka leedahay, somaliyana waxii ay tanaasul ay ka sameeyn karto ay ka sameeyso.
    3-in Eratria aan la faquuqin,loona ololeeyo in ay walwalka ay ka qabto wadamada deriska ah la yareeyo.
    4-in shariif loo soo jeediyo in uu tago eratria daayana hadalada ethiopia dhagaheeda ay jecleeysanayaan ,eratriana ka xanaajinayo ,shariifkuna uu qadiyada labada wadan ee ethiopia iyo eratria uu ka dhex baxo.
    5-in doowlada la yareeyo wasiradeeda,baarlamankan aad loo yareeyo.
    wad mahadsantihiin