Home » Badda, Warar »

Sh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka

August 07,2009 ayaa Madaxwaynaha DFKS Mudane: Sheekh Shariif Sh. Axmed wuxuu waraysi kusiiyey Magaalada Nairobi Wariyaha idaacada British Broadcasting Corporation (BBC) Abdirizak Haji Atosh, waraysigaas oo dheeraa ayaa waxaa ka mid ahaa in wax laga waydiiyey Heshiiskii Badda ee dhexmaray Soomaaliya iyo Kenya ee loogu yeeray ama loo yaqaan Is-afgarad.

Marka laga yimaado shakiga iyo walaaca Saxaafadda iyo ummad  Soomaaliyeed heshiiska ka keneen oo Madaxwaynuhu ku sheegay Borobugaando ayaa wuxuu muujiyey inuusan ku qanacsanayn go’aanka Baarlamaanka ay Heshiiskaas ku tirtireen, Madaxwaynaha ayaa wali ku adkaysanaya inuu ahaa Is-Afgarad ee uusan ahayn Heshiis, wuxuu kaloo xusay Madaxwaynuhu Baarlamaanku inuu Heshiis burinkaro sharciyan, laakiin kani heshiis ahayn. Hadaba intaynan galin iftiiminta ama sharaxaada hadalada Madaxwaynaha aan akhrino su’aalihii iyo jawaabihii Sheekh Shariif.

Jawaabihii Madaxwaynaha oo maqal ah halkan ka  soo rogo

Waraysigii

Su’aal: Waxaan u imaanaynaa heshiisyadii muddadii lixda bilood ahayd ee Madaxwaynaha aad ahay ee
dowladaada gashay, oo runtii aad moodo in ama laga goys haysto ama farta lagu fiiqayo, aan tusaale usoo qaadaano heshiikii badda oo dhawaan Baarlamaanku uu diiday, ka Madaxwayne ahaan Sh. Shariif sidee u aragtaa taas?

Jawaab: Sheekh Shariif: Een Marka ugu horaysa Dowlad waxaa lagama maarmaan ah inay heshiis gasho waa imaanaysaa, waxaa dowladu ay ka hadlaysana ama xukuumadu ay ka hadlaysay wax la wada gartay oo la fahmi karo ahaayeen, laakiin hadana waxaa dhacday nasiib daro dad badan inay sameeyeen, Borobugaando kasoo horjeeda heshiiskaas, ee Baarlamaanka sida aad lasocotid waxa uu xaqa u leeyahay waxa ay tahay heshiis inuu buriyo,laakiin kani heshiis ma’ahayn wuxuu ahaa IS-AFGARAD, si kastaba ha noqoto dalalka dariska ah hadaysan jirin wada hadal oo wixii lagu kala aragti duwanyahay laga helin… aan laga wada hadlin, taas waxay keenaysaa een…dhibaato ayey keenaysaa, marka waxaan u cadaynaa shacabka Soomaaliyeed cid maanta u taagan inay dalkaas qayb kamida ama taako kamida bixiso majirto,een heshiisna ma ahayn ee wuxuu ahaa is-Afgarad, een..ujeedada laga lahaana waxay ahayd een.. in UN-ka lageeyo maxay ahayto codsi cusub in lageeyo maadaama dhowr iyo toban sano aysan arintaasi dhicin, arintii hada waa dhacday oo waa lagaarsiiyey, een hada qorshaha loobahan yahay wuxuu noqonaa in qoraalkii oo tafatiran iyo xuduuda aan anagu sheeganayno oo aan leenahay baddeenu waa ku egtahay in lagudbiyo, taasaana aaminsanahay qofkasta oo qabay shaki inay uga bixi doonto

Su’aal: Marka maadaama hada heshiiskii uu Baarlamanku uu diiday ka Madaxwayne ahaan dadbadan baa ku dhagaysanaya maxaa lagaa qori karaa? heshiiskaas ma u dhamaatay ama is afgaradkaasi, wax dib ugu soo noqonaya ma’ahan soo ma’ahan qadiyada Soomaaliya?

Jawaab: Sheekh Shariif: Heshiiskaas dantii laga lahaa waa laga gaaray waaba laga gudbay, hada waxaa loo baahan yahay si rasmi ah in loo diyaariyo een yacni.. Is-Afgaraduu ahaa .., heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay.

Jawaabihii Madaxwaynaha oo maqal ah halkan ka  soo rogo

Jawaabaha Madaxwaynaha ayaa dhowr arimood ka sharxaynaa, erayga heshiis ma’ahayn ee wuxuu ahaa is af-garad, su’ashaasha ka imaanaysa ayaa waxay tahay maxaa la iska afgaranayaa oo laga wada hadlayaa? waxaan dib ugu noqonaynaa sida uu dhigayey Heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya, maxaa yeelay tixraac isagaa noogu filan, Heshiiskii Kenya lala galay ayaa cadaynaya waxa la iska afganayo wuxuuna u qoraa sidan

“Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo wixii qoraalkan halkan ka dambeeya aan dhehi doono “Labada Dal ee Xeebta”). Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa “MURAN BADEED“. Sheegashada labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran (yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah “Aagga lagu mursan yahay.” Tarjumaadii Somalitalk. Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali | English Version

Heshiiskan wuxuu soo kordhiyey oo kaliya in baddii Soomaaliyeed uu ka dhigay mid la isku haysto oo lagu muran sanyahay, Madaxwaynaha ayaa ku celiyey markale Muran baddeedka isagoo u tilaamaaya qaabkale, hadalkiisiina wuxuu ahaa sidan

“si kastaba ha noqoto dalalka dariska ah hadaysan jirin wada hadal oo wixii lagu kala aragti duwanyahay laga helin… aan laga wada hadlin, taas waxay keenaysaa een…dhibaato”

Waxa lagu kala aragti duwanyahay ee Madaxwaynuhu xusay waa sheegashada Kenya Badda Soomaaliyeed, majiraan illaa hada labada maamul arin kale oo ay xuseen. Ummada Somaaliyeedna waxay leedahay Kenya kalama hadlayno Xuduudaha Baddeena ee waxaan kala hadlaynaa Xuduudaha Dhulkeena, iyagoo u jeeda NFD, sidaa waxaa yiri Xildhibaano Baarlamaan iyo Aqoonyahano.

Kenya Sidee ayey u aragtaa arintan muranka keentay, ma heshiis ayey u aragtaa mise Is-afgarad? aan eego Wasaarada Arimaha Dibadda Kenya oo ka jawaabaysa su’aashaas;

“Haddaba, waxaa muhiim ah in dadweynaha Soomaaliyeed loo bayaamiyo sida ay Kenya u aragto waxa ay la saxiixatay Soomaaliya. Waxaa arrintaas si aan shaki ku jirin u caddeeyay war ay faafisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, April 7, 2009, oo ay cinwaan uga dhigtay “Kenya and Somalia sign Maritime boundary agreement” – oo haddii Af-Soomaali lagu macneeyo ah “Kenya iyo Soomaaliya waxay wada saxiixdeen HESHIIS XUDUUDDA BADDA.” Tarjumaadii Somalitalk

Warkaaas oo ay Dawladda Kenya ku faafisay website-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa kale oo ay ku baahisay warbaahinta Rasmiga ah ee Dawladda (KBC), (sida ka muuqata sawirada hoose). Warkaas waxaa ka mid ahaa: Tarjumaadii Somalitalk. :::Aragtida Kenya ee “Heshiis Xuduudda Badda” ee ay la Gashay “Jamhuuriyadda Soomaaliya”

Hadaan intaas uga gudubno sharaxaada Heshiiska Dowladu u taqaan is- afgarad, waxaa la waydiiyey Madaxwaynaha go’aankii Baarlamaanka iyo sida uu u arko, su’aashaas oo ahayd su’aal muhiima madaxwaynuhu kama jawaabin, wuxuu sheegay in heshiiskaas laga gudbay.

Somalitalk oo laxiriirtay Aqoonyahan waxna ka waydiisay in ay saxantahay kagudbida Madaxwaynuhu sheegay ayaa yiri”Majiro heshiis iskiis u buraya ama looga gudbayo, waa in lahelaa qoraalkii kale oo burin lahaa ama wax ka badali lahaa, hadii kale sidiisa ayuu u taagnaanayaa”

Marka laga hadlayo Dowlada Kumeelgaarka ah Datuurka u qoran oo Kumeelgaarka ah, ayaa dhigaya hay’ada ugu saraysa wadanka waa Baarlamaanka, heshiiskaana wuxuu noqday mid baabay laga bilaabo maalintii cod aqlabiyad ah lagu tirtiray 01/08/09. sidaa waxaa yiri Ciise Calasow Xildhibaan Baarlamaanka ku jira.

Somalitalk oo laxiriirtay qaar kamida Xildhibaanada oo aan doonayn in magacooda la shaaciyo ayey u sheegeen in ilaa iyo hada 08-08-09 uusan Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadann Madoobe uusan diyaarin go’aankii Xildhibaanada una gudbin Madaxwaynaha. Arintaas oo ay ka muujiin niyadjab.

Qodobka ugu danbeeya oo Madaxwaynuhu xusay ayaa ahaa “hada waxaa loo baahan yahay si rasmi ah in loo diyaariyo een yacni.. Is-Afgaraduu ahaa .., heshiis rasmi ah in hada ladiyaariyo ayaa loo baahan yahay”

Hadalkaan Madaxwaynaha ayaan cadayn inuu ula jeedo heshiis kale oo Kenya lala galo in loo jeedo iyo inuu arin kale u jeedo, si kastaba ha ahaatee hadalka Madaxwaynaha ayaa laga dareemayey sida uu uga xun yahay ugana goys haysto Go’aankii Baarlamaanka.

Dhulka Badda Soomaaliya ee Kenya Kacabiratay

Waxaan ilaa hada jirin Cid katirsan Dowllada Shariif oo soo hadal qaaday Dhulbaddeed aad u baaxad wayn oo Kenya ka goosatay Badda Soomaaliya (116,000 km2) Boqol iyo lix iyo tobon kun oo Kiilo Mitir oo laba Jibaaran. Marka laga reebo in laba Wasiir oo Dowlada ka mid ah Qireen in Kenya dhul baddeed kaas Cabiratay. Akhri qoraaladii horay looga qoray.

Arinta taagan oo ummada Soomaaliyeed is waydiinayaan waa maxaa ku dhacay Xukuumada Kumeel gaarka ah maadaama ay qirsan yihiin in Kenya soo xadgudubtay inay jawaab ku haboon ka bixiyaan. Waxaa xusid mudan in Wasiirka arimaha dibada uu la kul may QM intii Kenya badda cabiratay kadib, kamana soo bixin wax war ah oo arintaas ku aadan. Sidoo kale Madaxda Dowlada intooda ugu muhiimsan sida; Madaxwaynah, Raysulwasaaraha, labadiisa ku xigeed,Wasiirka arimaha dibada, Wasiirka gaadiidka iyo Wasiirka Gaashaandhiga ayaa Kenya tagay wax cabasha ahna arintaas kama muujin. Hadaba Su’aasha imaanaysa ayaa waxay tahay miyeysan masuuliyadooda ahayn ilaalinta Badda soomaaliyeed.

Wasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in “Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed”… C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Ra’iisul Wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG Prof. Cabdiraxman Aaden Ibraahim Ibbi “WAA RUN badda Soomaaliya khalad bay ka gelayaan oo waa soo gelayaan.” ……..Dowlada Kumeel Gaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay…

Dhulbaddeed ay Kenya Soomaaliya ka goosatay

Maxaa loo baahan yahay Hada

Arinta muhiimka ah ee ay tahay inay ummadda Soomaaliyeed fahanto waa  maxay tahay wax lacusboonaysiinayo iyo Dowlada waxa looga baahan yahay? halkan ayaa waxay tahay meesha sartu ka quruntay.

Waxa loo baahan yahay hada iyo markii horeba waa (Extended Continental Shelf ) Balaarinta Qalfoofka Qaarada. Qarammada Midoobay ayaa soo saartay xeer ku ekaa May 13, 2009 in Dowladaha leh Badda ay soo gudbiyaan Xogtooda wixii ka baxsan 200 mayl baddeed. Hadaba arinta Dowlada laga rabay/rabo waa inay gudbiso xogta dhulka badda hoos u siigashan wixii ka baxsan 200 mayl baddeed, si looga dhigo 350 mayl baddeed, sidaa waxaa qoraya Xeerka 76-aad ee QM. Ma shardibaa in Kenya la isfahmo, MAYA waase lasamaynkaraa hadii Soomaaliya dani ugu jirto. Maxaan ku cadaynaynaa arintaas Waddamada Soomaaliya Badda lawaaga oo dhan xogtoodii waa gudbisteen Soomaaliyana IS-AFGARAD  masaxiisan. Arintaas wax badan ayey Somalitalk ka hadashay waxaadna ugu noqon kartaa qoraaldii hore faah faahin intaa dheer.

Waxaa jirta sida Dowladaan u qoran in Marka Madaxwaynaha loo gudbiyo heshiiskan uu Mudo 14 cisho ah kaga soo jawaabo, inuu waafaqo oo soo saxiixo iyo inuu dib ugu soo celiyo Baarlamaanka labadaba waa u furantahay. Lama garanayo go’aanka Madaxwayne Shariif midka uu noqon doono, in kastoo hadalkiisa walaac laga muujiyey.

Qodobka kale oo loo baahan yahay waa in Dowladu usoo gudbiso go’aanka Baarlamaanka Gudiga Xadaynta Baddaha ee Qarammada Midoobay, Bishan Agoosto dhexdeeda inta Kenya aysan khudbaddeeda arintaas ku aadan ka hor akhrin QM. Sidoo kale iyadoo Dowladu ka jawaabaysa Warsaxaafaddeedkii Xoghayaha Gudiga Xadaynta Baddaha, oo oranayey;

“Waxaa xusid mudan Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha, Mr. Rajan, in uu sheegay in dalalka akhbaarta iyo xogta soo gudbiyey wixii ka horaysay May 8, 2009 in ay noqon doonaan kuwa akhbaartooda ka hor akhriya Guddiga QM. Waxaa la ogyahay in Soomaaliya (ay gudbisay April 14, 2009) iyo Kenya (oo gudisay May 6, 2009) oo sidaas labaduba ka horeeyaan taariikhda uu xusay Mr. Rajan. Halkaasna laga fahmi karo in ugu yaraan Kenya ay ku jirto dalalka loo tixgalinayo cabbirka badda marka la gaaro August 10, 2009.” akhri qoraalkoo dhamaystiran. Shirka Jaraa’id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha – oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:

Baarlamaanka Kumeelgaarka Soomaaliya ayaa qaatay go’aan taariikhi ah oo ay ku tirtireen gabi ahaanba Heshiiskii loogu yeeray is-afgarad. Ummada Soomaaliyeed ee Dareemaysa muhiimada arinkaasna way xusi doonaan waligood, jiilasha soo socdana waxay diideen in laga dhaco dhaxalkii  awoowayaashood uga tageen. Hadaba su’aashu waxay tahay intaas miyaa ku filan? waxaa iska cad jawaabta su’aashaas, waa MAYA, Baarlamaanka waxaa laga rabaa dhowr arimood inay sameeyaan, 1) Inay daba galanaan

go’aankoodii inuu fulay iyo in kale inta aan la dhaafin waqtiga ku haboon, dowladana inay cadaadis kusaaraan inay Gudiga Xadaynta Baddaha u gudbiyaan in MOU Heshiiskii is-afgarad laga soo qaaday waxba kama jiraan. 2) Inay Dowlada  Waydiiyaan Sababta keentay inay ka aamusaan dhul baddeedka Kenya Cabiratay 116,000 km2.3)inay  Baarlamaanku lasoo xariiraan Gudiga xadaynta Baddaha ee NY gaarsiiyaana go’aankoodii, si ugu yaraan galka QM uu’u galo.

Dhamaan ummada Soomaaliyeed waxaa xil kasaaran yahay Difaaca Hantida Qaranka Soomaaliyeed oo Dhulka,Badda iyo Hawaddu ugu muhiimsanyihiin.

Ugu danbaytii Somalitalk waxay u mahad celinaysaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed intii ka qayb qaadatay Difaacida Badda Soomaaliyeed, gaar ahaan Baarlamaanka Kumeelgaarka Soomaaliyeed, sidoo kale Somalitalk waxay u mahad celinaysaa wadaniyiinta Soomaaliyeed ee joogtada ugu soo dirayey dhiiragalinta, talooyinka iyo mahadnaqa. Dhamaantiin waad mahadsantihiin.

Jawaabihii Madaxwaynaha oo maqal ah halkan ka  soo rogo

Hoos kadaawo akhri go’aankii taariikhiga ahaa ee Baarlamaanka.

Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad ah ku diidey Heshiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

difaacabaddaCilmi Baaristii Somalitalk Badda Kasamsay Akhri….

Ing. Maxamed Cali iyo | Xasan Dhooye

http://somalitalk.com/web/wp-content/uploads/2009/08/difaacabadda1.gif

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Sh. Shariif oo ka gows qabsaday go’aankii Baarlamaanka "

  1. zakariya says:

    haye aniga marka hore in Dhul somalia la sa xiixo ma ogolin dawlad Qaran majirto hada ok
    nabada ilaaliya ha iibinina Dhulka somalia
    Dheeg iyo Xornimo ayaa loogu soo dagalamay sheikh shariif
    magaratay
    baraaruga somaliyeey
    isda baqabta somaliyeey
    nabad galyo

  2. TO MADAXWEYNA SHARIF(MA ORAN KARO TUUGE) says:

    WAXAA LEE YAHAY RALI KAMA NIHIN IN DHULKAYAGA AY KENYA LAGA IIBSHO AMASE LAGU TILMAMO HESHIS MA AHAYN
    WAAN DAREMAYAA WAXAA LA RABAA IN SI TARTIIBA DHULKA LOOGU WAREEJIYO KENYA ANAGUNA MUSTAQBAKA DHAW WAAN SOO CESHANAYNAA XATAA ILAA NFD(SOMALI KENYA) ADNA WAXADBA LEEDAHAY SHARIF WAXAD LEDAHAY HESHIS DHABA MA AHAYN WALEE WAA KAF IYO KALA DHEERI MARNA HANALA IIBSADO MARNA BADAHAYAGA HA LOOTASHADO MARNA DAWLAD KUSHEEGTU WADANKAYAGA HA ISKA IIBSATO SIDII JAGOOYINKII DHULKA OO KALE

    MA KUGU FILNANWAYDAY LACAGTA AAD KA QADATO CARABTA IYO AMERICA SHARIF FADLAN DHULKAYAGA NOO DAA HADII AAD IIBSATANA KOLAY WAAN KASOO CESHAN GORTAY NOQOTABA

  3. abdikadir shire (gure) says:

    a/c. dhamaan bahda somalitalk iyo inta fikir saliim ka dhiibatey qormadan waan u mahad celinaa, intaas ka dib, madaxwaynaha waxaa u haboyn inuu garowsado umada uu masuulka ka yahey, dhulkeeda(bad iyo beriba) inuu xataa haba yaraate wax shaki ah gelin. horey dhulkeena loo qayb sadey ee inta hartey yaanan la raacin, ee inta maqan doodeeda ha la furo. dhamaan masuuliyiinta somaliyeed waa iney ka cabsadaan ilaahooda, sharfta umadan dhowraan. shaqsiga sharaftiisana waa dhulkiisa. www

  4. Cawil says:

    Awooda shariifku uu heshiiska bada kula galayo kenya muuu Villa somalia ku illaasho. waxaa layaab ah koox lagu ilaalinayo villa somalia oo ay ku ilaalinayaan ciidan shisheeye inay yiraahdaan waxaan heshiiis bad la galaynaa badda somalia.

  5. Abdi Xarbi says:

    Madaxweynaha khibrada yer iyo Koxdiisa laluushka Cunay, Dowladda kenya waxay ka rabta inay soo celiyaan lacgaha ay qateen ama dhul-badeedka inay dhibaan oo kenya u ogoladaan.

  6. dulmidiid says:

    TFGDA LAGU CANAANAAYO HESHIISKA IYADA DOWLAD MA TAHAY? DOWLAD HESHIIS LA GALA KARTA DOWLADO KALE WAA DOWLAD KA TALISA DHULKEEDA SIDA AY ILA TAHAY. GUUD AHAAN UMMADA SOOMAALIYEED WAXAAN U ARKAA INEY TAHAY UMMAD HABAAR KU DHACAY. QOFKA HABAARAN MA HARSATO WAA SABABTA SUNTA BADA LOOGU DUUGAY, DHUL BADEEDKII NALAGU HEYSTO, UMMADA INTII KA HARTAYNA KUWO DIIN HUWAN AY RABAAN INEY SILIC KU DILAAN INTA HARTAY. CID SOOMAALI RABTA MA ARKO ADUUNKAN IYADUNA ISMA RABTO.

  7. Geedi says:

    Waa kuma aqoon yahanka somalitalk wareysatay? waa muhim in la xuso si culayskiisa iyo khibradiisa loo ogaado oo aysan awr ku kacsi noqon?
    Waa la gudbisan karaa afgarad la’aan sax maha sida yemen yeeshay. Sharciyada u qoran gudiga waxay muujinayaan inay qasab tahay in dal kasta kasoo hadlo in waxa uu gudbisanayo dispute ka jiro oo lagu haysto iyo in kale oo calaadayn la isku waafaqsan yahay jirto, laakiin calaamadayn labada dal ku heshiiyeena ma jirto ama ka sharicyaysan QM, sidoo kalena ma qirayo inaan laga heshiin oo taasina aysan caqabad ku noqon gudbisashada fidinta iyo kordhiska waa wax indho cadays ah oo la iskaga iman doon oo gudiga dalalkii uu arko inaysan calaamo heshiis lagu yahay dhex ool, sidoo kalana afgarad qiraya dispute-ka iyo inuusan caqabad ku noqon kordhinta uusan gudbintooda ka dhex muuqan ee isla markaana laga aamusay arrinta balse uu arko in waxa ay soo gudbisteen isdhax galayaan waa lagu soo celin doonaa labada dal oo indha cadays wax matari doono ee arrinta si mawduuci ah oo laab la kac lahayn haloo dhuuxo.
    Baarlamaanka qudhiisa waa diidnay kuma filna ee wixii la yeelayo ama la badalayo ama sida ay tahay in gudbinta lo maro waa inuu sheegaa waana la yaab inay ku oriyaan in arrinta gudi loo saaro ama khubaro loo ifin doonto! Saxna uma muqato in baarlamanku la xiriiro hay’adaha QM ee waa in qaybta fulinta hawshaas leedahay

  8. Saciid says:

    Marka hore waxaan salaamayaa bahda Somalitalk, tan xigta hadii arintan lagu sheego heshiis buuxa ama mid isfaham “Mutual Understanding” waxay hayd in uu saxiixo madaxweynaha ama wasiirka koowaad. Marka keliya ee uu saxiixi karo wasiirka waa marka shirweynaha wasiirada badda ay ku kulmaan qaramada midoobay ama shir qaaradeed. Heshiiskani ma cada, dowladana dad hadalyaqaan ama Communicators ma laha, oo run ahaantii dhinacaa wey ka liidataa, heshiiskii oo qoran ama contentska lama garanayo. Suaalo dhowr ayaa isweydiin leh 1) Wasiirka baddu muxuu u saxiixi waayey? 2)Maxaa xiligii dowladu cusbeyd ee Jabuuti ka timi ku soo beegay? 3)Hadii heshiisku yahay Isfaham maxaa warbaahinta loogu shaacin waayey? si loo ogaado in heshiisku mid buuxa uusan u aheyn. 4)Maxay Kenya heshiiska ula geli weydey dowladihii Carta iyo Nairobi lagu soo dhisay? Gaar ahaan dowladii dambe oo Kenya 2 iyo bar dhisideeda ku mashquulsaneed. Runtii dadku waxay isku qaldaan heshiiska buuxa iyo kan isfahamka, kan buuxa garanay, hadaba isfahamku muxuu yahay? Sida macnihiisa laga dhadhasankaro waa heshiis ah inlayku fahmay, balse aan lagu heshiis oo si kama dambeys aan loogu heshiin, inta badana waxaan maqalnaa heshiisyada noocan ah marka Mareykanka iyo Ruushku ku heshiinayaan isfaham hub dhimis. Kii ugu dambeeyana wuxuu dhacay 2 bilood ka hor oo ay madaxweynayaasha Ruushka iyo Mareykanku saxiixdeed “Mutual of Understanding” waxayna ku balansan yihiin sanadka aakhirkiisa in heshiis buuxa la sameeyo. Hadaba inta ka horeysa heshiiskaas lama dhimayo wax sawaariikh ah, heshiiskaas isfahamka ah waxaa lagu shaaciyey dhamaan warbaahinta.

    Saciid Maxamed Saciid

    Lawyer

  9. carabey says:

    salaanta islaamka ka dib aad ayay u mahadsan tahay bahda somalitalk iyo dhamaan inta samaha jecel inta kadib waxaa ii muuqata in aan madaxwaynaha horta diyaar u ahayn in heshiiskaas la buriyo ,kenya haddii ay isaga ka gows haystana baddaas waa mid halis badan sida looga mira dhaliyo ama baarlamaan ha diido ama ha iska daayee balse wariye catoosh waa uu ka haray su’aallo badan inuu ka waydiiyo si uu banaanka usoo dhigo ,maxayse warbaahinta inteedda badan aamusiyay ilayn waa xiligii loo baahnaaye inay daah furaan doodaase ,su’aashu waxay tahay haddii loo sharciyeeyo mustaqbalka dood ma noo furan tahay aan ku soo ceshan karno ?mise waa nin daad qaaday waa ku daayay!!!!