Home » Islam, Saxaabada »

Qiso dhex martay Cumar Binu Khadaab iyo Qoys|Xasan Cade

Qiso Cajiib ah oo dhex martay Cumar Binu Khadaab iyo Qoys iska dhibanaa

Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa dhacday inuu Amiirkii Muslimiita ee wakhtigaas, Cumar Ibn Khattab (ilaahay ha ka raali noqdee) oo dhex qaadayay xaafadaha Madinal Munawarrah si uu ogaado dareenka iyo dhibtaada dadkiisa. Kadib wuxuu maqlay oohin, markaas ayuu ku leexday gurigii ay kasoo baxaysay oohinta. Markaas ayuu arkay haweenay iyo caruurteeda oo oynaya, iyo digsi dabka saran. Kadib ayuu haweenaydii waydiiyay waxa keenay oohinta caruurta. Gaajo inay hayso ayay u sheegtay Amiirka. Hadaba digsiga maxaa saaran ayuu waydiiyay. Biyo caruurta lagu sasabo ayaa saaran ayay ugu jawaabtay. Maysan garan inuu ninka la hadlayo yahay Cumar.

Kadib ayay bilowday inay eed dusha uga tuurto Cumar ayada oo ku eedaysay inuu iska indhatiray dhibka haysta iyada iyo caruurteeda. Cumar oonan wali isu sheegin ayaa markaa waydiiyay waxa uu u qaban karo asaga oo markaas ilin badan ka qubanayso. Haweenaydii ayaa u sheegtay inay waajib tahay inuu ogaado dareenka ummadiisa maadaamo uu yahay Amiirkooda.

Cumar (rc) oo u la socdo gacan yarihiisii Aslam ayaa markaas soo aaday dhanka magaalada ilaa uu gaaray Baytul Maalkii. Markaas ayuu bilaabay inuu soo raro cunto kala duwan, saliid, bariis, subag iyo xogaa lacag ah. Markuu jawaankii buuxiyay ayuu ka codsaday Aslam inuu dhabarka u saaro. Aslam ayaa diiday asaga oo ka xishooday inuu Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo dhabarka u saaro. Cumar ayaa ku adkaystay, kuna yiri Aslam: “Ma adiga ayaa Maalinta Qiyaamaha culayska iga qaadi doona. Waa inaan aniga xanbaaro jawaankan

maadaama Maalinta Qiyaamo aniga la I waydiin doono.”

Aslam ayaa markaas Cumar (rc) u saaray dhabarka iyaga oo bilaabay inay aadaan dhankii guriga haweenaydii baahnayd. Markii ay tageen gurigii ayuu Cumar (rc) digsi ka buuxiyay raashin, ilaa uu ka bislaado, hadana u soo riday caruurtii, iyaga oo ka dhargay isla markiina bilaabay cayaar. Haweenaydii oo aad u faraxsan ayaa Cumar (rc) ku tiri: “wallee adaaba ka fiican Amiirka Muslimiinta, Cumar.” Cumar (rc) oonan wali isu sheegin ayaa ku jawaabay: “Hadaad aniga iga soo war doonto, waad arki doontaa Amiirka Muslimiinta insha’Allah.”
Kadib ayuu iska fariistay isaga oo fiirsanaya caruurtii oo cayaar gashay. Intuu Aslam jaleecay ayuu yiri:

“Ma ogatahy waxa igu keenay inaan halkan fariisto? Hadaayey caruurtaan way ooyaysay, iminkana way qoslayaan oo cayaar ayay ku jiraan. Inaan iska fiirsado faraxooda ayaan jeclaystay.”

Xigasho: Sheekoyinkii Saxabaada: Sheekh Muxammad Zakariya Kandhalvi

Hadaba dadweynow sida aan ka war-heynow umadda Soomaaliyadeed maanta waxay

ku rafaadsan yihiin meelo badan oo ka tirsan dalkeyna Soomaaliya. ha’ugu badnaadaan

Ceelasha biyaha.Galgalato iyo km 13.

aaway dadkaas madaxdowdii? meeyey wasiiradoodii? miyaanan maalin Khiyaamaha ah wax la’iga weydiin doonin? fikirkaaga inoogu soo dir

wardhigley114@hotmail.com

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)

Email: adde053@hotmail.com

Kuala Lumpur Malaysia….

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Qiso dhex martay Cumar Binu Khadaab iyo Qoys|Xasan Cade "

  1. Cawil xaji cilmi says:

    Asalama c warax matulahi wabarakatu salan qimo badan kadib walala yal ilahay yey mahad usug natay waxane walalahay muslimka ah kacodsanaya sibo samalida mel kastay jogan inay ilahay kabaqan handi cabsi alahay timado wax kaste way hagagi asagan laga agdheranin baryadisane badiya waad libanaysin aqiro iyo adunbo wadankanagane allaha nabad noga dhigo a c w w

  2. Jamal Ali says:

    Salaamu calaykum warxmatulaah wabarkatu..walaal..jazkl.kheer jazaa….Manta waxaan ilaahey ka tuga in ummadaan soamoiyeed ee muslimiinta ah Alle kala bad baadiyo…Waa Ogyahay qofke yaqaana Kalamda Allah ee Quraanka..in Alle yire waxaan ugu nicibahay biliaadamka qofkee dila qof muslim ah..manta wax ka dhacaaya Muqdisho ma ah wax aaan halkaan ku soo koobi karo..ee aan uduceeyno..toobadana aan weydiisano Allah Swc.inuu dhibka naga kor qaado oo nabad ay soo noqoto..insha allah

  3. mohamed says:

    walaal aad ayaat u mahadsantahay laakiin ma aheen wakhti la is bar bar dhigikaro maanta iyo markaas ama dadkani iyo dadkaas waayo dadkaas waxeylahaayeen hal imaam meesha hada aan leenahay 1500 oo imaan oo iska soo hor jeeda ee suaashaada waxaad ku koobtay AAway dowladii iyo wasiirdii? hee ma isweydiisay Miinooyinka iyo bamboorinka jidkii loomarilahaa loodhigay mise ay dhigeey 1500tii urur diineetyada isdiidan ee dhe ilaahoow nasoo hanuuni inaga iyo inta qaldan oo dhan amin

  4. EHLEKHAYR says:

    Salaamu calaykum warxmatulaah wabarkatu.

    walaal ilaah hakaa ajersiiyo qoraalka qaaliga ah oo waqtigagii qaliga ahaa aad ugu deeqday inaad ku xusuusisid qalbiga xayga ah oo ilaah cabsidiisa og.walaal aduun iyo aakhiraba ilaah xasanaadkiisa haku siiyo aamiin aamiin aamiin. walaalhay markan akhriyey siidada dhibka shacabka soomaliyeed caruur iyo cirooleba iyo haweenba gajadu ku dubatay dibada iyo gudahaba ayaa idhahayga ilmadu iga soo daday ilaah ayaa ubaryayaa inuu shacabkaas aan lahayn laaxawla walaa quwa inuu siiyo xaakiim caadila oo sida cumar bin khadaaba ah siiyo aamiin aamiin aamiin, shacabkana waxaan ilaah uga barkayaa inta dhibka lawada dhib oogayaasha inuu qalbigooda ka madoobeeyo dhibka ay ku wadaan shacabka iyo dalkaba ilay waa dhibe gaalo lama dagaalamayan waxay ladagalamayan waa walaalahooda soomaliyeed dhexdooda iyagoo isku diina isku luuqada isku dhaqana marka ilaah hasoo hanuuniyo shacabkana iyo wadankaba ilaah dhinka haka qado aamiin aamiin. aad ayaa uga xumahay in soomaali oo dhankasta ka hodana ay maanta duurduurka gudaha iyo dibadaba ah ay macaluul kule edaan ama ku dhintaan ilaah hawgargaroo waxkale malihiye dulmiga ilaah haka qaado ay iyagu is geliyeen iyo mugdigaba. aduunka wadan walba waa siraadanyahay laakiin macal aasaf soomaliya waa mugdi ilaah haka saaro mugdiga dalka iyo dadkaba aamiin aamiin aamiin. WABILAAHI TOWFIIQ.

  5. Ahmed Ismail says:

    walaal Hassan ajar ALLE hakasiyo, xasusinta qof nimadii Cumar Bin KHadab. waxaadse ku dar sataa manta kuwo mamul ushaqeynayo in anay laheen wax dar yeel ah. kolka Somali mashaba kasar, xaqiiqada
    aan la tacaalno sidii aan nabad ku hali laheen iyadoo aan qolo walba sheganeen in ay teedu tahay midda saxa’ah. ALLE waxaa u inoo so dajiyay kitab waxuna usoo dhibay rasul wadadiisi mahaynaa. Cumar Alle ralii hakanoqdee taas ayuu yaqiin sanaa, in ayhortaal. kuwa aad uyaboohisay in ay ummadda wax u qabtaan taas mayaqiin san yihiin. gabagabo ELLE kur ahayee waxa u ayad nagu leyahay, MA DADKAAD FARYSAAN WANAAG IYO SAMAFAL IDINKOO ILOWSAN NAFTIINA .