Home » Warar »

Madaxweyne Shariif oo galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho


Sawiro dheeraad ah eeg halkan

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isagoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya oo uu kulamo kula soo qaatay xubno ay ka mid aheyd Xog-hayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mrs. Clinton.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Aadan Cabdulle International ku soo dhoweeyey R/wasaaraha Xukuumada Dr. Cumar C/rashiid Sharmaake, xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano iyo haweenka gobolka Banaadir oo ay horkacayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo ku-xigeenadiisa.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinayay safarkiisa Wasiirada Arrimaha dibedda iyo Gaadiidka Dekedaha, C/llaahi Omaar iyo Cali Jaamac Jingili, waxaana madaxweynuhu uu mid mid u gacan qaaday mas’uuliyiintii halkaasi ku soo dhoweysay.

Madaxweynaha ayaa loo soo galbiyay Xaruntiisa madaxtooyada halkaasoo ay ku sugnaayeen guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno xildhibaano ah.

Dhinaca kale, madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa loo soo tuuray dhanka madaxtoyada iyo Garoonka ka hor inta aanu soo degin madaxweyne Shariif kuwaasoo dad rayid ah ku waxyeeleeyey xaafadaha ku dhow dhow madaxtooyada, sidoo kalena xaafadaha ku dhow dhow Garoonka ayaa waxaa ku geeriyooday dad kale oo rayid ah, gaar ahaana xaafada Buulo-xuubey.

Sawiro dheeraad ah eeg halkan

Maxamed Xuseen Ugaas

Ugaasyare114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.