Home » Warar »

FBI oo Maxamud Cali Minneapolis ku xirtay

FBI oobaaraysa Minneapolis Xafiis Tigidhada Jara

Sida laga sii daayey warbaahinta gudaha ee Gobolka Minnesota waxaa la xiray Xafiiska Tigidhada ee Amana Travel kadib markii Mulkiilihii lahaa Cali Maxamud lagu eedeeyey Khiyaano iyo Tuugo. Qoraalka aan kasoo xiganay qaar kamida warbaahintaas ayaa sidan u qoraa;

Koonfurta Minneapolis mulkiile Ganacsi ayaa lagu eedeeyey inuu ku khiyaanay dadkii safrayey tikidka Diyaaradaha, hada waxay noqon kartaa qayb kamid ah FBI baaritaanka ay ku wado rag Soomaaliyeed oo la waayey, 5 EYEWITNESS NEWS sida ay ogaatay.

Minneapolis Police ayaa xiray Cali Maxamud, 35 jir, Khamiistii kadib markii uu Minneapolis kusoo noqday, isagoo kayim Gobolka banaankiisa. Waxaa lagu xukumay lix danbi tuugo iyo khiyaano Maxkamadda Hennepin County District Court dhexdeeda, Waxaa lagu eedeeyey inuu qaatay qiyaastii $40.000 kana qaatay ugu yaraan haldarsan oo socoto ah, laakiin kuligood waa ku guul daraysteen inay diyaarad u raacaan Bariga dhexe ama Afrika,ama in Tigidkoodii laga joojiyey lacagtay ku gateena loo celiyey. (Kuligood madhicin, Tigidna mahaystaan, lacagna looma celin) isku soo duuboo Baarayaasha ayaa aaminsan cadadka lacagtu inuu kor u dhaafayo $200,000.

“Waxaan aamin sanahay inuu leeyahay danbiyo kale,” Boliiska Minneapolis Lt. Brad Sporny ayaa sidaas u sheegay 5 EYEWITNESS NEWS.

Booliiska ayaa ku bilaabay baaritaan Maxamud Ganacsigiisa Amana Travel Agency, at 1841 Nicollet Ave. S. on July 10.

Galabnimadii Arbacada, Hay’ada FBI-da ayaa weerar ku qaaday Amana Travel, albaabadana isugu dhufatay, sida uu xaqiijiyey afhayeenka FBI-da E.K. Wilson.

source:Source: KSTP, and 5EYWITNESS NEWS
Tarjumaadii Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.