Home » Siyaasad »

Shariifku ma gacantuu ka salaamay mase qalbiga|Ugaasyare

Shariifku ma gacantuu ka salaamay mase qalbiga Mrs. Clinton.?

Su’aashan ayaa igu dhalatay kadib markii kulan galabta dhex maray Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mrs. Clinton iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay iyaga oo wada qoslaya ka soo muuqdeen shaashadaha caalamka misana gacmaha is gashaday oo salaan isu dheeli tiran is geliyay gacanta Midig.

Inkastoo Alle uun ogyahay, mida qalbiga balse mida muuqaalka haddii la fasiro waxay noqoneysaa gacantuu ka salaamay, balse marka la dhegeysto fikirka kooxaha naqdiya siyaasada Shariifka waxay leeyihiin wuxuu cadeystay sida uu Shariifku ugu xiran yahay reer Galbeedka.

Anigu (Qoraa ahaan), waxaan qabaa in madaxweyne Shariif uu ku jiro saaxad siyaasadeed oo aad u ballaaran isla markaana aanu wax la yaab, dhaliil siyaasadeed, mid Diineed iyo mid kale toona ku noqoneyn inuu gacan qaado naagta Ajnabiga ah ee Mrs. Clinton, sababtoo ah markii uu madaxweynaha noqonayay laguma dhaarin in aanu salaamin madaxda caalamka rag iyo dumarba.

Mida labaad, madaxweynuhu waxa uu madaxweyne u yahay dowladda Soomaaliya, waxaana ka gadaal babanayay calankiisa, waxaana goobta ku sugnaa warbaahintii caalamka, waxaana la kulmayay mid ka mid ah dadka adduunka ugu caansan, uguna mansab weyn (Mrs. Clinton), marka sina uma xumeyn si uu u muujiyo farxada kulankaasi qaaliga ah, siyaasada dowladdiisa ee (America) iyo debecsanaantiisa qofnimo inuu gacan qaado Hillary wax ku siman shan ilbiriqsi ama ka yar.

Mida Diinta haddii loo laabto, horta anigu caalim maahi, balse Shariifku waxaan aaminsanahay waa Bani’aadam, waana qaldami karaa, ama dembi wuu geli karaa, haddii uu galona isagey u taalaa inuu Alle u laabto oo ka cafis weydiisto, waana rajeynayaa, balse ogow aqristow dembigu heerar buu leeyahay, waxaana ka xun kana dembi badan ninka qof Islaam ah ku dila sabab la’aan.

Gabogabadiina, waxaan aaminsanahay in gacan qaadka madaxweynaha ee Clinton aaney aheyn wax ka cusub casrigan maanta la joogo, oo ay is gacan qaadaan madaxda caalamka iyo kuwa Islaamka, gaar ahaana kuwa Sucuudiga, Qatar, Baxreyn, Falastiin, Masar, Syria iyo kuwo klae oo Duniada Islaamka ah.

Alle ha na xifdiyo, wixii dembi ah-na ha naga wada cafiyo

Maxamed Xuseen Ugaas

Ugaasyare114@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Shariifku ma gacantuu ka salaamay mase qalbiga|Ugaasyare "

  1. yussuf xiddig says:

    Ilaah baa mahad leh nabad gelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato rasuulkeenii suubanaa Muxammed(scw)

    Runtii qofba meel ayuu arinta ka arkayaa marka loo eego salaanta shariifka ee clinton, haddaan dib u jaleecno sannado ka hor markii uu shariifku ahaa hogaamiyaha isutaga maxaakimta, ma u arkayay arintaan mid caqiido ah in naag la salaamaa xaaraan tahay, hadduu u arkayay xiligaa inay xaaraan tahay maanta waxa uu sameeyay waa denbi weyn oo uu ka galay Ilaah maadaama uu yahay nin diinta yaqaan walibana ah hogaamiye dad badan oo caamo ahi ku dayanayaan,waxayna uga baahan tahay inuu arintaan u cadeeyo maangaabka ku dhumi kara arrintaan oo uu Ilaah dartiis ugu cadeeyo arrintu inay ahayd qalad ka dhacay asaga oo aan lagu dagsoomin. Hadduuse xilligaa u arag inay arrintu tahay diin iyo caqiido oo uu ku raali galinayay kuwii saaxada kula jiray ee wadaadada ahaa, maantana waa ku raali galin karaa maraykan iyo qofkuu doono, oo laguma qasbi karno waa xaq arrintaan in naag anjabi kaa ah oo salaantaa ay xaaraan tahay, maadaama uu yahay qof cilmi leh fahmi karana masaladaa iyo daliiladeeda.

    Marka anigu waxaan filayaa arrintu inay shariifka u taalo oo uu asagu uun arrintaa Ilaah kala xisaabtami doono ee yaan anagu ku talax tagin.

    Mahadsanidiin.

  2. Afgaab says:

    Anigu waxan maqlay xadiis rasuulka laga soo weriyay SCW oo macnihiisu ahaa THE BEST GREETING IS SHAKING HANDS, salaanta ugu wanagsani waa gacanqaadista, laakiin taasi waa ragga

  3. xasan c/qaadir guure says:

    aaad ayaaan idin salmayaa dhamaan tiin kaar ahaan wariyaha diyariyay falda ku sabsan salanta sharif ka ii cilaton walaale hadii aan cabiro fikirkayga waxay ila tahay waaa danbi yar hadii uu madlaxad wayn i wada somaliya wax dhib ah kuma jirto ayaan filayaa walaale hadii aaan ka hadlo qolooyin ka cabaarnayo ama ku tilmaamyo madaxweynha somaliya gal waxaaan waydiinaya hal sual walal dilka 50 qof oo muslimin ah dhawaca 100 qof oo halmar b/wyn lagu dilayay aydoo marmarsiyadu tahay shakhsi wasiir ah oo siyasad isku hayno ayaan u socday oo waliba xasuuqaa lagu faano idaacdaha waxaana u jeesaa walale madaxada alshabab anoo waydiinaya sharci muslin iyo mid gaalo halkee ku qoran tahayxasuuqaaa .
    by hassan abdulkadir bosaso p/land

  4. ilkaqalalax says:

    waxay iila tahay , dadka halka ka dhiibanaya fakirkooda inay wada taageersanyahiin (sallaanta) ama gacan qaadka shariif uu gacan qaaday haweenayda xog-yaha arrimaha dibadda ah ee dalka mareykanka,
    balse waxaan wanaagsanaan lahayd , ruux walba in fakirkiisa ku salleeyo sida ay asaga la tahay taasow laga maarmaam ah balse dadka ugu yeelin wax sharciyan ah, xitaa qoraaga oo ka dhigay in arrintaasi tahay, mid wax wayn ku dhisnayn, marka waxaad moodaa in qofkaste oo arrintaasi uu si ugu meel dayay ama ugu darqi inooga dhigay !
    Anigu-se , waxaan qabaa shariif in taasi uu u geestay si qalad uusan alle raalli ka ahayn , marka haddii alle uusan raalli galine waxuu raalli galiyay gaalla & sheydaan oo aan wax u arrag wax alle ummaddiisa ka xaribay marka qofkastow ha ku deg degin in aad ka jawaabta su’aal aada aqoon jawaabteeda ,
    ruux kaa ajnabi waxa aad ku sallaanta waa wax aad adigu arki karto in kugu tahay qalad,
    teeda kale haddii u daadegto DAN ama la yiraahdo arrintaasi shariif waxuu kale jeeday in dantiisu ku fulsho ama kaga fulshe mareykanka & reer galbeeb taasi micnaheeda ma ahan , in uu ku gaarayo dantiisa , waayo mareykanka & reergalbeedka dhibaatadda soomaali heysatto waxaa dhiira galiya iyaga , kama lahan xal nabadeed & in soomaaliya hesho dowladnimo , waxayna jecelyahiin ama siyaasadooda tahay soomaaliya ka jirto colaad joogta awood siman oo kooxba kooxda kale aysan kaga adkaan tusaalle ahaan haddii mucaaraddka tabartiisu tahay 60 dowladdunu waxay la rabaan tabarteed in ay noqoto 59 mana ogolo in koox ka mid kooxaha meesha ku dariraya ay kooxda kale meesha ka saarto si uu sow afjarmo dagaalka waxay wadaan awood balance si colaada soomaaliya u jirto marka mareykanka waa cadowgeena shariif sidaa ha u barto kuwa cabsana ha u ogaadaan , waqti xaadirkaan soomaalida ma joogta waqti la taageero koox waayo wax u roon ummadda ama ka naxaya ayaawa jirin , dalka soomaaliya loogo diriro mucaarad & dowlad yaa mucaarad ah Yaase dowlad ah , oo dalka ka taliso ma waxaan maleynaya taasi jawaabteeda dadka ceelasha biyaha dagan ayaa jawaabtooda ka garanaya oo ay labadda kooxoodba dhibaato kala kulmay ama barakaciyay,
    kulunka nairobi waxuu ahaay dalka dhibaatadda ka jirto loogu sii kordhinaya

  5. MAXAMUUD says:

    ANIGA WAXAAN U ARKAA SIDA WEBKA UU U QORAY FIKIRKIISA WAAYO QOF LASALAAMAY MAXAY MACNA KU FADHIDAA DAD IYO DUUNYABA WAA LA ROGMADEY DADKEENUNA DENBIGA KAWEYN EE LAGALAYO WAXAA KALA WEYN SALAANTA SHARIIF, SHARIIF HESHIISKII BADDA WAAN KAGA SOO HORJEESTEY MANA ARKI KARAYN LAAKIIN TAN SALAANTA HABARTA UMA ARKO WAX WEYN MARKAA YAAN LOO ARKIN WAX WEYN WAA ARIN SHAKHSIYADEED LAAKIIN HALA JOOJIYO DHIIGA DAADANAYA IYO DILKA XOOLAHA XAARAANTA AH EE LAXALAALAYSANYO WABILAAHITOWFIIQ

  6. faarah yare says:

    Anigu waxaan qabaa aalaaba way dhacdaa in madaxda ka socda wadamada Islamka inay gacan qaadaan dumarka ajaanibka ka aha oo siyaasadu isu keentay,balse mid akeentay in shariifku aan u aragno mid ka duwan madaxda kale waxay tahay, isakoo marka hore siyaasada ka soo galay xaga diinta..in wadanka lagu dhaqo shariicda Islamka, maanta waxaa marag ma doonta ah in uu jabiyay qodab ka mida akhlaaqiyaadka qofka Islamka lagu yaqaanay ma ahayn wax laga filayay waxayna lid ku tahay mooqifkiisii hore uu ku dagaalgaliyay dhalin aad u farabadan…
    hadaba waxaan oran lahaa dad ayaa si joogta ah naftooda iyo xoolahooda ugu waaya moqdisho iyo nawaaxigeeda maalin kasta sababtuna ay tahay mabaadii kala duwan ay qabaan qolyaha xukun doonka ah diintana qiil ka dhigta hadaba markii lays barbardhigo arinta ay xamar ku sugan tahay iyo gacan-qaadka,waa ruux cawradiisu muuqato oo aad u sheegtid inuu garbahiisa asturo.

  7. aniga ahaan waxaan khabaa marka hore in la is weeydiiyo waa maxay sababta ka danbeeysa la kulanka mis clinton.waa jawaab fudud,waxaa weeye sabatu waa kaalmo iyo taageero doonis loo doonayo dadkan masaakiinta ah ee soomaaliyeed ee ku baaba,san dunida (gude iyo dibad),marka waa qof mas,uul ah oo matalayo dowlad kale aadna u baahntahay taageeridiisa ilaaha taageero badane.marka aniga ahaan wax weeyn illama aha balse culimada arinkaa ayaga ayaa ka jawaabi kara,waxa laga yeeli karo,ilaan ninkaan shariifnaagtan (clinton)uma uusan sallaamin damac rag ahaneed ee waa dad matalayey labo dowladood.marka suaasha kale ee halmaameen so called media waa mala kulmi karay hal qol naag aan asturneen ,waji ka wajise ma horfariisan karay?

  8. Rashka says:

    haddii uusan in diinta laga saaro kabaqeyn dhabanadana waa ka dhunkan lahaa shariifku.
    waa wax caado u ah hogaamiyaasheena inaysan mabda’ iyo ujeedo xaddidan midna lahayn marka dabcan laga reebo danahooda shakhsigaa,
    waxaa jirtay mar uu ninkaasu naga xaaraaminjiray ragga gaalada ah in lagacan-galiyo dumarkoodu hajoogee.

  9. cumar suufi says:

    asc wrwb

    anigu aqoon diin iyo maadi toonaba malihi laakiinse soomaaliyeey aan alleheena ina abuurtay aanu ka baqnoh. qof walboow ogoow in qiyamaha keligaada lagusoo hor istajinayoh allahii ku aheeysiiyay hortiisa kadibna allaah nabadbaadiyeeh suaalo ay halkaasi kuugu imaan karaan. intaas dabadeed soomaaliyeey nacam waa run in ninka muslimka ahi uu gacan geliyoh naag uu guursan karoh muslim ama gaalba waa xaaran. arrinkaanu waxaan ula jeedaah in ummadeena ay diinta dhab ahaan u qaataan eeysan qof walboow ceebaha dayoowga kale yeeynu raacraacin. haddaba sh shariif xafidahulaah waracaahulaah waa madaxweeyne soomaliyeed ama aaynu diidno ama aynu ogolaanoh. maangabnimadeenii iyo kibirkeenii ina gaarsiiyay inaan dalkeena burburinoh isqaxinoh isliidnoh isku jeejeesnoh intaasoo dhan dadka ilaa hadda kashaqeeyah laleeyahay waa mujaahidiin, runta leeyskuma sheegoh laakiin madaxweeynihii soomaaliyeed sh shariif waaye baalayiri naagbuu salaamay soomaaliyeey alle caqli ina siiyayeh dadkeena sawirka laga qaaday ee websideyada lasoo gelshay waanu aragnayeh qusulka uu quslayoh ma qusul uuku faraxsanyahay misa waa qusul hasocotoh uu alle garanayoh waxa kadambeeyah. anigu diin aqoonteeda malihi laakiin waxaan leeyahay intaanu halaag iyo hoog kaleba alle aanu weeydiisanin aan alle kabarinoh qaatimo suuban iyo alle inuu ceebteeyda iyo taadaba iyo kan muslimiintabah inuu alle noo asturoh.

    waxaana leeyahay madaxweeyne ogoow umad muslim baad meteleysaaye ee alle uga baq

    shacbigana waxaan leeyahay madaxweeynaheena iyo madaxyaasheenaba aan u duceeynoh

    culimada idinku suubanaha ayaad booskiisa joogtaan madaxda runta u sheegah idinkana sabrah

    bye wasalaam

  10. asc waxaan anigu qabaa inaan lagu dhaleecayn madaxweynaha dalka inuu gacan qaado naag ajanabi ah waayo dalak aya hada ku jira xaalad sidaa awgeed isagoo ka raacaya siyasada uu rabo inuu ku hogaamiyo dalka waa muhim inuu salaamo cida ku dhaleecanaysaana waxanu leenahay horta keebay waynin muumin lagu dilo gardarro iyo in naag ajanabi ah lasalamo?

  11. Ahmed says:

    Asc,
    Anigu shaqsiyan wax dhib ah uma arko gacan qaadka Shariifka iyo Mrs. Clinton. Waxaanse qalad u arkaa in mushtamaca Soomaaliyeed la marin habaabiyo oo looga dhigo ficilo yar-yar oo aan wax dhib ah lahan lagana yaabo inay bixiyaan fikrado khalad ah oo xagjira oo dadka aan Muslimka ahayn ka qaadaan Islaamka iyo waliba Somalida ay keenaan. Waxaa ka mid ah arimahaas in lab ama dhadig qof Somali ah diido inuu gacan qaado qof uu shaqo ka dalbanayay isagoo leh culimadii baa xaarantimaysay arinkaas, ama hooyo diido inay gacan qaado takhtarkeeda ama kan ilmaheeda. Camalkoo dhan waa niyada qofkii qof ah jinsi kaduwan u sallaama si uu u muujiyo ixtiraam, kalsooni, is barasho, iwm waa wax aan dhib ku jirin sida Shariifkuba hadda ku dhaqaaqay ee culimadu dadka caamada ah ama seef laboodka ah aduunka xaalkiisana aan warka ka hayn ha u sheegaan khaladkooda.

    Mahadsanidiin – Ahmed