Home » Warar »

Taliyihii Ciidanka Booliiska PL oo xabad u dhintay

Garoowe: Taliyihii Ciidamada Booliiska Puntland Col. Muuse Axmed Saalax oo ku magac dheeraa “Muuse Juquraafi” ayaa Magaalada Garoowe caawa ku dhintay. Dhimashada Sarkaalkan ayaa waxaa kasoo baxaya warar is khilaafasan kadib markuu u dhintay xabad ku dhacay isagoo gurigiisa jooga.

Col. Muuse dhimashadiisa ilaa hada war rasmi ah kama soo bixin maamulka Puntland, marka laga reebo in ay xaqiijiyeen dhimashada Taliyaha.

Dhimishada sarkaalkan ayaa kusoo aadaysa dil maanta Magaalada Gaalkacayo loogu gaystay Wasiirka Warfaafinta “Seefta Banaanka”

Ciidankii waardiyeynayey Taliyaha ayaa qaybta lageeyey si baaritaan loogu sameeyo, sida uu xaqiiyey Godoomiyaha Gobalka Nugaal

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa ah kuwii ugu adkaa ee soomara Maamulka cusub ee Madaxwayne Faroole, intii uu talada Puntland qabtay.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Taliyihii Ciidanka Booliiska PL oo xabad u dhintay "

  1. Raage Yassir says:

    Anigu shakhsi ahaan ma aaminsani wax la yidhaadhdo Puntland iyo Somaliland toona. Waxaan aaminsanahay wax layidhaahdo soomaliweyn. Soomaaliya ha israacdo, Soomaaliya ha xorowdo, Alshabaab Haguulaystaan, Aamiin Insha Allah, Ninkan dhintay haddii uu cibaadada iyo jid Alle uu ku hanuunsanaa Allaha u Naxariisto isaga iyo wixii soomali ah ee hore u dhintayba. Aamiin insha Allah

  2. Raage Yassir says:

    Waxaan tahniyad u dirayaa walaalahayga soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan dunida oo dhan. salaan aad uqiimo iyo sharaf badana waxaan udirayaa walaalahayga sida kartida iyo runta leh u qabta hawshooda wariyonimo waa kuwaa kuwa aan ka hadlayaa? waxaan ka hadlayaa shaqaalaha shabakada wararka ee somalitalk. Allaha caadilka ah ee awooda leh ha idin garab istaago Aamiin, Aamiin insha Allah. Raage Yassir Melbourne, Australia

  3. hadii aan ka dhiibto fikradayda ku aadan arimaha haatan kasoobaxaya dawlad goboleedka puntland waa kuwa lafilayay maadaama puntland aysan haysan ciidan tareerinleh islamarkaasna gudanaya awaamiirtiisa sida xaqa ah marka waxay ilatahay aniga mid aanan ka naxayn aniga oo ah muwadin u dhashay maamul goboleedka puntland waxaan sugayaa anigu in aan arko puntland oo ah maamul loo bogo islamarkaas dadka shacbiga ah ay haystaan waxa yaalaha lagama maarmaan ka ah marka hadda waxan u gu danbaysiinayaah duco aan u ducaynayo kuwa ka shaqaynaya nabd gelayada maamulka puntland state waxaana leeyahay ilaahayaw sidii roon adigaa oge nagu aadi Aamiin Aamiin Aamin

  4. Mustae says:

    Asc, waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhaman eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryooday,marxuun muuse axmed salaax, illah waxaan uga baryayaa in uu geeyo janadiisi fardoowsa, aamiin

  5. X.Maxamoud says:

    ALLAHA U NAXARIISTO MARXUUMKA MARKA HORE TAN LABAAD PUNTLAND WAXEY SAMEYSEY HEES LOOGU MAGAC-DAREY KU DAYO PUNTLAND IYO M/WEYNE FAROOLE SAMEEYEY BAROBOGAAN XAFLAD SANAD GUURO OO AAN HOREY U DHICIN ASAGOO MAGACII IS-MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND KU BADALEY DOWLADDA PUNTLAND MEEL WALBA OO DINIDA KU NOOL-YIHIIN REER PUNTLAND WAXAA LAGA QAADAYE HEESTAAN LOOGU MAGAC DAREY KU DAYO PUNTLAND

    SOOMAALIDA REER KOONFURTA OO WAXAAS OO DAGAAL AFKA AH KU SOCDEY AYAA IS-WEYDIINAYE WAXA LAGAGA DAYANAYO MAAMULKA PUNTLAND OO WANAAG AH AYAGOO KU CAAN BAXAY IN AY KU DAADIYAAN BADAHA DAD SOOMAALIYEED OO LACAGO LOOGA QAATO WAXAA IDIN GEYNEYNAA WADANKA YAMAN IYO RURCAD BAAD-NIMADA.

    LAAKIN MARKII DAMBE AYEEY SOO BAXDEY WAXA LAGAGA DAYANAYO MAAMULKA PUNTLAND KA DIB MARKII BARQO CAD MAGAALADA GAALKACYO LAGU TOOGTEY ALLAHA U NAXARIISTO WAIIR KA MID AH WASIIRADA PUNTLAND IYO TALIYIHII CIIDANKA PUNTLAND OO ASAGOO MEED AH LAGA HELEY GURIGIISA

    MA’AHA IN AAN DIIDANAHAY HORUMAR INEY GAARAAN DADKAA SOOMAALIYEED OO KU NOOL PUNTLAND WAA WADA RAJEYNEYNAA IN DALKEENA OO DHAN NOO DEGO GUUD AHAAN LAAKIN WAXAA XUSID MUDAN XOOGAAGA NABADA OO AAN LA ISKU HALEYN KARIN OO KA JIRTO DEEGAANKA PUNTLAND WAXAA U SUURO GELIYEY WIILASHA KA-HORTAAGAN AL-SHABAAB OO DHIIGA KU DAADINAYO IN AY KU GUULEYSTAAN QABSASHADA

  6. saciid cali yusuf says:

    innaa lilaahi wainaailaahu raajicuun
    aad ayaan ugu xumahay geeririda muuse ku timi waxuu ahaa saaxiibkeey aad qaali u ah.

  7. sahal says:

    waxaan marka hore u tacsiyayna taliyaha ciidanka booliska alla ha naxariisto