Home » Siyaasad »

Aqoontaydii Sayfta Banaanka|Muxyadiin

AQOONTAYDII SEEFTA IYO OORAAHDUU KA RUNSHEEGAY (allaha unaxariisto Warsame Cabdi Shirwac)

WARSAME CABDI SHIRWAC “SEEFTA BANAANKA”

Uma qaadan qalinka wax aan ka aheyn bal in aan qofnimadii Warsame Cabdi Shirwac, “rabbi jannadii haka waraabiyee” inta aan ka bartay idiinku bidhaamiyo halkan, anigoo kasoo bilaabaya dharaartii iigu horeysay arag iyo maqalba, ee ay indhaheygu ku dhaceen asagoo shir jaraa’id hadal ka jeedinaya.

Barqanimo ka mid ah maalmihii 1997-ka, ayaa waxaan gudaha u soo galay Hotel Ghion Addis-Ababa, oo markaa aheyd xarun ay saldhigteen kooxihii Soomaaliyeed ee Shirkii Sodere u yimid Ethiopia, hadii aanan khaldaneyn subaxdaas Warsame CABDI SHIRWAC (AUN) afkiisaa lawada dhowrayay, iyadoo ereyada kasoo burqanayana ay xudun u ahaayeen kusoo biirista uu kusoo biiray shirkii Sodare iyo xarig jarka uu xiriirka ugu goynayay kooxdii Salbalaar ee uu xubinta ka ahaa.

Waxaan anoo qunyar socod ah sal muggii u fariistay kursi aan sidaas uga fogeyn kii Warsame, isagoo dhinaciisa Midig ay jirjirka isku hayeen M/Weynihii Hore Mudane C/llaahi Yusuf, dhiniciisa bidixna uu dhankoolay Safiirkii Ereteraya u fadhiyay Addis-Ababa, halka ay horgabranaayeen koox saxafiyiin ajaanib ah, oo aan ka xasuusto gabadh ka socotay jariidada Al sharq-awsat iyo warbaahinta Ethiopia.

Warsame Bareerihiisii ayuu si hufan ugu shubayay dhegaha warfidiyeenadii usoo shaqo tagay, iyadoo loo wada dhegraaricinayay, aniguse barasho aan ku dheehanayo aragtida iyo oraahda Seefta ayaa maskaxdeydu la laba gudoomeysay, iyadoo bashaashnimada iyo furfurnaanta wajigiisuna igu soo riixeysay in aan ka soo ag dhawaado.

Mudane Axmed Maxamed (Axmed Bide) oo ay saaxiibo hoose ahaayeen, ayaa Goobtii isku kaaya baray Seefta, anagoo fadhigii ugu horeeyayba wada qaadanay Galabtaas, xawaale waran iyo xog is dhaafsi dheer ka dib, ayaan su’aal kula bareeray Warsame, anigoo leh, “hadii aad qiimeysay xaalka, aragtayna waxa yaal Sodare iyo danaha Ethiopia, maxaa kaaga soo baxay?”

Mudane Shirwac asaga oo aan is lureyn ayuu hadalkiisu waxa uu noqday sidan “Waxaa ii muuqday taariikh la mid ah tii labada Cali, in ay soo socoto” kolkaas ayaan hadalkii ku noqday, anoo weydiinaya labada Cali ee uu sheegayo waxa ay yihiin, markaas ayuu ii dooxay nuxurkii hadalkiisa, asagoo I baraya taariikh hore, wuxuna yiri “Labada Cali waa Suldaan Cali Yuusuf iyo Naa’ibkii Cali aw-Faarax, hadana waxa soo socdaa waa Cabdulaahi Yusuf iyo Cabdulaahi Cali Cumar Daad, wax walba oo halkaan ka hirgalana hogaankeeda ka maqnaan mahayaan labadan Mudane”.

Oraahdaas aan ka guntay Warsame Shirwac 1997-kii, miyaysan aheyn tii muuqatay 2004-kii, markii M/weynaha uu noqday C/laahi Yusuf, Taliyaha Ciidamadana uu u dhiibtay Jen:Cabdulaahi Cali Cumar (Libaax sabkataabte).

Warsame wixii maalintaas ka danbeeysay sheeko wadaag ayaan noqonay, isagoo aan isku Hotel daganeyn waayadaas, qisooyinka lagu xasuusan karo ee aan ka hayo Seefta ayaa waxa ka mid ah, mid uu isaga iyo rag yaqaanba iiga sheegeen, oo aheyd in horaantii Siddeetameeyadii lagu xiray Magaalada Burco, isagoo lagu oogayo denbi dawlad diidnimo ah, waxaa loo dhadhiciyay xabsiga guud ee magaalada Burco halkaas oo uu ku xirnaan jiray, iyadoo ay dhici jirtay in maxaabiista lagu shaqeeyo xabsiyada Soomaaliya.

Hadaba subax ayaa koox uu ku jiro Seefta loo qaaday banaanka si loogu soo shaqeeyo, ayagoo soo guraya dhagxaan iyo xaabo, Warsame ayaa bilaabay la sheekeysigii labo askarta ka mid ah, asagoo ka wareystay xaaladooda, waxeyna u sheegeen in markoodii horeba lasoo raafay dadkoodiina war u aheyn,ayna yihiin Reer Bakool, iminkana aysan aqoon halka ay xataa ka jirto, kolkaas ayuu yiri “oo anigaan maxbuuska ah idinkaaba iga darane, anigu dadkeygiina waa iga war hayaan, mudona weeye waxaan halkan ku xirnaandoono, ee nimanyahow aan fursadan kawada faa’iideysano, idinkana idinkoo bad qaba dadkiinii ku noqda ana meeshan aan iskaga baxo, qorshihii ayaa labadii askari la qaateen, ayagoo isku galab kawada baxsaday Xabsigi Burco, lugna ku galay Ethiopia, asagoo ii sheegay in labadii askari markay Hawdka galeen uu jiscinkoodii iyo wiilal daltusba ah ku daray ilaa ay ku laabteen guyahoodii Bakool ee laga soo qafaalay.

Jawaabaha su’aalo aan weydiiyay Marxuumka, ayaa waxa ay yihiin kuwo aan waligay ku xusuusnaandoono Warsame, ayagoo runtiina noqonaya kuwo dhaxalgal ah, oo aan kolay shaqsi ahaan aan anigu ka reebtay Alle u naxariisaygaas.

Galab isla waqtigaas ah,ayaa sheekadu nala durugtay aniga iyo Seefta, iyadoo qadiyada Soomaliweyn, Sodare iyo mushkilada degila ee Soomaaliya, aan qaadaa dhigeynay, ayaa aniga oo mar walba su’aaluhu iga imaanayeen, kulasoo jeestay warankaygii xagiisa, anigoo istusay bal in aan dhinac kale ka doociyo, hadalada sidii durdurka aan kala go’ayn ah iigu soo butaacaya, ayaan waxaan iri “Warsamow maadaama nin Reer CeelCad ah aad tahay, maantana hoos yimaada Kililka Shanaad ee Ethiopia, maxaad siyaasada Ethiopia usoo fiirin weyday?”

Meel dheer iigama uusan raadin hadalle wuxuu yiri “Horta marka hore anigu nin Reer Mudug ah ayaan isku arkaa Ceelcadna waa mudug, marka xiga Ethiopia waa dad 60-million ah, hadii aad wax ku darsatidna, Soomaali waa labo malyan, oo waxba ka keenimeyso, hadii kale oo aad dagaal iclaamisidna Reer Galbeedkii iyo Gaaladoodii ayaa meel u fadhida, Marka anigu siyaasadan hada Soomaali iskala dabawareegeyso ayaan far ku fiiri Is irri, markaasaa gacanni ii gashay, Soomaaliyana waxa horboodaya waa Tuugo, Tuugna ninkii ku qaylsha wax walba ayuu banaanka u dhigaa”

Rabbi baa ogsoonoo malaheyga middaasna been kuma sheegin, Warsame annaga oo aanan kala dhameysan ayaan kasoo baxay Addis-Ababa xiligaas, balse intii ka danbeysay mar walba xaaladiisa idaacadaha ayaan kala socday, illaa maantadan oo aan ku baraarugay daaqada uu baneeyay Warsame Cabdi Shirwac, balse aan filayo in ooraahyo dhaxalgal ah nooga tagay.

Warsame ayaa ahaa ruux furfuran, hadal cad, annigoo orankara waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka fahamsanaa sida ay wax u socdaan Soomaaliya iyo siyaasada madaxyobadanleyda ah ee wadanka taala.

Waxaan siguud uga tacsiyeynayaa geerida Warsame Cabdi Shirwac (AUN) umada Soomaaliyeed iyo Maamulkii Puntland ee uu xilka u hayay, waxaana si gaar ahaaneed tacsi taas la mid ah hawada u marinayaa eheladii iyo Qoyskii uu ka geeriyooday marxuumka anoo Janatul Fardowza Allah uga baryaya.

Muxyadii X Ciid
Alcarab1@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.