Home » alshabaab »

Calanka Madow ee Alshabaab|Bilaal

Calanka Madow ee Alshabaab xaguu kasoo jeedaa, Muxuuse ka turjumayaa?!!

Ilaah baa mahadleh naxariis iyo nabad gelyo nabi muxamed korkiisay ahaatay,

Intaa ka dib, Calanka madaw ee afargeeska ah isla markaasna ay dhexda kaga qorantahay kalmada tawxiidka oo khad cad ahi, waa calan waayadan dambe lagu yaqaano meelaha ay joogaan mujaahidiinta xarakada alshabaab, marka laga hadlayo gudaha Soomalida.

Walaalahayga islaamka ahaw calankaasi wuxuu noqday mid ka mida waxyaalaha ay kuwa kasoo horjeeda alshabaab ay ka dhigtaan wax ay ku dhaleeceeyaan, tusaale ahaan, waxaan mudo hada laga joogo bilo daawaday barnaamijka mubaashar-maca ee ay soo dayso chanelka Aljazeera mubaashar (live), oo ay ku waraysanaysay nin isku sheegay in uu yahay madaxa hay’ad uu ku sheegay hay’ada culimada soomaaliyeed ee qurbaha, kaas oo magiciisa aan kasii xasuusanahay saciid, ninkaasi wuxuu aad u saarnaa xarakada mujaahidiinta alshabaab, waxaana ka mid ahaa hadaladii uu ku naqdinaayay xarakadaas iyo rageedaba: QALBIGOODU WUXUU U MADAWYAHAY SIDA UU CALANKOODU U MADAWYAHAY, isagoo calanka iyo caqliga ragaasba ceebaynaya.

Waxaa ii xigtay taas hadal kasoo yeeray c/raxmaan faarax janaqow 23/07/2009 isaga oo ku sugan wadanka Norway caasimadiisa oslo, waxyaalihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa isaga oo aad u deedafeeyey kuna jeesjeesay caayayna calanka madaw ee ay sitaan alshabaab, isagoo isla markaasna uu horyaalay calanka wadanka Norway oo uu ku suntanyahay saliib weyni, waxyaalihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa in uu yidhi: “Calnkaasi waa calan alqacida u gaar ah”, “Calankii somalida meeshii ay ku arkaanba waa laga siibayaa oo CALAL madaw ayay sudhayaan”, “waa wax (calanka madaw) laga soo minguuriyay wadamo shisheeye”, “Waa wax foolxumo badan”, “Calankaas madaw iyo kayga maxay ku kala duwanyihiin waa labo maro waaye kaygana maxaa sanam ka dhigay kaagana islaam?”.

Umaan lahayn janaqow aqoondheer, waxaanaan bartay uun intii maxkamaduhu wadanka ka talinayeen, laakiin rag aqoon u lihi waxay ii sheegeen in uu ahaa nin sheekha oo dhigi jiray kutubta umuhaatka sunada. Sida bukhaari, muslim, iwm. Mana garanayo sababta uu su’aashaas isku waydiinayo isaga oo kutubtaas dhigi jiray waayo axaadiis badan oo ka hadlaysa calankaas madaw ayaa ku jira kutubta xadiiska ah, cadaynaysana in uu rasuulku calankaas madaw ee kalmada tawxiidku ku qorantahay isticmaali jiray.

Janaqow waxa ay doontaba haka ahaato su’aashaa dambe ee uu is waydiiyay jawaabtana u waayay ayaa bal waxaan isku dayayaa in aan maqaalkan si kooban ugaga jawaabo, si dadka aan aqoona aan ugu cadeyno, dadka caayayana aan u sheegno khatarta ay leedahay arinkaasi.

Hadaba cid kasta, dawlad ha ahaato, ama jabhad ha ahaato ama ururbee waxay leedahay calan astaan u ah oo ka tarjumaya hadba mabaadiida ay ku midaysanyihiin groupkaasi.

Maadaama oo aynu nahay umad muslimiin ah, doonaynana in ay dhidibada u taagno dawlad islaami ah, waa in aynu diraasaynaa dawlada islaamka ah ee aynu doonaynaa waa mid caynkee ah, maxay kaga duwantahay kuwa kale, waxaa kale oo imankara in la iswaydiiyo calankeedu waa noocma. Arimahaas oo dhan waxaa aasaas u ah sunada nabiga iyo quraanka, ijmaaca umada, qiyaaska saxiixa ah.

Sidaynu wada ognahay rasuulku (SCW) wuxuu dhisay dawlad dhamaystiran, hadaba hadii aynu ka shiidaal qaadanayno sunada rasuulka, dawlada aynu rabnaana ay tahay tii rasuulku (SCW) dhisay oo kale, ma lahayd calan u gaar ah oo rasuulku lahaa (SCW).

Jawaabta suaashaasi waa HAA, way lahayd dawlada rasuulku SCW calan u gaara, calankaasi wuxuu ahaa afargees midabkiisu madawyahay, kalmada tawxiidkuna ay dhexda kaga qorantahay iyada oo ku qoran midab cad.

Hadaba si aan u xaqiijino in calanka rasuulku uu caynkaas ahaa waxaa lagama maarmaan ah in aan dib ugu noqono taariikhda dawladii rasuulka, taas oo keensanaysa in aan soo rarno axaadiista ka hadlaysa Calanka ama raayada rasuulku(SCW) siday u eekayd, waxaanaynu ka hadli qodobadan.

Noocii calanka rasuulka

Calankii dawlada rasuulku wuxuu ahaa calan madaw sidaan horeba usoo sheegnay, afargees ah, dhexdana ay kaga qorantahay kalimada tawxiidku. Hadaba si aan u cadayno in uu calanka rasuulku noocaas ahaa ama qaabkaas waxaan soo qaadanay axaadis dhawr ah saxeexna ah oo cadaynaya 1- noocuu ahaa. 2- wixii ku qornaa.

1. Xadiiskii ay soo saareen tirmidi, ibnu maajah, imam axmed, abii daauud ee kujira taariikh alkabiir, sanadkiisuna xasanka uu ahaa, ayaa waxaa laga wariyay baraa binu caasib in uu yidhi “Calanka rasuulku wuxuu ahaa mid madaw oo afargeesa, kana samaysan maro suuf ah”.

2. Mucjamu saqiirka dabaraani waxaa isna ku jira xadiis uu warinaayay jaabir binu c/laah in uu yidhi: “Calanka rasuulku wuxuu ahaa mid madaw”.

3. Xadiiskii uu warinaayay xaaris binu xasaan albakri ee uu yidhi: “Waxaanu aadnay madiina, waxaan aragnay rasuulka oo minbarka saran, iyo bilaal oo taagan hayana seef, markaasaa waxaan arkay calamaan madmadaw, dabadeed waxaan waydiiyay waxa ay yihiin calamaantani, waxaa la iguyidhi waa camar binu caas oo ka yimid dagaal”.

4. Wuxuu bukhaari kusoo saaray taarikhu saqiirka xadiis uu warinaayo anas ibnu maalik oo uu yidhi:

” Rasuulku wuxuu laba jeer madiina ku reebay ibnu ummu maktuum, waxaanaan arkay isaga oo calan madaw sita maalintii qaadisiya”

Maxaa ku qornaa calanka rasuulka.

Waxaa ku qornaa calanka rasuulka sidaan hore usoo sheegnay kalmada tawxiidka waxaana cadaynaya xadiiskan:-

1. Xadiiskii uu wariyay ibnu cabaas ee uu yidhi : “Waxaa ku qornaa calanka rasuulka “laa ilaaha ila laah, muxamadun rasuulu laah.”.
Fiiro-Gaara: Waxaa jiray calan kale oo rasuulku uu lahaa oo uu midabkiisu cadaan yahay kalmada tawxiidka ee ku qorana ay ku qorantahay khad madaw, calankaas waxaa la yidhaahdaa liwaa اللواء waana calan u gaara amiirka ama cidii markaas dagaalka uga socota xaga amiirka, waana calan lagu garto taliska muslimiinta iyo hadba halka uu amiirku joogo, isticmaalkiisuna ma badna ee wuxuu ku koobanyahay uun amiirka iyo daarul khilaafa ama madaxtooyada, hadii uu amiirku meeshaas ka tagana waa laga daba raraa oo looma sii daayo halkiisaa.

Ahmiyada calankii rasuulka.

Calanka rasuulku SCW waxaa uu muslimiinta ku aglahaa ahmiyad aad u saraysa, waxaa inoo cadaynaya ahmiyada uu calanku lahaa iyo qiimihiisa

1. xadiiska ay soo saareen bukhaari iyo muslim: dagaalkii khaybar waxaa hogaaminaayay rasuulka SCW intii aan dagaalka la galin ee diyaar garawga loogu jiray ayaa waxaa uu rasuulku yidhi :

“Barri waxaan calanka u dhiibi doonaa nin ilaahay iyo rasuulkiisa jecel, ilaahay iyo rasuulkiisuna ay jecelyihiin” subixii ayaa wuxuu siiyay rasuulku calankii cali ibnu abii daalib. Waa maalintuu cumar binu khadaab yidhi waligay madaxtinimo ma jeclaan maalintaas mooyaane.

2. Sanadkii 8aad ee hijriyada wuxuu rasuulku scw udiray saxaabigii la odhanjiray xaaris binu cumayr alazdi, amiirkii busra in uu soo islaamo isaga iyo qoomkiisuba, amiirkii busraa wuu diiday dacwadii rasuulka, saxaabigiina wuu dilay, arinkaas waxaa aad uga cadhooday rasuulkii SCW, waxaana uu diyaariyay 3000 oo ciidan, waxaana uu madax uga dhigay sayd ibnu xaarisah, hadii la dilana in jacfar ibnu abii daalib lagu badalo, hadii jacfar la dilana in c/laahi ibnu rawaaxa la wareego, markii uu ciidankii baxay ee la gaadhay shaam waxay muslimiintii arkeen ciidankii ruum oo ah 200,000.

Taas oo ka dhigan in halkii askari ee muslim ahba ay kusoo hagaagayaan wax ku dhaw 70 askari oo gaal o ahi. Muslimiintii dibay u istaageen, waxaana halkaas khudbad ka jeediyay c/lahi ibnu rawaaxa oo ku boorinayo muslimiinta in ay jihaadka galaan laba mid uunaby heli guul ama shahaado iyo shahiidnimee, waxa ilaahay ugu hiilinayaana quwad in aanay ahayn iyo tiro badnaan ee ay tahay imaan iyo islaamnimo, initaas ka bacdi dadkii muslimiinta ahaa niyadoodii baa dhisantay, kalsooni rabaani ahna way qaateen, sidiibaana dagaalkii ku bilaabmay,

waxaana muslimiinta hogaaminaayay sayd ; binu xaarisah oo siday calankii rasuulka, kabacdina wuu shahiiday waxaana calankii dhulka u quudhiwaayay oo qaaday jacfar ibnu abii daalib, dagaalkii wuu sii adkaaday jacfar markaas wuxuu kazoo degay faraskiisii oo uu boqno gooyay si aanuu dib ugu noqon iyo in aanay ka faaiidaysan cadawgu hadii ay qabsadaan oo aanay muslimiinta kula dagaalamin, jacfar waxaa la jaray gacantii midig ee uu calanka ku hayay, waxaana uu ku qabsaday gacantiisii bidix si aanuu u dhicin calanku, hadana waxaa la jaray gacantiisii bidix, ka badci wuxuu ku qabsaday cududihiisa ilaa uu ka shahiiday, ………. Ilaa dhamaadka qisada.

Qisada sababta aynu u soo qaadanay waxaa weeye in aynu ogaano ahmiyada iyo qiimaha ay ku aglahayd saxaabadii rasuulka calankaas madaw, ee manta rag muslimiin isku sheegayaa caayayaan, calal iyo foolxumona af labadii ugu tilmaamay fasubxaanalaahil cadiim.

Magaca calankii rasuulka.

Sida ay rasuulka caadadiisu ahayd waxaa uu magacyo ula bixi jiray waxa uu isticmaalo nolol maalmeedkiisa, sida seeftiisa, daabadiisa, iwm.

Xadiis uu soo saaray dabaraani oo uu warinaayay ibnu cabaas ayaa waxaa uu ahaa “Waxaa dhaqanka rasuulka ka mid ahaa: in uu magacyo ula boxo daabadihiisa(gaadiid), hubkiisa iyo alaabadiisa kaleba, calankiisana waxaa la odhanjiray CUQAAB, seeftuu ku dagaalami jirayna waxa la odhanjiray faqaar, midkalena waxaa la odhanjiray mikhdam ………..”

Cuqaab waa magac uu leeyahay shimbirka shimbiraha u geesisan, waxaana la yidhaahdaa waa shimrika hadii uu duulo, wixii shimbir ah ee duulayaa ay fadhiistaan, waxa uu dulmarayaana ay dhaqaaqa jojiyaan cabsi ay ka qabaan aawadii, ma cuno waxa dhintay, mana cuno wax aanuu isagu ugaadhsan, Culimada luqada carabigu waxay idhaahdaan wuxuu awoodaa in uu ka quraacdo ciraq kana qadeeyo yemen, waxa uu ka qabo awood duulimaad.

Macnaha markaas uu rasuulku SCW ula jeeday magacani waxaa weeye in marka calanka rasuulka kor loo qaado aysan jirin calan kale oo kor loo qaadi karaa, waa magac tilmaamaya cisiga iyo sharafta dawlada muslimka ah. Waa calan aan laga sarayn Karin. Lalana sinmi Karin, waxaan la yaabanahay ninka manta calankaas agdhigaya calan 1960 uu gaal ina siiyay isagoo inagu samirsiinaya, waana yaab nin ku garaacay calankuu dhakada kaaga xidhxidhay in aad kaga faanto kii aad cisada ku lahayd ee rasuulkaagu ku caanka ahaa. Arinta ah in aan isticmaar ka qaadanay madaxbanaanina kolay doodbaan ka qabaa se halkan maaha meeshaan kusoo bandhigayaa, hadii alle idmo markale ayaan ka hadli doonaa in aan run ahaantii madaxbanaani qaadanay 1960 iyo in kale oo la ina haysto wali.

Muxuu xambaarsanyahay calankani?

Maadaama ay dhamaan muslimiintu isku waafaqsanyihiin in kalmada tawxiidku ay tahay ta lagu soo galo islaamnimada ayna jirin cid ka hor imankarta kalmadaas, waxaa uu calanka uu tawxiidku ku qoranyahay muujinayaa in ay dhamaan muslimiintu u simanyihiin cadaan iyo madawba, oo aan wadanka uu ka taaganyahay qof muslim ah lagu sheegi Karin in uu yahay ajanabi, ma aqoonsana calanku xuduud beenaadka, ma aqoonsana kala qoqobnaanta muslimiinta, iyo in koox kastaa ay inyar xayndaabato, oo muslimiinta edegedeg loo kala xidhxidho.

Xukuumadaha isku sheega in ay muslimiin yihiin calankoodana ku qortay kalmada tawxiidka waxaan leenahay, maydaan garan wixii ay idinka rabtay kalmada tawxidka ee aad calanka iskaga qorateen, marhadii muslimka aan ku dhalani uu ajanabi ku yahay dhulkaas, waxba tari mayso kalmad tawxiid oo calan lagu qoraa. Si ay run u noqoto waa in waxa ay idin amrayso oo dhan la qaataa oo ay kow ka tahay isku xukunka shareecada alle swc, islaamka in lasoo dhawaysto gaalkana laga bari noqdo.

Maxay tahay xukunka in calankaan la qaato oo calan laga dhigtaa?

Hadii aan kazoo hadalnay axaadiistaa cadaynaysa in rasuulku uu lahaa calankaas madaw, iyo kaa cad ee u gaarka ahaa amiirka, maxaytahay axkaamta aan ka dheegan karno nusuustaas.

Wuxuu shaybaani siyarka ku yidhi ” Waxaa haboon in calanka amiirku uu ahaado cadaan, calanka kalena uu ahaado madaw, sidaasaanay nusuustu sheegtay, waxaana laga wariyay raashid oo ka wariyay sacad alle haka raali ahaadee in uu yidhi : “Wuxuu ahaa calanka rasuulku SCW madow, calanka hogaankuna wuxuu ahaa cadaan, curwah ibnu zubairna wuxuu yidhi calanka rasuulku wuxuu ahaa mid madaw”

Sidoo kale wuxuu alxaafid ibnu xajar ku yidhi fatxul baariga “Axaadiistaasi waxay inoo cadaynaysaa in ay fiicantahay in calamaan la yeesho marka dagaalka la galayo, liwaagana (calanka cad) waxaa qaadaya amiirka ama cida markaas uu u wakiisho amiirku” 6/155.

Muxuu yahay xukunka ruuxa calankaas caayaa?

Xukunka qofka caaya calankaas aynu kazoo sheekaynay ahmiyada iyo qiimaha uu ugu fadhiyay muslimiinta, waxaynu u daynaynaa culimada rabaaniyiinta ah, laakiin waxaa cad ruuxaasi in uu caayay aflagaadeeyey kuna jeesjeesay suno uu rasuulku ina amray.

Maxay samayn doonaan kuwa raayadii rasuulka wax ka sheegaya maalinka ilaahay la is horkenayo, ee uu soo istaago jacfar ibnu abii daalib oo gacmo la si uu u badbaadiyo in calankaasi uu ciida taabto.

Ilaahayaw maalintaas naga dhig kuwa raayadaas sita, ee hanaga dhigin kuwa calanka somaliyeed sita.

Waxaa si degdeg ah u qoray Walaalkiin Bilaal Hargeisaawi,

Waxaa si degdeg ah u qoray :-
Bilaal Hargeisaawi
bilaal_1985@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Calanka Madow ee Alshabaab|Bilaal "

  1. Moahmed Somali says:

    Asalamu Caleykum

    Calanki Dowladdi Islamiga ahayd ee xiligii rasuulkena Muxammad SCW inuu ahaa Madow kudhex qorantahay Tawxiidka waa wax sunadi nabiga iyo axaadiistiba kusugan.

    Dadka waxaa isaga qaldan in Somalia calankeeda loo daayo kan madowna lawato mana ahan wax usuura gali kara inuu sameyo qof hadafkiisu yahay inuu mideeyo ummadda Islamka meel walba oy dunida ka joogto.

    Ogow calanka madow waxaa isticmaala Al-Qaida iyo ururada la isku yiraahdo Salafiyah Al Jihaadiyah, waxayna ka jiraan qaaradaha aduunkoo dhan wadan kastana way leeyihiin. Adiga markaad fikirto dadkaasoo dhan ma waxaa isu keeni kara calan Somaliyeed oo ka tarjumaya 5ti gumeestuhu Somalia u qeybiyay oo hada 1 ay kasoo hartay?

    Dadkaas muslimiinta ah isma dhahaan ajnabi ayaad tahay ee wexey hoostagaan Raayadan Madow ee Towxiidku uu ku qoranyahay. Al-shabab na waxay qeyb kayihiin halganka iyo kacdoonka Jihaadiga ah ee maanta dunida kasocda si loosoo celiyo Khilaafadii Islaamiga ahayd ee luntay.

    Dadkan meelaha hoose ku meereysanaya waxaan dhihi lahaa shabaab calanka Somalia waxaynan u qaadanaynin ujeedkoodu maahan Somalia inay ku ekaadaan mana rabaan inay qof Laa’ilaaha Ila Lah dhahaya ay ajnabi ku timlaamaan.

    Ilaah halooga boqo waxa lasheegayo, hadii wanaag qof uu raadinayo adigu aadan ku caawin karin ha isku dayin inaad ka hor istaagto hadii kale waxaad noqonaysaa Shaxiix ay dhibayso ajirka uu ninkan dalbanayo iyo diintiisa uu ku adadag yahay.

    Wabilahi Towfiiq

  2. kayse wmbly says:

    dhamantiin waad salamantihiin marka xigta rabigiina idin abuurtay halag baqo.wixii soo jowabay iyo qofkii ugu horeyey waxaan idiin shegaya diinta rabi ayaale. markaa somaliyey waxan waa aduun qofna qof qabri lama galayo.markhatiga benta ah ee aad isku racdeen waa idinka iyo rabigiin'(macnaha alshabaab horta soo barta iyo wuxuu udhiganyahay’sidaa iyo nabadgelyo)

  3. maxed amiin says:

    bismilaahi raxmaani raxiim waxaa cajaaib ah in dadku aanu fahmi karin caqiidada saxdaa ee islaamnimada waxaa yaab ah dadku inay ilaahay uga fogaanayaan nacayb qolo walaalayaal ilaahay s w t ka baqa oo rabigiin ka yaaba walaalayaal qof walbaa ilaahay ayuu hor tagayaa isagoo qaawan oo buurya qab ah mar inaad fogaato adigoo qolo ama qabiil isku riixaayo qabiil haduu wax taraayo waxaa joogsan lahaa dhiigaan iska socda walaalayaal hadaad shabaab nacdaan waa idiin doqonimo waayo waxay doonayaa inaan kitaab alle isku xakuno walaalayaa calan waxuu yahay ma jiraan waa maro kan bluugaana hada waxaa ka wanaag badan madoowga ashahaadadu ku taal oo uu wanaagiisu muuqdo

  4. ciid says:

    ilaaahay ayaa mahad leh subxanahu watacala asaga ayana ka baryeenaa inuu xaqa nagu hagaajiyo walaalkaeen bilaal hargesawi ilaahay ajir iyo xasanaad hakaasiyo sida u faah faahisay waana kaa qadanay insha allaah kuwan allaaah xaqa tusiyo akhii u soo duce inana waan u duceyn insha allaaaah calanka ama raayada madow waa kii nagu soo gaarsiiyay islaanimada waana inaa ku soo dhagnaan ikhwaaani
    barakallaahu fiikun ilaahay xaqa ha idin tusiyo

  5. liibaan says:

    waad mahadsantihiin kabacdina waxaa mahadle alaah aniga waxaa leenahay calnka buluga aha hadaa soomalinahay
    calanka kale manaqaano meesha oo naga soo kale wuxuuna leeyahay ulajeedo argagaxiso fadaln waa uranlahaa dadka deena been kasheegaayo imadana cadaabaya
    ilaah anaga qabto

  6. osman hersi says:

    dalbaan leenahay ..calan-na waan leenahay qurux ilaahey uyeelay saa cirkaaba ilaah u,ekeysiiyaye..iyo xiddig cad oo daruurta midabka uga eg..qaab ahaan-na xiddig ah bal eeg suuratu al-najmi waa xiddig ..bal kaa maan ku qorano towxiidka oo lagu saa,idiyo ..laakiin al-qaa,cida iyo kuwo aan lagaraneyn waxay rabaan oo isu ekeysiiyo qaab muslim ah laakin muslimaka bar,ii ka ah yey ina oran waa calankii nabiga calankan hadda dhibka ka wada soomaaliya ee dadkii lagu laayey dhulkiina lagu bur -burshey dadkiina lagu qaxiyey muslimkiina lagu gaaleysiiyey oo waliba lagu laayey shiikhoow qiil kuuma noqoneyso in aad ku difaacdid calankaas…waayo arinku maanta sunno lagu daydaa majoogto ee diin iska saarid iyo is gaaleysiin iyo fitno aan loo meel dayin baa socota ..culimada waxaa ku waajibay in ay dadka fitnadaa uga digaan ee ma,ahan in fitnada socota la difaaco sunno haddii laraacaayo waa in nabiga looga daydaa wax kastoo wanaagsan laakiin calankii nabigaan soo qaadan markaasaan diintii suubaneyd karaama dilaayaa oo si xun wax u isticmaalayaa oo dhiiga dadkaan xalaaleysan anoo kursi doon ah ..subxaanalaah.. haadaa buhtaanun caziim!

  7. Saaxiib says:

    Walaal wax dhib ah miyaa jira ama dambi laga qaadayo in dawladi ay sameysato calan ama astaan lagu aqoonsado

    Waxaan jeclaan lahaa in aad ka jawaabto hadii calanka Soomaaliyeed la qaato oo astaan wadan laga dhigto, ma dhib, dambi, caay iyo naar miyaa lagu mutaysanayaa mise waa wax ka mid ah waxyaabaha inoo banaan in aanu qaadan ka.

    Tan kale Calanka Madaw waad sharaxday waana ku qancay daliilkaas laakiin miyaan laga fahmayn in calankaas uu ahaato calan marka dagaalka la galayo la qaato, sida madaxtooyadaba u leedahay calan cad

    Maxaa ku jaban hadii calanka dawladana uu noqdo mid buluug ah

    Fiiro gaar ah waxaan rabaa in aan wax dad u faa’iideeyo ana aan faa’iidayso oo kaliya ee iguma jirto cid iska celi sidaas iyo isaf faham wanaagsan

  8. Jamal Ali says:

    Akhi Caziz Asc.wr.wb..jazkl.kheer jazaa sida wanaagsan ee aad u sharaxday..calnkaas madow meesha uu ka yimid….si somalia calan u qaas ah ayey leedahay ee sidaas u daaya…barakallahfikum walaalayaal

  9. Asli Ahmed says:

    Walaal ka qoray maqaalka waxaan xasuusinayaa in iyahdoo la waddaago musilinimada ay hadana dhamaan umadduhu ay leeyihiin Astaan u gaar ah siada Calan iyo tilamaan qaran. hadaba maadaama ayan jir dawlad muslim ah oo dhamaan umadaha muslimka ahi isku raacsan yihiin. maxaa inoo diidaya in aan kusii harsanaano astaanta calankeena blue ah lehna xiddigata cad ee shan geeskaaha.

  10. Barkhad says:

    Bilaal Hargeisaawi,
    Waxad saaxiib la jilbaysantahay Falalka Jihaad ku sheega Somalia khaasatan koonfurta ka socda,
    Nabi Muxamed S.c.w in lagu daydo Alle ayaa na faray, meel ay ku qorantahay lama hayo cida noqonaysa Qaran ama Dawlad Ha qaateen Calan Madaw, Wax ina faraya oo kale majirto oo Aasaasiya oo diiniya,
    Lagayaabaa inaad iska jeclaysatay Mar hadii Film La dhigayo in la iska Qaato Astaanta Raga Godadka Waraabaha Gala ee Afghanistan Jooga sida Wadaada Shabakada Aragagixisada Al-qaacida ee dhibaatada ku ah danaha Muslimka,
    Ilaahay Waxan uga baryaynaa adiga iyo kuwa kula nooca ah ee cudurkan Swan Flue -argagixisoodku soo hayo in rabi ka badbaadiyo kana Caafiyo Hargabkaasi Khatarta ah,

  11. Warsame Warsame says:

    Sidoo kale walaal Bilaal haddii loo dagaallamayo dowlah Islaamiyah oo caalamka oo idil ah, waa sax in la qaato clanka madow, balse haddii loo dagaallamayo Dowlad Soomaaliyeed miyeysan aheyn in la isticmaalo calanka Soomaaliya?
    Sidoo kale haddii loo dagaallamayo Dowlah Islaamiyah, hoggaamiyaheeda waa in la xujeeyaa oo kaliya Islaannimo, marka Alshabab haddii ay guuleysato madaxweynaha dowladdaas ma wuxuu noqon karaa nin Pakistani ah ama Ethiopian ama Afghanistani, ama Sacuudi, ama African American ama Chinese haddiiba ay Muslim yihiin? Fadlan inoo caddey arrinkan adigoo mahadsan.

    Warsame
    Toronto, Canada

  12. Warsame Warsame says:

    Walaal Bilaal,
    Sida aad qoraalkaada ku caddeysay “Qolo waliba ama WADDAN waliba waxa ay leeyihiin calan” Marka ummadda Islaamka haddii ay leeyihiin calan madow, maxaad ku diideysaa in WADDANKA Soomaaliyeed uu lahaado calan?

    Tan kale Alshabab haddii ay u dagaallamayaan caalamul Islaami oo idil, maxey ugu dhexdagaallamayaan ummadda Soomaaliyeed oo kaliya? Ma Soomaaliya ayaa ah meesha kaliya ee u baahan Dowlad Islaami ah mise wax kale oo Islaam ahba ma jiro?

    Soow arrinku ma ahan in ummadda Soomaaliyeed marka hore la badbaadiyo iyadoo loo marayo Soomaalinnimo, kaddibna Islaamnimo? Tan kale Alshabab mey yiraahdaan “Ma jiraan wax la yiraahdo Soomaaliya ee waxaa jira Dowlah Islaamiyah” kaddib waxaan arkeynaa haddii shacabka Soomaaliyeed ay taageeraan arrintaas iyo haddii kale.

    Nabiga SCW reer Makkah wuxuu u yaqaannay reer Makkah, reer Shaamna reer Shaam, marka maxaad ku diiddan tahay in Soomaaliya loo aqoodo Soomaaliya oo calankeeda la aqbalo? Mise calanka Soomaaliya waa gaalnimo mise bidcah?

    Maxaa Alshabaab u diiday in labada calan ay is ag suraan? Maxaad ula soo boodeysaa calanka madow oo towxiidka ku qoran yahay ayaa la diidan yahay? Maad fiirisid in marka hore in kan madoow la dhinac suro kan buluugan kaddibna fiirisid sida loo arko?

    Diinta ma waxey qabtaa in ummad Muslim ah la tirtiro jiritaankooda? Waqtigii asxaabta soow ma aheyn waqtigii qofka last name looga dhigi jiray magaaladii uu ka yimid ama waddankii uu ka yimid amaba qabiilkiisa? Maxaa ku jaban haddii la ayido jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed?

    Waxaan rajeynayaa inaad su’aalaheyga ka soo jawaabtid.

    Mahadsanid

    Warsame

  13. gacamay says:

    scwxwb:
    Hargeysaawi waad mahadsantahay si fiican baad u dhigtay se ogow calanka dawladda sacuudiga kalimad towxiid baa ku taalla iyo geed Timir iyo labo seef,calanka ciraaq dhexda waxaa kaga yaalla Allaahu akbar,kan turkigana dhexda bil baa kaga taal.Calanka madoow ee towxiidku dhexda kaga yaalo haatan adduunka dad baa lagu yaqaanaa marka ceeb iyo caay midna ma ahan in loo tiiriyo qoladaas !!! taas la soco.

  14. Ahmed says:

    Ascwrwb Waxey ila tahay in calanka islaamka xiligas isticmali jiray iyo kan laba kala yahiin haddana calankena waa xaaraam ama waa qalad lama dhihi karo Nabi muxamed csw seddex calan Dagaladi badar iyo uxud iyo xittaa furashadi makkah … dabcan mid muhajirinta ayu u dhibi jiray midna ansaar midna labada ciidan mid jamciya oo oo ay wada ilaashadan ….koley in aywaxyalo badan isku qasan yahin ayay ila tahay oo calankena lagu yara xumeynayo koleyse fikirkeyga gaaban ma qabo aniga taasi calanka madowna wado aan ku qaadano ma jirto aniga shaqsi ahan shabaab waan taageersanahay balse calankan madow ee xukminayan ilama haboono oo dad waliba calan yey leeyahin wallahu aclam Ascwrwb

  15. Somaali says:

    ascwrwb, anigu waxaan qabaa sida qoraaga sheegay calanka madow, cad iyo kelimada towxiidka ku qorantahay. Waa mid waajiba in la sharfo la jeclaado, calanka asalka ah ee muslimiintana isaga yahay. Ciddii si khaldan u isticmaasha, aduunka wax khaldan lama waayo. Ilaahay xaqqa ha ina garansiiyo.