Home » ogaden, Warar »

Barnaamijkii Radio Xoriyo

Barnaamijkii Radio Xoriyo

03 August 2009.

Ciidanka qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo dagaalo ku naafeeyey ciidanka gumaysiga.

Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo jidh-dil,xidhay,kufsi iyo hoob hanti ugaystay dad rayid ah.

Gabadh ay ciidamada gumaysig itooya kufsadeen kadibna dileen.

Shir sanadeedkii jaaliyadda bariga Africa-faraca Nairobi oo guul ku dhamaaday.

Waraysi labo qaybood ah oo aan idiinka hayno ardaydii kasoo baxsatay xabsiga Degmada ee magaalada Jigjiga (Q1aad)
======================
Ciidanka qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo dagaalo ku naafeeyey ciidanka gumaysiga.

Dagaalada iyo weerarada isdaba jooga ah ee ay ciidamada xoreynta Ogadenya ku hayaan saldhigyada iyo xeryaha ciidanka gumaysiga itoobiya ayay kaga soo hoyiyeen guulo ay ku dhaadanayaan shacabka ku nool gudaha ogadenya

Deegaanada Xero Jaarso iyo Baasuuke oo ka wada tirsan gobolka Jarar dagaalo goos goos ah oo ku dhex maray ciidamada xoreynta ogadenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya 24/26-07-09 ayaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 16 wayaane waxaana lagaga dhaawacay11 kale.

Sidoo kale tuulada Mudulka oo ka tirsan Degmada Dhagaxmadoow ee gobolka Jarar dagaal ka dhacay 24-07-09 ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 1 wayaane 4 kalana lagaga dhaawaceen

Ciidamada qalabka sida e xoreynta Ogadenya ayaa 26/27-07-09 weeraro mir ah la kala beegsaday xeryaha ciidamada gumaysiga Itoobiya ee Degmooyinka Sagag iyo Garbo ee gobolka Nogob,Saldhiga Garbo oo aanaan weli faahfaahin ka helin ayay ciidamada gumaysigu markuu waagu baryay isku gadaameen xerada iyo nawaaxigeeda oo dhan si aan loo ogaanin khasaaraha soo gaadhay,halka weerarkii mirta ahaa ee Degmada Sagag lagaga dilay 2 askari 6 kalana lagaga dhaawacay.

Deegaanka Goora-Saydh oo u dhow tuulada Boodh-caano iyo Degmada Dhanaan ee gobolka Shabeelle ayay ciidamada sooma jeestayaasha xoreynta Ogadenya 26-07-09

Saldhiga ciidanka wayaanaha ee degmada Dhanaan ayay markii dambe N/Hurayaashu weerar xoog leh ku qaadeen xiligaas habeenimada ah kadib markay N/Hurayaashu saacado magaalada dhex mushaaxayeen iyagoo sugayay inay ciidamada gumaysigu kasoo baxaan xerada iyo dhufaysyada

Waxaana weerarkaas mirta ah lagaga dilay ciidamada wayaanaha inta la hubo 11 askari.

Tuulada Yucub ee gobolka Doollo ciidanka geesiyiinta ah ee JWXO ayaa weerar hadh-cad ku qaaday saldhiga ciidanka wayaanaha 26-07-09,weerarkaas oo loogu awood sheegtay ciidamada gumaysiga ayaa lagaga dilay 9 askari 11 kalana lagaga dhaawacay.

Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo jidh-dil,xidhay,Kufsi iyo hoob hanti ugaystay dad rayid ah.

Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa 12-07-09 dad aad u badan ku xidhay magaalada Dhagaxbuur dadkaas ayay magacyadooda naga soo gaadheen.

1-Bashir Sheekh Muuse
2- Axmed Xabiib
3- Axmed-Nur Aw Macalin
4- Axmed Nur
5- San kuus Muxumed Geeddi
6- Xaliima Caawis

16-07-09 Degmada Shaygoosh ee gobolka Qoraxay waxay ciidamada cadowgu ku xidheen

1-Maxamed Faarax Muxumed
2- Cali Honof Feetin

24-07-09 Degmada Awaare ee gobolka Jarar, waxay ciidamada dhaqanka xun ee gumaysiga itoobiya ku kufsaden degmadaas Afar gabdhood oo aanaan magacyadooda loo qariyey arimo la xidhiidha xaga amnigooda,hasa yeeshee loo gudbiyey ha,yadaha xuquuqul insaanka ee ay khusayso.

1-Cawo maxamed xasan

2-Nimco maxamuud colaad

3-Ardo maxamed Aaden

4-Farxiya Daahir

26-07-09 Haar Cad oo ka tirsan gobolka Qoraxay waxay ciidamada cadowga itoobiya ku xidheen dad aad u badan oo ay kamid yihiin:

1- Farax Sirad Nur
2- Nur Cabdullahi Farax
3- Siraad Cabdi Nur
4- Cabdullahi Aw Kamas
5- Kaysane Gaas
6- Farax Cabdullahi
7- Cabdi Colaad
8- Muse Cabdisamad
9- Ubax Shariif
10- Fatxi Farax
11- Anisa Farax
12- Farxiya Caadil
13- Mirqaan Cabdiqadir
14- Bishaaro Maxamed
15- Axmed Farax Cisman

26-07-09 Tuulada Isku-dhoonleey ee gobolka Qoraxay ayay ciidamada gumaysiga itoobiya ku kufsadeen kadibna dileen Zahra Cabdullaahi

Ciidamada cadowga Itoobiya ee dilka iyo dhaca loo keenay Ogadenya ayaa 6 ruux ku xasuuqay Degmada Dhagaxmadoow ee gobolka Jarar 26-07-09 Degmada Dhagaxmadoow ee gobolka Jarar, waxayna kala yihiin:

1-Axmed Jamal Shaafici Cabdinuur
2- Cakuule Siyaad Macalim Jaamac
3- Cabdishukri Nuux
4- Cabdi Nur
5- Jawharo Sheikh Cali Yare
6- Cabdi Jaamac

lixdan ruux oo qayb ka ahaa dad badan oo ay xidheen ayay ciidamada cadowgu ugu hanjabeen inta xidhan inay layn doonaan ,waxay sidoo kale ciidamada gumaysigu qori uu lahaa kaga qaateen ceel Afweyne ee gobolka Jarar Axmed Dheere

27-07-09 Tuulada Bakka ee gobolka Jarar, waxay ciidamada gumaysiga itoobiya ku xidh-xidheen :

1- Muxumed Axmed Cabdibarre
2- Cabdicasiis Ibrahim Beddel
3- Muxumed Farax Xassan
12-07-09 Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa ku xidh-xidhay degmada Sagag ee gobolka Nogob dadka kala ah:

1- Xamdiya Khaliif Cali
2- Ardo Xuseen Suul-loow
3- Geeljire Shukri
4- Maxamed Yare
5- Maxamed Cabdi Raage
6- Ibrahim Boolis

Waxayna ciidamada gumaysigu gubeen 14 guri degmadaasi Sagag,halka ay dadka dagandegmada Garbo ee isla gobolkaasi Nogob labo maalmood iyo laba habeen ku hayeen banaanka magaalada,waxayna ugu hanjabeen dadkaas inay laynayaan hadaysan keenin maleeshiyaad laga horgeeyo ciidamada xoreynta Ogadenya.

Magaalada Dhagaxbuur labadii sargaal ee ka tirsanaa sirdoonka wayaanaha ee ciidamada jwxo ay kala dageen baabuurka shacab ee ay ku dhuumanayeen ayaa dartood loo xidhay dad kor u dhaafaya 500 oo ruux dadkan oo loo haysto labadaas sargaal ayaan la ogayn waxa xaalkoodu noqon doono.

Shir sanadeedkii Jaaliyada Bariga Africa-faraca Nairobi oo guul ku dhamaaday.

Jaaliyada Ogadenya ee bariga Africa faraca Nairobi ayaa 01-08-09 isugu timid shir sanadeedkeedii magaalada Nairobi,shirkaas oo ay kasoo qayb galeen dhammaan xubnaha jaaliyada ee Nairobi iyo nawaaxigeeda ayaa lagu dooranayay maamul cusub oo hogaamiya jaaliyada muddo sanad ah.

Maamulkii hore ee jaaliyada ayaa madasha shirka kaga war bixiyey waxqabadkiisii intuu xilka hayay iyo caqabadaha lasoo gudboonaaday,waxaa kalo shirka goob joog ka ahaa qaar kamid ah madaxda JWXO oo ka warbixiyey xaalada halkanka iyo mida dadka iyo dalka Ogadenya.

Radio Xoriyo
03 August 2009
Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.