Home » Idris »

Istanbuul iyo Casharada Siyaasadda Erdogaan Q-3aad|Sh. Maxamed Idris

بسم الله الرحمن الرحيم

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Waxaan jeclahay qormadan inaan kusoo gabagabeeyo faalladii ku saabsanayd Turkiya iyo duruusta siyaasadda Erdogaan, maxaa yeelay maqaalka bog lagu qoraa intaa ka badan ma qaadi karo, laakiin meeshan meel ka duwan inaan ku faahfaahiyo ayaa laga yaabaa inshallaah, waayo waa duruus saan isleeyahay muhiim u ah ummadda oo dhan xagga siyaasadda.

Yuu yahay Recep Tayyib Erdogaan? Maxeyse tahay habka siyaasaddiisa iyo hoggaamintiisu (Political and Leadership Style)? Xisbiga iyo kawaadirtiisa?

Taariikh Nololeedka Erdogaan oo kooban

Recep Tayyib Erdogan wuxuu ku dhashay kuna barbaaray xaafadda Kasimpasha ee magaalada Istanbuul 26 Feb 1954. Xaafaddaas oo dadkeeda lagu yaqaannu Qab iyo xanaaq dhow. Aabihiis wuxuu ahaa askari kamida ilaalada xeebaha sida darted ayaa reerku u guurey magaalada Rize, wuxuuna Istanbul kusoo noqday isagoo 13 jir ah. Erdogan wuxuu wax ku bartay Madaarista Islaamiga ah, wuxuuna ka qalin jebiyey Dugsiga Sare ee Imaam Xaatib oo iskuul diini ( Dugsiga sare ee Imaamyada iyo Khadiibyada) ah, kadibna wuxuu ka qaatay shahaadada maamulka iyo dhaqaalaha Jaamacada Marmara. Wuxuu guursadey Gabadha Aamina Gulbaran la yiraahdo oo kasoo jeeda qoys caraba, wexeyna isu dhaleen 4 caruur ah, 2 wiil oo kala ah Axmed Buraak iyo Necmettin Bilaal, iyo 2 gabdhood oo la kala yiraahdo Israa iyo Sumaya. (Waxaad ka garaneysaa dareenkooda Islaamiga magacyada ay caruurta u bixiyeen).

Erdogaan wuxuu ahaa ciyaartoy kubbadda cagta koox ka mid ah kooxaha Istanbuul, wuxuuna ku biiray dhalinyaranimadiisiiba dhaq dhaqaaqii Islaamiga ahaa ee uu horkacayey Prof. Necmeddin Erbakan, oo ahaa khabiir cilmiga Handasada. Erbakaan wuxuu asaasay Xisbi la yiraahdo (Assalama), kaasoo markii shacbiyaddiisa soo koreysa la arkay la xidhay, dabadeedna wuxuu asaasay xisbi kale oo la yidhaahdo (Rifaah) kazoo ku guulaystay dorashooyinkii dhacay, dabadeedna la wadaagey maamulka xisbigii kale ee cilmaaniga ahaa ee ay hoggaamineysey gabadhii la oran jirey Tanso Chiller, oo ay Erbakaan xukunka ku kaltameen. Dhammaan xilliyadaas Erdogaan wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada sida fir fircoon uga shaqaysa xisbiyadaa uu asaasay Erbakaan, wuxuuna markii dambe u dallacay inuu masuul ka noqdo qaybta Xisbiga (Rifaah) ee Kasimpacha, halkaasoo markii dambana uu kaga guulaystey doorashadii Dawladda Hoose, kadibna uu noqdo Duqqa Magaalada Istanbuul. Intii uu hayey Xilka Duqnimada Magaalada Istanbuul wuxuu ku guulaystey inuu ka safeeyo fasaad badan oo mudda dhex tuurnaa, wuxuuna kusoo biirshey magaalada geedayn, nadaafad iyo qurux. Wuxuu kaloo wax ka bedeley biyaha nadiifka ah ee magaalada laga cabbo, qaadidda qashinka, ballaarinta jidadka iyo arrima kaloo ay u bogeen, dadweynaha ku dhaqan Istanbuul iyo Turkiya guud ahaan, oo ka dhigtay Erdogaan markiiba Siyaasi soo shaac baxay, oo soo jiidasha leh.

Erdogaan oo ay Isha ku haysey Mu’asasada Cilmaaniyadda Gaamurtey ee Turkiya, wexey u arkeen Siyaasi dhallinyaraa oo soo kacaya, si xawli lehna wadada u gooynaya, oo Prof. Erbakan, bedeli kara, kagana duwan, la jaanqaadka duruufaha kala duwan ee uu ku jiro, iyo u dhabar adaygga caqabadaha ka hor imaanaya oo si deggan uu uga gudbo. Isagoo ka khudbaynaya goob maxfal ah, ayuu Erdogaan khudbadiisi xamaasadda lahayd kusoo qaatay, gabay laga dhadhansanayo dareenkiisa Islaamiga ah, kaasoo ahaa:

Masaajiddu waa dhufays yadayada

Qubbaduhuna waa Koofiyadahayaga

Minaaraduhuna waa Warmahayaga

Kuwa tukadaa waa askartayada

Ciidamada Mu’miniintaa ayaa diintayada Ilaalinaya

Erdogan waxaa lagu sheegaa Nin Caadifad kulul, Xamaasad leh, Gabaygaas oo uu curiyey Gabyaa Turkiya oo la yiraahdo : Muxamad Caakif, oo Erdogaan aad u jecelyahay, ayaana dembi looga dhigay in 6 bilood uu xabsi galo, Shaqadii Duqa magaaladana ku waayo, kana soo boxo isagoo sidii hore ka taageerayaal badan. Waxaa kaloo xeer ilaaliyaha Istanbuul ee Cilmaaniyaddu dembi uga dhigay khudbad kale oo uu jeediyey mar la furayey shir uu lahaa xisbiga Rifaah, degmada Cimraaniya, oo ku yiri: (Waxey leeyihiin Cilmaaniyada lama bedeli karo. Waxaanu leenahay waa la bedelayaa marka uu doono shacabiga Turkigu. Ummadda Turkidu waxey u socotaa iney madaxa lasoo kacdo oo kaalinteedi dhabta ahayd qaadato).

Erdogaan iyo Saaxiibadiis, sida Madaxweynaha Turkiga haatan (Cabdalla Gul) oo muddo ka shaqayn jirey Bangiga Islaamka Jeddah wexey isku khilaafeen Sheekhoodii Necmettin Erbakan, Istraatiijiyadda shaqada iyo qaababka lagu gaarayo hadafka ay ka midaysnaayeen oo ah in Turkiya lagu soo celiyo makaankeedi Islaamka. Prof. Erbakan wuxuu arkayey si deg dega oo bareera in lagu gaaro, iyaguna wexey arkayeen (Cilmaaniyadda) 80 Sano xukumeysey Turkiya, iney u baahan tahay in lagu wajoho Siyaasad deggan ama Tawrad Aamusan oo si tartiib ah maalinba xidid loo siibo, sidaas darted wexey gaar u asaasteen xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta, wexeyna ku ururiyeen dhammaan kawaadirtii Islaamiyiinta ahayd ama laydha diintu maalin ag martay, waxeyna degsadeen qorshe dheer oo oodaha qodaxda badan ee turkiya hareeyey mid mid loo kala qaado.

Erdogaan Maamulkiisa ee guul lagu gaaro wuxuu kusoo koobay mar laga waraystay Al Jazeera sadex qodob: 1) Maamulka Dadka 2) Maamulka Maclumadka 3) Maamulka Dhaqaalaha wuxuuna yiri haddii saddexdaa si wanaagsan loo maamulo guula aan caadi ahayn ayaa waqti yar lagu gaarayaa. Wuxuuna ku saleeyey markii la weydiiyey: Sidee musuqmaasuqa gaamuray uga safayseen Istanbuul, uguna guulaysateen hawlaha ballaaran? Wuxuu ku jawaabay: Waxaaney ku xisaabtamin inaanu haysanno quwad waxaas ka weyn oo ah iimaanka iyo akhlaaqda Islaamka oo noo suurta gelisey waajibaadka bulshada inaan si fiican u gudano.

DURUUSTA UGU MUHIIMSAN:

Duruus fara badan ayaa ku sugan Tajrubada Turkiya, Xisbiga Caddaaladda iyo Hoggaanka Erdogaan. Anigoo Akhriyey Muddooyinkii u dambeeyey kutub iyo maraajic aad u fara badan oo ku saabsan arrimahaas, waxaan ku soo koobi karaa qodobada soo socda:

Dersiga 1aad: Ujeedooyinka waaweyn ee la leeyahay laguma gaaro maalin iyo labo, sanad iyo labo wexeyna u baahantahay qorshe tallaabo tallaabo ah oo si hufan loo fuliyo, si xirfad lehna looga shaqeeyo, waana midda uu ku guulaystey Xisbiga Caddaaladda, oo dhinac martay labadii saddexdii xisbi ee ka horreeyey, Salaama, Rifaah iyo Fadiila kuwaasoo iyagoo curdin ah, shacbiguna aanu si fiican u baran oo taageera badan siin, isku dhac iyaga iyo cilmaaniyad ka xoog badan ka shaqeeyey.

Dersiga 2aad : Hoggaanka Siyaasigaa ee guusha hanan kara waxaa lagama maarmaan ah inuu kasban karo Jacaylka Raciyadiisa ama shacabkiisa, xagga shakhsiyadiisa, tilmaamihiisa, shaqadiisa iyo maamulkiisa. Waana midda uu ku guulaystey Recep Tayyib Erdogan, kana dhigtay Siyaasiga shacbiga Turkigu ugu jecelyahay mudda dheerna soo marin taageeradaas oo kale, wexeyna isku waafaqeen inuu ballanta uu qaado inuu kazoo boxo.

Dersiga 3aad: Taagerada Shacbiga waxaa lagu heli karaa adeegyada bulshada oo la xoojiyo, wax barashadooda, caafimaadkooda, shaqooyinkooda iwm. Xisbiga Caddaaladdu wuxuu fahmey Luqada ay fahmi karaan shacbiga Turkigu oo ah adeegyada iyaga noloshooda wax ka bedelaya, taasoo ah mid aan looga baran siyaasiyiinta jagadoonka keliya ah. Wadanka Turkidu waa 81 gobol, 80 ka mida waxaa laga soo doortay dadka matala Xisbiga Caddaaladda. Mana jiro xisbi sidaa shacabka dhexdiisa, iyo wadankoo idil sidaa taageera uga helay. Dakhliga qofka Turkigaana maamulkiisu wuxuu kazoo qaaday 3500$ Sanadkii ilaa 9300 $ Sanadkii, 3 sano gudohood. Waxbarashada meeshey awal miisaaniyadda gadaal uga jiri jirtey Dawladihii hore, wuxuu ka dhigay # 1aad, saddexdii sano u horreysey wuxuu furay 60,000 class oo cusub, dhammaan iskuuladana wuxuu ku xiray shabakada Internetka, Gabdhaha wuxuu u sameeyey Olole gaara oo halku dheggiisu yahay “Inna keen Iskuulka Aadnee” wexeyna dawladd siisay gabadh walba lacag kaalma ah, oo hooyada magaceeda loogaga furo bangiga xisaab gaara, si loo dhiiri geliyo, arday kasta oo jaamacad doonayana in kaalmo la siiyo, dhammaan dadka faqiirka ahna Dawladdu iney kaalmo lacageed iyo (kaarar) u cuntada ku qaato siiso, sidaas darted ayuu Xisbiga Erdogaan iyo hogaankiisu ugu dhacay (Wadnaha) qof kasta oo Turkiya waayo guri kasta ayaa wax qabadka laga dareemay.

Dersiga 4aad: Hoggaanka Qiimaha shcabkiisa u lihi waa inuu Ilaaliyo himilooyinka dadkiisa, lana socdo dareenkooda iyo caadifadooda. Hadaladiisa iyo khudbadihiisa waa inuu kusoo jiidan karo mawaaqiftiisa kal gacalka shacabkiisa. Erdogaan waa Siyaasi si wanaagsan arrintaas xariif ugu ah, wexeyna badanaa uga dhacdaa si dabci ah, waayo waa siyaasi geesinima leh, hadalkiisu cadyahay, caadifa Islaamiya oo siyaasadda kala weyn leh:

Khudbaddii lagu xiray wexey ahayd gabay qiiro leh.

Markii sawirada Kartoonka lagu caayey Nebiga Calayhi Salaatu wasalaam hadala kulul ayuu ka yidhi, inaan raali gelin afkaa ku filnayn.

Markii Yurubtu go’aansatay in Raisul wasaaraha Denmark laga dhigo Madaxa Xilfiga Nato, Erdogaan waa diidey, ilaa shuruudo iyo baryo lagu qanciyo, wuxuuna rabey Mawqifka inuu muujiyo.

Markii Madaxweynaha Yuhuuda Peres Dafus uu benta ka sheegayna hadalla kulul ayuu ugu jawaabay, hadalka markii laga gooyeyna waa kii isaga kacay meesha, taasoo shacbiyad weyn usoo jiidey.

Barlamaankiisa markuu ka khudbaynayey, ee Gaza la garaacayey, wuxuu yiri: Anagu waxaanu ahayn kuwii yuhuudda Markey cararka ahayeen soo dhoweyey, markii la gumaadayeyna gabbaadka siiyey, taariikhda Muslimiinta ayuu ka waramayey, markaan hadlakaas leeyahayna maaha qof caadiya, ee waxaan ahayn nin ku hadlaaya magaca dad kazoo jeeda Dawlad adduunka xukumeysey waqti dheer!

Arrimahaas oo dhan iyo kuwa kaloo aad u fara badan waxaa dadku ka dhadhansadaan Siyaasi wadadiisu caddahay, caadifadiisuna la shaqayneyso hadba (xaaladda cimilada) ee wadciga dadkiisa. Taas ayaa ka keentay qoraa caraba, oo kiristaana, oo caan uga ah adduunka carabta, lana yidhaahdo Jihaad Al Khazin, ee wax ku qora Joornaalka Al Hayat, inuu daqiiqado ka dib, markuu Erdogaan Dafus ka kacay, televisionka Turkiga ku yiraahdo wareysi uu siiyey ( Haddaan ahay muwaadin caraba waxaan ku faanayaa hogaanka Erdogaan, waxaanan rajaynayaa iney dib noo xukunto Dawladdii Cismaaniyada oo uu hoggaaminayo Erdogan, diyaarna waxaan u ahay inaan Beyca kula galo). Dareenkaas iyo Geesinimadaas (Mawqifka) ahayd ee Erdogaan uu Daafus ka muujiyey, sideynu taariikhdiisa ku aragnay maaha mid ku cusub, ee horay ayuu ugu waayey (gabay) uu meel ka akhriyey, Kursigiisi Duqa Istanbuul iyo Madaxnimadii Xisbiga. Mana uusan ka biqin, Dafus inuu ku waayo jagada Raaiisul Wasaare, sida ay ku andacoodaan kuwa aan ilaalin aqoon dareenka shacabkooda ama umadooda, ee ilaasha dareenka dadka jagooyinka u dhiibtey keliya, dabadeedna raba in dadku jeclaadaan ama taageeraan.!!

Dersiga 5aad: Hoggaamiyuhu ma’aha inuu wax walba yaqaan, laakiin waxaa muhiima siduu dadka ugu shaqaysto. Erdogaan, Tacliintiisu heer jaamacad ma dhaafin, yacni Master iyo phD ma samayn, Luqad aan Turkiga ahaynna ma yaqaan. Laakiin wuxuu taas kaga Gudbey inuu hareeraha iska dhigay ilaa maalintuu Duqa Istanbuul ahaa Ciidan dhan oo wada aqoon yahan iyo khubaro ah, oo darajaadka cilmiga heerka ugu sareeya ka gaarey, waaya aragnima dheerna u leh shaqooyinka kala duwan, sida maamulka, dhaqaalaha, sharciyada, dhismaha iyo technologiyada iwm. 80% Wasiirada iyo ku xigeenadooda iyo Mareeyayasha Hay’adaha Muhiimka waa rag wata shahaadooyinka ugu sareeya sida phD kuna takhasusay waxa ay ka shaqeeyaan, ama ka soo shaqeeyey Hay’adaha adduunka ugu waaweyn sida UNka iyo Bangiga Adduunka iyo IMF iyo EUda iyo kuwa la mida, ama siyaasiyiin ku xeel dheer qaabka loo maareeyo dagaalka siyaasadda, iyo (Tawradda Aamusan) ee Turkiya ka socota.

Tusaale ahaan, Wasiirka arrimaha Dibadda Prof. Axmed Dawood oglu (Oglu luqada turkiga waa ibn – marka wuxuu noqonayaa Axmed bin Daauud 1959), waa Professor ku Takhasusay (Master iyo phD) cilmiga siyaasadda, Maamulka guud (Dawladeed), Safiir, wuxuuna qoray kutub badan oo qaarkood marjic siyaasadda iyo aragtida ku tahay sida buuggiisa (Strategic Depth) wuxuuna ahaa lataliyah erdogan waxaana loo tiirsha inuu shaxda siyaasadda dibadda ninka gadaal ka maamulayey muddo ahaa, waxaa kaloo lagu tiriyaa ragga Cusmaaniyiinta ah, oo xiriir xoog leh inuu Muslimiinta la galo arka.Maalin dhow mar uu joogey Greega wuxuu booqday xabaalo Muslimiintii ku dhimatay zamankii cismaaniyiinta dagaaladii lala galay Greega, taasoo noqotay middii ugu horreysey 70 sano ee lasoo dhaafay, ninna kuma dhiiran.

Ali Babacan Wuxuu noqday wasiirka arrimaha dibadda haddana waxaa laga dhigay ku xigeen PM masuulna ka ah isku dubbaridka arrimaha dhaqaalaha, horayna wuxu u ahaan jirey wasiir dhaqaale, waa Master (Industrial Eng.) iyo maamulka dhaqaalaha, wuxuu kazoo shaqeeyey shirkad weyn (Maraykanka) la talisa hoggaamiyayaasha shirkadaha waaweyn, wuxuuna ka dhashay qoys dhaqaale leh.

Prof. Nazim Erken, ku xigeen Erdogaan, waa prof. ku takhasusay bangiyada iyo dhaqaalaha adduunka.

Hayati Yazici, kuxigeen PM, waa Lawyer, kazoo shaqeeyey qaallinimo, dabadeed Lawyer madaxbannaan, muddana Erdogaan Lawyer u ahaa, wuxuuna hadda si gaar ah masuul uga yahay, xiriirka Dawladda iyo Barlamaanka.

Mehmet Simsek (Mehmet ayey ugu dhawaqan Muxammad) (1967)wasiirka maaliyadda wuxuu haystaa Master dhaqaalaha iyo Siyaasadda, wuxuu madax ka ahaan jirey qaybta cilmi barista arrimaha dhaqaale ee shirkadda weyn ee caalamigaa ee la yiraahdo Merril Lynch.

Bulent Arinc, afhayeenka Barlamaanka, waa Lawyer, waxaa lagu sheegaa nin cod kara, wuxuuna ka mid ahaan jirey xisbiyadii Rifah iyo Fadilah, waana asaasayaasha xisbiga caddaaladda, waa ninka mar uu Mosko booqday, oo la geeyey qabrigii Lenin, warbaahinta ku yiri (Waa arrin fiican inaad aragto Lenin oo baqtiyey). Markuu ka baqay in arrinkaasu dabayl siyaasad kiciyana wuxuu ku daray isagoo qoslaya: idinku waxaan jeclahay lama mid tihiin saxaafadda turkiya oo arrima yar buun buunisa!

Intaas waa tusaale, laakiin hoggaaminta Erdogaan waxaa ka mida inuu urursaday dad wax tar ah oo aqoon iyo waaya aragnimo u leh arrimaaha ay ka shaqaynayaan, xorriyadna u siiyey iney curiyaan fikrada wax tar u leh dadka turkida, taasaana keentay maal gelinta shisheeye ee Turkiya, 79 sano inaaney dhaafin isku darkeeda 36 bilyan oo dollar, halka sanadkii 2007 qura ay gaadhey 114 bilyan oo doolar.

Erdogaan isku kalsoonidiisa ayaa siisay inaanu dhib u arag iney ka hoos shaqeeyaan rag isaga ka shahaadooyin culus, ka aqoon badan, luqadaha ka yaqaan, waaya aragnimo ka badan. Meesha hoggaamiyayaal ay ku hoogeen dadkooda iyo dalalkoodu aanay u dul qaadan Karin nin iyaga hadal kula dhiirran kara, ama ay is leeyihiin waa kaa caqli badan yahay, dabadeedna ay urursadaan hal dhaclaha aqoon yahanka iyo kuwa ugu liita oo meel ay shaqa ka helaan waayey, dabadeedna ay isla dumaan.

Duruus badan ayaa ugu sugan Turkiya iyo Xisbiga Caddaaladda iyo Hoggaaminta Erdogaan cidii duruus u baahan ama iney Ummada kale wax ka faaiidaysato jecel. Dadka Doonaya iney Ummad hoggaamiyaan waa iney qiimayn iyo qaddarin weyn siiyaan caqliga, caadifadda, maslaxadda iyo dareenka Ummaddaas. Waa in Ummaddaas dhibkeedu kala weynyahay wax kasta oo ay iyagu shakhsi ahaan ku waayaan.

Ummaduhu ma qaddariyaan, jacayl iyo taageerana ma siiyaan, kuwa Ummadda ay rabaan iney hoggaamiyaan dhiiggeeda ku raaxaysta, oohinteeda iyo ciilkeeda ku gama’a, dhaawaceeda iyo dhimashadeeda, gaajadeeda iyo murugteeduna aaney waxba la ahayn, ee ay u muhiimsantahay keliya iney iyagu jaga ku fadhiyaan.

Maalintii Xisbiga Caddaaladda Turkiya Mucaaradku ka carqaladeeyey, in Erdogaan Saaxiibkiis Cabdalla Gul Madaxweyne loo magacaabo, wuxuu Erdogaan dalbay in shacabka doorasha hor leh loo bandhigo si uu u kala xukumo, wuxuu meel fagaaraa ka yiri : (( Haddii Xisbiga Caddaaladdu doorashada Booska labaad galo waan ka degayaa Jagada!) wexey ahayd taxaddi uu ku sameeynayey qolada kazoo horjeedda oo uu lahaa cid idin taageersani wey yartahay. Waxaa ilaahay qaddarey inuu Xisbiga Caddaaladdu si aan labo isku qabsan ula wareegay jagooyinkii Dawladda ugu sarreeyey oo dhan, Madaxweyne, Raisulwasaare iyo Raiisul Barlamaan, iyo Wasiirada Dawladda oo dhan, Madaxweynuhu arrimihii ugu horreeyey ee uu saxiixay waxaa ka mid ahayd 21 Rector (Madaxda Jaamacadaha) Dawladda oo la kala beddeley, waana is beddelada xididada ah oo uu xisbiga Caddaaladdu ku wadu Turkiya, Qof kasta oo booqda Turkiyana uu dareemi karo.

Waxaan ku gabagabeeyey hadal uu yiri muwaadin Turkiya oo kumanyaal dada ka dhex qaylinayey markii Erdogan sida Faatixiinta loogu soo dhoweeyey Istanbuul, isku dhacii Erdogaan iyo Peres ee Davos ka dib, ninkaasoo ku qayshey: (( Waxaad soo noolaysay ninkii xoogga weynaa ee 100 sano hurdey)).

Istanbuul iyo Casharada Siyaasadda Erdogaan! Qaybta: 1-aad | 2-aad | 3-aad

Maqaalladii hore ee Sheikh Maxamed Idris   akhri…….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Istanbuul iyo Casharada Siyaasadda Erdogaan Q-3aad|Sh. Maxamed Idris "

  1. Cabdirisaaq says:

    walaal Sh Maxamed Idiris waa ku mahadsanyahay qoraaladiisa dhaxal galka ah ee uu mar walba soomaalida usoo gudbiyo, waxaan sh Muxamed Idiris kula talinayaa in uu wadanka yimaado oo fikradda u badalo ficil oo uu isku dayo in sidii uu uga qaybqaadan lahaa isbadal ka dhaca wadanka oo aan anigu isleeyahay wuxuu u baahanyahay shakhsi sh muxamad oo kale ah, Allaah waxaan ka baryayaa in soomaliya usoo saaro dadkii sabab u noqon lahaa in soomaliya dhibkaan ka baxdo.

  2. Mohamed Ali says:

    asc
    sheekh inkastoo aan maqaalkaaga hada arkay oo akhriyey,
    hadana waxan jeclaystay in aan wax ka idhaahdo sida aan u arkay maqaalkaaga.
    sheekh Alle qayr ha ku siiyee aad ayaan ula dhacay intaan ku dhexjiray akhriskana waxa igu soo dhacday tolow shiikh shariif ma yeeli karaa maxamed idris iyo raga lamidka ah in uu la tashado oo weliba waxay kula taliyaan nin yeeli kara ma yahay haduu yeelana ku dhaqmi kara.
    mise waa nin sanaawi iyo afada kilitoon kala toosan tahy talada walaaladiisa dhabta ah ee soomaaliyeed sheekh waxan kugu dhiiri galinayaa in aad siiwado siyaasada tiinta ku dhisan ee dowlad islaami ah keeni karta waayo raqba waa ku raqdeed oo kolayba wuu soo bixi nin noqon kara ordigaan.

  3. c.casiis says:

    asc shiikh maxamed idiris aad ayaad ugu mahdsantahay tariikhda joogta ee ad nooga soo tabisay dalka an walalhanahay ee turkiga iyo xisibaga talada haya iyo walalken dayib erdigan oo sida ad noo qeexday ah nin karmeed siyaasi daacad u ah shaqadisa iyo dadkisa iyo dalkisaba wax kalo iyana xusid mudan ujeedad qoraalkaga oo ah mid ubahan fahan dheerad ah yacni anigu waxan u arka in qoralakani muhiim uyahay dadka hoganaka somalida sheegta inkasto aan anigu rajo ka qabin in ay isbedelikaraan kuwaasi

  4. mahamed abdulahi abdi says:

    aad ayaa kugu mahad naqayaa shiikh sida wacan aand nagu faah faahisay tarikh turkiga iyo hogaan ka cusub oo islamiga ah oo maanta turki kuraxesaneyso; shiikh waxaan dhihi lahaa arintaa oo kale dadlkeena hooyo ilaah hanoo soo saro ninka oo kale waxaana wanaag sanaan laheed in aad adiga nahor kacdo dhali yaro badan aad isku xirtid ayaa ku dhihi lahaa sidaa aan dalka wanaag ugu hor kacno

  5. Hassan Ali Othman says:

    A/c
    Aad baan uga mahadcelinya sheekha. Runtii waxa ugu sugan taariikhdan ku dayasho, guud ahaan ummadda muslimka ah ,khaas ahaan umadda Somaalida. Waxa fiicnaan lahayd inuu sheekho noo horkaco abuurista hanaankaa, si ummadda loo badbaadiyo.

  6. saalim says:

    A.S.C. WALAL SHEKHA WA UU KUMAHADSANYAHAY TAARIKHDA UUSOQORAY LAAKIINSE SIYAASIGA UU KATAARIIKH QORAY SHEKHA MADHIHIKARO WAA SIYAASI ISLAAMKA UGARAABO SIYAASIGA MAANTA LADHIHIKARO WAA SIYAASI ISLAMKA JECEL WAA MIDKA ISLAAMKA KUDHIIRIGALIYO INAY LAJIHAADAAN GAALADA, ERDOGAN DOWLADIISA AWOOD WAYLEEDAHAY ISLAM AY CAAWISANO LAMA ARAG

  7. A/C JAZAAKALAHU KHAYR aadbaan uuga helay qoraalkaa waxaase markhaati madoonto ah hadalka aad sheegtay oo ahaa NINKII XIL QABTA WAXUU ISKU WAREEJIYAA DAD AAN EHEL U AHAYN KII KA CILMI BADNAANA MEEL BUU CAY LA FADHIISTAA waa waxa soomali haysata aadbaad u mahad santahay SHIIKH IDIRIS

  8. Cabass Cali says:

    A/C

    Shiikha khayr Allaha siiyo. Taariikhda iyo Duruusta maqaalka ku qoran waxaa noogu sugan labo arimood: 1. In caalamka islaamka ay rag usoo kaceen oo ah wax lagu farxo, 2. iyo in ay is ogaadaan kuwa maanta shucuubta muslimiinta xooga digtatorshipka ku haysta uu waqtigoodii gabogabo yahay. Mar labaad Shiikha ajar Allaha ka siiyo dhiira galintiisa wanaagsan

  9. c/fatax dhere says:

    s/c sheqa waa ku mahadsanyahay taariikhda uu noo iftiimiyay ajar iyo xasanaad alaha ka siiyo oo misanka xasanaadka u saaro anagana kuwa ku cibra qaato naga dhigo s/c