Home » Caawi, Directory »

Marka – Gabar yar oo gargaar degdeg ah u baahan

Walaalka Muslimka ahoo u gar gaar gabadhaan yar ee ku xanuunsanaysa Magaalada Marka

Gabar aad u da’a yar oo lau magacaabo Qadra Sheeq Cabdirasaaq ayaa ku xanuunsanaysa maaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose, iyadoo gabadhaan uu xanuunka ka hayo uu soo gaaray xiligii gabadhaasi ay Hooyadeed dhalaysay oo markaasi aan si wanaagsan looga goyn Xudunta

Hooyada dhashay gabadhaan yar oo lagu magacaabo Samsam Axmed Xasan ayaa sheegtay in gabadhaasi qaliinka lagu sameeyay uusan waxba ka terin, waxayna sheegtay inay ka wal walsan tahay xanuunka haya Gabadheeda.

“Waxaan ganacsatada, Jaaliyadaha Dibadda iyo qof kasta oo Alle wax siiyay ka codsanaayaa inuu soo gar gaaro gabadhaan yar, si aan gabadhaasi ugu helo taqtar dibadda wax uga qabta, maadaama dalka wax looga qaban waayay” ayay tiri Marwo Samsam Axmed Xasan.

Gabadhaan yar ayaa xanuunka ka haya Xudunta waxa uu isku badalay Mid ay ku taalo Burro wayn, sida ka muuqata Sawirka aan ka soo qaadnay gabadhaasi yar oo aad u xanuunsanaysa, culays iyo dhibaatana ku ah Xanuunka haya.

Hadaba gabadhaan oo ku nool magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose ayaa qof kasta oo doonaysa inay wax tarto ama gar gaar u fidiso ay kala xiriiri kartaa taleefanadaan oo aad ka heli kartaan Hooyadeed oo lagu magacaabo Samsam Axmed Xasan ama Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe) Tel: 5529135 ama 471052 ama 5573321

jiif

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.