Home » Warar »

Kaalmo lacageed ee Gabdhaha jaaliyada jarmalka

Gabdhaha jaaliyada jarmalka oo kaalmo Lacageed gaareysa $1000 soo geersiiyey barakacayaasha cusub ee martida u ah kuwii hore guryahooda uga cararay .

Sawirada Halkan ka daawo (GUJI)

Qaar ka mid ah gabdhaha jaaliyada jarmalka gaar ahaan magaalada bayer Munich ayaan soo garsiiyey barakacayaasha cusub eek u sugan inta u dhaxayso Muqdisho iyo afgooye gabdhahaas oo mar walba u taagan kaalmaynta dadka dhibaataysan ee u badan haween iyo cvaruur qaar kood agoomo ah waxaana laga dareemayaa saamaynta ku yeesheen dagaalada muda 20 sano ah ka taagan dalka Somaliya

Xeryaha deeqda la geyey ayaa badankooda waxaa ku jiray haween iyo caruur yar yar waxayna ku sheekeysdanayeen in aysan garaneyn sida loo dhiso buurka ka sameysan maryo iyoulo la isku xiray halka qaaekoodna lacago loogu dhisayey hawaase jira ku ku dul nool reer iaygu horey u dhistay bush aan calin Karin dabeysha biyaha qoraxda waana meel ay noloshu cariiri ku tahay .

Haweenka qaarkod ayaa geedaha hoostooda iska fadhiyey mana ajirto cid u maqan oo ay sugayaan sida ay ii sheegeen sidoo kale malaha wax shaqo ah ay heystaan mana jirto meel ay wax ka so galaan .

Kaalmadaan lacaged oo garaysay kun doolar ( 1000) ayaa waxaa la soo marsiyey Marwo caasha cusman Ugaas (shaacuur ) oo iyadu suurta galisay deqdaan in la gaarsiiyo dadka guryahoodii dagaaladaan danbe uga barakacay ee ku sugan xeryaha ku teedsan wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye

Dadkii deeqda la gaarsiiyey qaar ka mid ah ayaaiskuugu daray mahad celin iyo duco balaaran una soo jeediyey gabdhaha somaliyeed eek u dahqan dalka jarmani iyo dhamaan walaalaheeda somaliyed ee kaalamadan soo gaadhsiiyey

Gabdhaha kaalmadaan bixiyey ee muxsiniinta ah waxay isu taageen in ay kaalmeeyaan shacabka somaliyeed ee dagaalada dhibaatadu ka soo gartay ee u baahan waxayna ka hawl galaan meel kasto oo umada somaliyeed ay ku nooshahay iyagoo ka faaiidaysanaya fursada qaaliga iyo aqoonta ilaahaw uu siiyay u kaalmaynta walaalahooda somaliyeed

Caasha cusmaan ugaas ayaa saxaafada u shegtay in maanta deeq lacageed ay garsiisay qaar ka mid ah xeryaha lagu barakacay si loogu caawiyo dadka guryahoodii isaga cararay ee ku dhibaataysan .inta u dhaxayso Muqdisho iyo Afgooye .

Gabdhaha reer jarmal allaha ka ajir siiyo abaalka iyo waxtarka uu geysatay, dadka guryahodii ka caraya mana ahan deeqdii ugu horeysay oo wax kheryi ah ku bixiyay balse hore ayey deeqo sidaan oo kale ah usoo direen umada somaliyeed oo gacan ka geysteen walaalaha kalena waxaan ugu baaqayaa inay lasoo saftaan gabdhahaan oo gacan naxariisi ku dheehan tahay soo fidiyaan” ayey tiri Caasha cusman ugaas ( caasha shaacuur ) oo ka hadlasay munaasibadii kaalmadaan lagu gudoonsiinayey barakacayaashaan cusub .

Iyada oo hadal l kooban uu halkaasi ka jeedisay ayey ugu mahad celiyay walaalaha maanta lacagtaasi soo diray taasoo ay ku sheegtay inay wax weyn u tarayso shacabkaan daalan

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.