Home » hingaadsaxe »

Hingaad-saxaha afka-Soomaaliga|Maxamed Mursal

Hingaad-saxaha afka-Soomaaliga (Somali spell checker)Hingaad-saxahii ugu horeeyay ee afka-Soomaaliga oo la soo bandhigay

Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhammaan mujtamaca qora afka-Soomaaliga ugu bishaareyneynaa in uu soo baxay hingaad-saxahii (Spell checker) ugu horeeyay ee afka-Soomaaliga. Hingaad-saxahaas oo lagu isticmaalikaro barnaamijyada kumbuyuutarada sida, OpenOffice iyo Mozilla (sida Firefox). Labada barnaamij iyo hingaad-saxahaba waa barnaamijyo ay xuquuqdooda fasaxantahay (Open Source, Copyright free). Barnaamijyada ay xuquuqdooda fasaxantahay waxaa isticmaalikaro qof walba, mana loo baahna in la bixiyo wax lacag ah.

Hordhac

Waxaa hubaal ah in qofwalba oo afka Soomaaliga wax ku qoro uu la’kulmo xaalad uu kumbuyuutarka yiraahda magacaaga/magacaada ma’saxsana ee makuu saxaa Fiiri sawirka 1aad. Sababta ugu wacana waxaytahay in kumbuyuuutarka uusan aqoonin afka aad wax ku qoreysid (waxaa ka maqan liiska erayadaada). Si baahidaas looga baxo loona helo xal wax ka tara horumarnti afka soomaaliga waxaa lagama maarmaan ah in afkeena loo helo hingaad-saxe. Waana arrinta igu dhalisay in aan bilaabo mashruucan.

Sawir 1: Tusaale erayo af-Soomaali ah oo uusan kumbuyuutarka aqoonin.Mashruuca hingaad-saxaha wuxuu bilaawaday bishii Juun ee sankii 2007:da, wuxuuna ahaa mid howshiisa lagu qabtay hab tabarucaad ah. Waxaa mashruuca gacan ka geystay Borofeysar Kevin P. Scannell (Saint Louis University) oo ku nool dalka Mareykanka. Kaalmada uu ka geystay Bor. Kevin Scannel waxay ku timid markii aan ka war helay in aan aniga iyo asagaba wada qabnay hammi ah in aan u sameyno hingaad-saxe afafka aan ugu hadlo sida afkeena hooyo. Kevin wuxuu asalkiisa ka soo jeedaa dalka Irland, afkiisa hooyane waa Gaeilge (Irish language), anigana sida uu qof walba u qiyaasankaro wuxuu noqday afka-Soomaaliga (Af maxaatiri). Waxaa jirta in laba luqaddood ama afood ee aan kor ku soo xusnay aysan ahayn afafka adduunka ugu caansan, ayna yihiin afaf aanan in badan ka muuqannin masraxyada qoraalka. Waxaana afkeena (Soomaaliga) u raacay da’ yari iyo horumar la’aan ay sii fogeysay burburka dalka ku dhacay. Waxaa jirta in aniga iyo Kevin uusan midkeena ahayn aqoonyahan afeed, ee aan ku taqasusnay cilmiga kumbuyuutarada. Waxaana rabaa in maqaalkaan uu noqdo mid  aqoonyahanada Soomaaliyeed ku dhiirageliya, sidii ay ugu faa’ideynlahaayeen ummaddooda baahida u qabta aqoontooda.Habka loo fuliyey
Mashuuca wuxuu ka bilaawdey markii aan islameeldhignay aniga iyo Kevin in dhowr kun oo eray oo afka-Soomaaliga ah loogu gudbiyo barnaamij-kubuyuutareed (Corpus), si uu tixraac ugu sameeyo bogagga Internetka ee laga helo erayada loo dhiibay. Waxaa ku xigay in si fayllal ahaan ah loo soo dejiyo bogaggaas, lana diiwaangeliyo erayada laga helay. Waxaa dhacday in guud ahaan uu barnaamijka soo helay ilaa 4 200 000 (afar malyal iyo laba boqol oo kun) oo eray. Markii baaritaan lagu sameeyay soo noqnoqodka eraya (word frequency), waxaa soo baxday in erayga iyo uu yahay eraygii ugu badnaa inta la soo uruuriyey, waxaana ugu yaraa erayga beeraha oo soo noqnoqday ilaa iyo 150 jeer, fiiri shaxda 1.

iyo ee soo ayaa beeraha

68013

53604

42509

26591

150

HTML clipboard

Shax 1: Soo noqnoqodka eraydii la soo uruuriyey.

Waxaana xusid mudan markii aan bilaabay sixista erayadaas aadka u tiradabadnaa, in aan ka waayey eraydii aan islahaa waa erayo daruuri ah, sida caano, bariis, shaati, saxan IWM. Erayga dhacay wuxuu soo noqnoqday 2600 oo jeer. Arrintaas waxay tusaalo u tahay in maqaallada laga helo Internetka ee ku qoran afka-soomaaliga ay u badanyihiin kuwo wararka ka soo gudbiyo xaaladaha dagaal ee dalka Soomaaliya. Erayadii uu barnaamijkaas soo uruuriyey waxaa ka mid noqday erayo aad ugu soo noqnoqda qoraallada afka-Soomaaliga hadana aanan saxsaneyn, sida Mohamed ama maxamed, Somalia ama soomaalia, sheikh, Mogadishu IWM. Erayada aan kor ku soo sheegnay kuwooda saxan waa: Maxamed, Soomaaliya, Sheekh iyo Muqdisho.

Eraydii aan saxay ayaan markale ku celiyay mudane Kevin si barnaamijka ugu dhiibo, waxaana ka soobaxay erayo cusub. Eraydaas isku darkooda waxay noqdeen ilaa 7000 (todobo kun) oo eray kuna keydsan faylka so_SO.dic (WordList). Waxaa jirta in hingaad-saxaha asal ahaan uu u shaqeeyo sida soo socoto: Markuu arko erayga uu isticmaalaha qoray wuxu ka fiiriyaa liiska erayada uu haysto, hadii uu ka waayo wuxuu ku calaamadiyaa calaamad gaduud ah. Afka Soomaaliga waxaa dhacda in hal eray oo asal ah uu yeesho erayo badan oo asaga ka farcama. Waxaan bilaabay in aan darso qaab dhismeedka erayadaa una sameeyo shuruuc loo isticmaalo. Barnaamijka myspell ma aspell waxay isticmaali karaan faylka shuruucda/sharciyada ku lamaanan so_SO.dic oo lagu magacaabo so_SO.aff (Affix-file). Fiiri shaxda 2 oo ka muuqata sida faylka sharciyada uu u shaqeeyo.

HTML clipboard

Asal

magac

anigaa

adigaa

asagaa

ayadaa

anaggaa

idinkaa

ayagaa

nadiifi

nadiifis

nadiifiyay

nadiifisay

nadiifiyay

nadiifisay

nadiifinay

nadiifiseen

nadiifiyeen

sharci

s

yay

say

yay

say

nay

seen

yeen

HTML clipboard

Shax 2: Sharciyada (affix) iyo falka nadiifi oo loo helay ilaa iyo sideed eray oo cusub.

Waxaa ku filan in aan falyka so_SO.dic ku sheego in erayga nadiifi uu qaadankaro shaciga ku jira so_SO.aff sidaasna uu ku yeesho erayga nadiifi erayo cusub.

Natiijada iyo Gabagabo

Mashruucan waxaa ka dhashay hingaad-saxe kooban oo u gaar ah afka-Soomaaliga si uu u noqdo mid dhammaystiran wuxuu u baahanyahay in uu helo erayo ka badan kuwa hadda ku jira, lana helo bulsho ka qeybqaadato ururinta iyo sixista erayadaas.

Hingaad-saxahan waa caddadkii ugu horeeyay, waana hingaad-saxe aysan dhankiisa erayada  dhameytirneyn. Sababaha aan u soo bandhignay asaga oo aanan dhamestirneyn ayaa waxay ahayd in ay bulshada aragto kana geysato taageerada ay awoodo. Wuxuu ka koobanyahay erayo tiro yar waxaana soo bixidoona caddadyo cusub mustaqbalka haduu Alla idmo.

Wixii dheeraad ah waxaad kala soconkartaa bogga www.opensourcesomalia.org . Waxaana jira fidiyow (Video) ku saabsan sida loo keydsankaro hingaad-saxaha.

Qore: Inj. Maxamed Ibraahim Mursal
mimursal@gmail.com

HTML clipboard

Shax 1: Soo noqnoqodka eraydii la soo uruuriyey.

Waxaana xusid mudan markii aan bilaabay sixista erayadaas aadka u tiradabadnaa, in aan ka waayey eraydii aan islahaa waa erayo daruuri ah, sida caano, bariis, shaati, saxan IWM. Erayga dhacay wuxuu soo noqnoqday 2600 oo jeer. Arrintaas waxay tusaalo u tahay in maqaallada laga helo Internetka ee ku qoran afka-soomaaliga ay u badanyihiin kuwo wararka ka soo gudbiyo xaaladaha dagaal ee dalka Soomaaliya. Erayadii uu barnaamijkaas soo uruuriyey waxaa ka mid noqday erayo aad ugu soo noqnoqda qoraallada afka-Soomaaliga hadana aanan saxsaneyn, sida Mohamed ama maxamed, Somalia ama soomaalia, sheikh, Mogadishu IWM. Erayada aan kor ku soo sheegnay kuwooda saxan waa: Maxamed, Soomaaliya, Sheekh iyo Muqdisho.

Eraydii aan saxay ayaan markale ku celiyay mudane Kevin si barnaamijka ugu dhiibo, waxaana ka soobaxay erayo cusub. Eraydaas isku darkooda waxay noqdeen ilaa 7000 (todobo kun) oo eray kuna keydsan faylka so_SO.dic (WordList). Waxaa jirta in hingaad-saxaha asal ahaan uu u shaqeeyo sida soo socoto: Markuu arko erayga uu isticmaalaha qoray wuxu ka fiiriyaa liiska erayada uu haysto, hadii uu ka waayo wuxuu ku calaamadiyaa calaamad gaduud ah. Afka Soomaaliga waxaa dhacda in hal eray oo asal ah uu yeesho erayo badan oo asaga ka farcama. Waxaan bilaabay in aan darso qaab dhismeedka erayadaa una sameeyo shuruuc loo isticmaalo. Barnaamijka myspell ma aspell waxay isticmaali karaan faylka shuruucda/sharciyada ku lamaanan so_SO.dic oo lagu magacaabo so_SO.aff (Affix-file). Fiiri shaxda 2 oo ka muuqata sida faylka sharciyada uu u shaqeeyo.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Hingaad-saxaha afka-Soomaaliga|Maxamed Mursal "

  1. Abusalaaxudiin says:

    ASC walaalayaal waa fiicantahay in aad kor u qaadaan afka aani hudhan ee aan khaaska u leenahay cilmigiisa iyo barshadiisa , laakiin waxaa caado soomaaliyed ah in dad badani u xagliyaan inay qoraan lahjadooda gobolka uu kayimid khaaska u leeyahay waanna arin aad aan ugu fiirsaday run ahaantii. maraan dhaqanka dhigi jiray waxaan la kulmay in afka soomaaligu badan yahay sidoo kale eraygiina uu leeyahay macnayaal badan, gobolkastana uu si u yaqaan, taasi waxay keentay in markii aad tusaala tiraahdo mariin Qeex uu kuu sheego waxa looga yaqaan dagaan kiisa waanna ku saxan yahay . Waxaa kaloo tusaalle mudan in loosoo qaato waxaan akhriyaa Webside-yada soomaaliga ku qoran iyo carabiga iyo ingiriiska waxaan kal kulmaa marar badan dadka qora webside-dhada inan fahmiwaayo micna dhabta ah ee uu meelaha qaarkood uu ula jeedo, taasi layaab badan malaha waayo dhalinta wax qortaa waa tii kacday burburkii dhexdiisii. marka halaga fiirsado tilaabooyinka luuqada kusabsan ee wax loogu kordhinayaa inay noqdaan mid loodhan yahay ama lagu soo bandhigo xarun cimbaarssed oo wadani ah ama barbar ka wadani ah.
    waad madasantihiin
    wwww
    Abu salaaxudiin

  2. waad ku mahadsantihiin dadaalka aad u haysaan shacabka soomaal;iyeed udanayaal

  3. CABDI YARE says:

    WAXA ARRIN AAD LOOLA YAABO AH IN QORAYAASHAN LEH AFSOOMAALIGA AYAANU SAXAYNAA,IN AAD MOODO IN AANU IYAGA LAFTOODA AFSOOMAALIGU U BILAWNAYN,ISKA DAA IN AY AQOON YAHANO KU NOQDAANE. TUSAALE: ERAYGA UGU HORREEYA EE AY ISTICMAALEEN (HINGAAD),MISE WAA HIGAAD?XAGGEE (NADU) KA TIMI ILLEYN ERAYGA ASALKIISA WAA LA YAQAANE?
    U LEEXANMAAYO SIDA MAQAALKA ERAYADIISU U QORAN YIHIIN OO KHALADKOODU AANU TIRO LAHAYN,EE WAXA RASMIGA AH AYUUN BAAN WAX KA TILMAAMAYAA.
    LIISKA AY TUSAALAHA U SOO QAATEEN OO AY ILA TAHAY WAA KII AY IS DHEHEEN WAA KA UGU SAXAN..
    ERAYGA AY SOO QOREEN (ASAGAA ) MISE ISAGAA?(AYADAA) MISE IYADAA?(ANNAGAA)IYO INAGAA MACNE KALA DUWAN MA IDIIN SAMAYNAYSAA KHUBAROOY?(ADIGAA NADIIFISAY)MISE ADIGAA NADIIFIYAY? (ADINKAA NADIIFISEEN) MISE IDINKAA NADIIFIYEY? NADIIFISAY WAXA LOO ISTICMAALAA DHADDIGGA LALA HADLAYO,SIDA LOO DHAHO IYADAA DISHEY,LAAKIIN AAN LOO DHIHIN ADIGAA DISHEY EE LA DHAHO ADIGAA DILEY…WAA TILMAAMO YAR OO INTA YAR EE LA TILMAAMY AAN KA DHAHAY,LAHJAD GO’ANNA UMA JEEDO AMA KAMA JEEDO,DADDALADII HORE LOO GELIYEY AF-SOOMALIGA EEGA..
    WAANA DADASHEEN MAR HADDAA ISKU DAYDEEN ,LAAKIIN AQOON KU DARSADA..NABDEEY…

  4. ali says:

    masha alaah musrsal iyo kavin mahad gaar ah ayaan idiin mahad celinaya ilaheyna qeer ha idin siiyo wana mahadsantihiin waa i an facay hingada aad ku soo beegteen meesha qeer ayaan idiin rajenaya?

  5. Ahmed says:

    Waxa jira Higaad Saxe uu Sameeyey Jaamac Muuse Jaamac markaa kaas iyo kan aad adigu samaysay Mursal Maxay ku kala Duwan yihin?

  6. gacamay says:

    mursal adiga iyo kavin aad iyo aad baad u mahadsantihiin,waxaan ahay qoraa madax bannaan marka higaadda saxihiina waa i anfacayaa !!!!