Home » Faallo »

Diiwaangelinta Somaliland | Suldaan

Diiwaangelinta Somaliland

Qalinkii: Yasin Jama Nuh (Suldaan)

26 July 2009

Hordhac:

Diiwaangelinta waxaynu galnay innaga oo aan aqoonsi caalami ah iyo haykal dowladnimo oo fiican midna lahayn. Guddida doorashooyinku cusub tahay oo aanay waayo-aragnimo iyo aqoon fiican toonna lahayn, dastuurkeennu aanu dhammaystirnayn oo weli uu qabyo yahay (first draft), maamulka dowladnimo tamar daran yahay, dadkeennu “ummi” yahay (waxna qorin, waxna akhriyin), reer guuraa u badan yahay, ciwaanno iyo meel loogu soo hagaago aanay lahayn, doorashadu ku cusub tahay, xuquuqdooda aanay garanayn, tolnimadu ku weyn tahay, xisbiyadeennu aanay adkayn, mabda’, hindese iyo ballanqaadyo aanay kala lahayn, dadkeennu aanu doorashada u jajabnayn, kala doorashada xisbiyadu ay weli ku qotonto “qof” doorasho iyo “tolnimo” ee aynaan mabda’ iyo ballanqaad ku qotomin.

Habka diiwaangelinta aynu qaadanay uu yahay kii ugu casrisanaa, ugu adkaa, uguna kharashka badnaa, aqoonta ugu sarraysana u baahnaa, waa isdiiwaangelinta elektarooniga ah “electronic registration” haddii cid aqoon u lihi ka talin lahayd waxaynu qaadan lahayn habka ugu sahlan, uguna dhibta yar oo ah isdiiwaangelinta warqadda “paper registration”. 

* * *

Haddii, isdiiwaangelinta aynu galnay noqdo kii saxda ahaa, faa’iidooyinka aynu ka heli lahayn waa sidan:

[1] Faa’iidooyinka

Dowladda

  1. Sugitaanka amniga qaran
    1. Dadkay ciwaanno (address) ugu samayn kartaa
    2. Wixii la kala iibsanayo ayey kaadhka aqoonsi  ku xidhaysaa
    3. Soc-socodka dadka iyo gaadiidka ayey  kula socon kartaa
    4. Argagixisada iyo isqarxiyayaasha ayaa lagu qaban karaa
    5. Huteellada iyo kastamyada ayaa aqoonsi la isku weydiin karaa
  2. Helitaan Aqoonsi caalami ah
    1. Geeddi socodka Dimuqraadiyadda ayaa la inoo tixgelinayaa
    2. Xuquuqul insaanka ayeynu dhowraynaa
    3. Awood isu dheeli tiran oo doorasho ku timi ayeynu ku dhaqmaynaa
  3. Ogaanshaha muwaadiniinta qaangaadhka ah
    1. Tirokoob guud bay fududaynaysaa
    2. Dadka qaangaadhka ah ayaa la ogaanayaa
  4. Ogaansha tirada gobollada ku nool iyo saami siintooda
    1. Gobollada siday u kala dad badan yihiin baa la ogaanayaa
    2. Saamiga dhaqaale, tacliineed iyo caafimaad baa lagu siinayaa
    3. Saamiga siyaasadeed (tirada goleyaasha) baa loogu sargoynayaa
  5. Kala xadaynta iyo qiimaynta gobollada iyo degmooyinka
    1. Gobolladaa xuduud loogu samaynaa
    2. Degmooyinka gobol u gudbaya ayaa lagu qiimaynayaa
    3. Tuulooyinka degmo raba ayaa lagu miisaamayaa

Dadka

  1. Helitaanka aqoonsiga jinsiyadda (identity card)
    • Damiin buu u noqonayaa(identification)
    • Baasaboor buu ku qaadanayaa
    • Hantida ma guuraanka ah buu ku iibsanayaa (aqoonsi ahaan)
    • Huteellada ayuu tusi karaa, kaantoroolladana wuu ku dhaafi karaa
  2. Helitaanka Xuquuqda coddaynta (Voting  right)
    • Talada dalka ayuu ka qayb qaadanayaa
    • Cid buu ku dooran karaa, waana lagu dooran karaa
    • Danta guud buu ku ilaashanayaa
    • Horumarka iyo wanaagga ayuu ku taageerayaa
  3. Helitaanka amni iyo adeeg bulsho (Safety and Social Services)
    • Nabadgelyo iyo amni buu ku helayaa
    • Adeeg bulsho ayuu helayaa, sida tacliin iyo caafimaad
    • Xornimo iyo xuquuq buu ku yeelanayaa

Xisbiyada

  1. Doorasho xor iyo xalaal ah ayey helayaan
  2. Waxay ku kalsoonanayaan ‘commission’ ka
  3. Waxay ku qancayaan natiijada doorashada

Guddida Doorashada ( Electoral Commission Committee)

  1. Waxay qabanayaan doorasho xor iyo xalaal ah
  2. Waxay u sahlaysaa waajibaadkooda shaqo
  3. Doorashada ayaa si nabadgelyo ah u dhacaysa
  4. Waxay ku dhowaaqayaan natiijo sugan oo xor iyo xalaal ah
  5. Waxay meel xafidan ku kaydin karaan macluumaadka muwaadiniinta
  6. Dhaqaalaha doorashooyinka – kuwa dambe – ayaa hoos u dhacaysa

Natiijada guud

  1. Dal nabad gelyo ah
  2. Dowlad la soo doortay
  3. Doorasho xor iyo xalaal ah
  4. Dal aqoonsi caalami ah leh
  5. Dad  xor ah oo wax doortay
  6. Dhaqaala doorashada oo yaraada
  7. Doorashada oo si nabadgelyo ah u dhacda
  8. Dad diiwaangashan oo kaadh aqoonsi leh (ID Card)

[2] khasaarahasuldaan2

Dowladda

  1. Sugitaankii Amniga oo khalkhal gala, waayo dadkii oo toban ID card qaatay
  2. Dhagar argagixiso ayaa dalka loo maleegi karaa, waayo muwaadiniinteenna aqoonsi ma laha, sirdoonkeenuna lama wada socon karo dadka dalka soo gelaya
  3. Aqoonsi caalami ahaa oo la waayo, sababtoo ah diiwaangelintu ma aha mid heerkii looga baahnaa gaadhsiisan.
  4. Khalkhal ku dhaca ogaanshaha muwaadiniinta qaangaadhka ah
  5. Kala garan waa tirada guud ee  gobollada ku nool iyo siinta saami qaybsigooda
  6. Kala xaddayn la’aanta iyo qiimayn la’aanta gobollada iyo degmooyinka
  7. Muran siyaasadeed oo ka oogma sargoynta saamiga gobollada

Dadka

  1. Farihiisa, sawirkiisa iyo macluumaadkiisa oo si khaldan loo isticmaalo ama dal shisheeye laga iibiyo
  2. Meel uu dhoof i lahaa oo sababtii diiwaan gelinta awgeed loogu diido
  3. Xuquuqdiisii muwaadinimo oo uu kuwaayo diiwaangelinta darteed; 
    • Shaqo la iska hortaago,  Baasaboor loo diido,Liisan ganacsi ama warsheed oo loo diido, Xil uu qaban lahaa oo ku waayo iwm
  4. Xabsi uu ku mutaysto diiwaangelinta awgeed, sababtoo ah macluumaadkiisa oo si xun loo isticmaalo

Xisbiyada

  1. Doorasho ku shubasho ah
  2. Eex iyo ku kalsooni la’aan Commission-ka
  3. Ku qanci-waa natiijada doorashada

Guddida Doorashada ( Electoral Commission Committee)

  1. Waayitaanka kalsoonidii dadka, xisbiyada iyo xukuumadda ee Guddida Doorashada
  2. Doorashada oo dhibaato ka dhacdo, muran, dagaal, dhimasho iwm.
  3. Doorasho lagu noqnoqday, oo lagu shubtay
  4. Ku mergesho natiijada doorasha
  5. Macluumaadka muwaadiniinta meel xun ku dambeeya
  6. Wakhtiga doorashada oo dibudhac ku yimaaddo
  7. Muran siyaasadeed oo dalka ka oogma
  8. Diiwaangelinta oo fashilanta

Natiijada guud

  1. Doorasho oo lagu shubto
  2. Diiwaangelinta oo fashilanta
  3. Dowlad diktaytar ah oo talisa
  4. Adduunyadoo ina aqoonsan weyda
  5. Dalka oo nabadgelyo darro ka dhacdo
  6. Dad ka oo xuquuqdoodii codbixineed waaya
* * *

Gebogebadii 

Haddii laga maarmi waayo, waxaynu falanqayn doonaa sifaha loo maarayn kari lahaa, ama loo xalili lahaa mushkhiladda “ku celcelinta” ee lagu dhiiqeeyey diiwaangelintii maaxda ahayd; dad badan oo aan aqoon fiican u lahayn kambiyuutarka ayaa mushkiladda moodaya inay tahay walaxdan cusub ee af-qalaadka loo yaqaan “server” ka, afkeennana ku noqonaysa “Adeeg-wale”,  hase ahaatee mushkiladdu waa maamulxumo iyo maarayn la’aan ka timi ciddii soo agaasintay iyo wacyi gelin la’aan dadka ka haysatey xuquuqda ay ku helayaan isdiiwaangelinta oo is barkaday. Walaxdan “adeeg-waluhu” waxa ay qabanaysaa uun wixii loo dirto, wixii lagu shubana way kaydinaysaa. Waxa kala shaandhaynta samayn lahaa haddii kambiyuutarrada oo dhan lagu tixi lahaa mareegta adeeg-walaha (computer network) ama maalintii, diiwaangelinta la wadey dadka inta macluumaadka goobta lagaga qaado loo sheegi lahaa in kaadhka aqoonsigana gobol kasta Wasaaradiisa Arrrimaha Guddaha laga bixin doono, ka coddayntana goobta laga coddaynayo laba bilood ka hor maalinta doorashada, oo aan goobtii laga diiwaangeliyey lagu siin kaadhadhka aqoonsiga iyo coddaynta, cidina kuma toban jeer noqoteen, waxaasina ma dhaceen – reer ba’aw yaa ku leh –  

Waxaynu eegnaaba waa natiijadda diiwaangelinta oo Xudun iyo Negaadweyne mid uun u dhici doonta – khasaare iyo faa’iido – mid uun laga dheefi doono; haddii ay najaxdo (Ilaah ka ka dhigee) waxa aynu mar uun yeelan doonaa aqoonsi dhexdeenna ah iyo doorasho xalaal ah, waxaynu garanaynaa muwaadiniinteenna, waxaynu awood u yeelan karnaa inaynu kala xaddayno gobolladeenna iyo degmooyinka, waxaynu sugi karnaa amniga qaran, waxaynu la dagaalami karnaa musuqmaasuqa iyo dhagarta argagixiso, waxaynu heli karnaa tirokoob guud, si sahlanna waxa loogu saami qaybin lahaa bulshada degen gobollada dalka, waxa si fiican u hirgeli lahaa maamul-wanaagga, waxa adkaan lahaa asxaabta qaranka, siyaasadeenna ayaa sal dhigi lahayd, dadkeennuna xuquuqdiisa ayuu garan lahaa, addoonsida siyaasadeed ayey bulshadu ka bixi lahayd oo waxa iman lahaa xisaabtan dhab ah.  

Haddii, natiijadu fashilanto – Alle kama dhigee – waxaynu korodhsanay daal iyo dayac badan, waxa  gacan shisheeye ku dambayn kara macluumaadka muhiimka ah ee laga qaaday in ka badan milyan iyo badhka muwaadin ee isdiiwaangeliyey, waxa sawirradooda iyo farahooda laga iibsan karaa Yurub iyo America – kuwaas oo xaqootiga faraha badan ee dalalkooda soo gelaya inay ku joojiyaan oo keliya aan u isticmaali doonin ee ku darsan doona inay cid walba ku shaanbadeeyaan wixii ay doonayaan – wadaad kasta ku dhejiyaan argagixiso, qof walba wixii la rabo lagu xidhiidhin karo, sawirkiisa iyo farihiisana lagu soo celcelin doono shaashadaha telefiishannada caalamka, boggaga wargeysyada iyo wakaaladaha wararka – halis baynu daaqaynaa– Allow noo sahal ammuuraha – 
 
 

Allaa Mahad Leh  

Yasin Jama Nuh (Suldan)

Aftahan@gmail.com

www.aftahan.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Diiwaangelinta Somaliland | Suldaan "

  1. Abdilaahi MAxmuud Suldaan says:

    waxaan akhriyey maqaalkan ku saaban Faa,iidada iyo khasaaraha Diiwaangelinta
    waan ka helay