Home » Warar »

Dahabshiil – Shahaadooyin tababarka shuruucda

Shirkadda Dahabshiil oo Guddoonsiisey Shahaadooyin Dhammaystir Saraakiil dhamaystay Tababar Ku-dhaqanka Shuruucda Caalamiga ah ee Dhaqdhaqaaqa Lacagaha

Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Mne Cabdirashid Maxamed Siciid, ayaa guddoonsiiyey ku guddoonsiiyey xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hudheelka Maansoor, Hargeysa, shahaadooyin dhamaystir 21 sarkaal oo shirkadda ka tirsan oo dhamaystay tababar laba maalmood ah oo lagu qaadaa-dhigay shuruucda caalamiga ah ee lagu dhaqo dhaqdhaqaaqyada lacagaha isaga gudbaya daafaha dunida.

Tababarku waxa uu tababartayaasha u soo bandhigay duruus iyo macluumaad iftiimiyey guud ahaanba xirfadaha iyo aqoonta u sahlaysa saraakiishaas sidii loola jaanqaadi lahaa shuruucda caalamiga ah ee dhawrta anshaxa iyo xalaalnimada isu-gudbinta lacagaha.

“Hadal ma koobi karo ahmiyadda ku-dhaqanka shuruucda caalamiga ah ee dhaqdhaqaaqa lacauguhu leeyahay maanta si loo hubiyo xalaalnimada iyo sugnaanshaha lacagaha la isu gudbiyo siiba xilli adduunku ku tallaabsaday tiknoolajiyad qaab walba loo adeegsan karo,” ayuu yidhi Mne Cabdirashid. “Waxan aad ugu faraxsanahay in Shirkadda Dahabshiil tahay shirkaddii u horreysey – welina ku keli tahay – ee si cad ugu dhaqanta shuruucda shirkadaha innala midka ah ee caalamku ku dhaqmaan ee adduunku ku wada qanacsan yahay”.

Mne Cabdirashiid waxa uu hoosta ka xarriiqay in ku-dhaqanka shuruucda AML ay ka caawisay shirkadda inay maalin cad wax kula qaybsato shirkadaha la midka ah fagaare si xalaal ah oo aan innaba mugdi ku jirin.

“Shirkadda Dahabshiil waxay heshay nadaam ay si hufan oo degdegsiinyo leh ugu adeegto macaamiisheeda isla mar ahaantaana ku ilaaliso hantidooda si waafaqsan caalamka,” ayuu yidhi Mne Cabdirashiid Maxamed Siciid. “Tallaabadani waxay qayb ka tahay geeddi-socodka iyo hannaanka casriga ah ee shirkadda u fududaysay inay hormuud ka noqota isu-gudbinta lacagaha ee dhulalka Soomaalida iyo guud ahaanba gobolka.”

Waxa goob joog ka ahaa xafladdii guddoonsiinta shahaadooyinka ee tababartayaasha loo qabtay saraakiil sarsare oo ka kala socdey xafiisyada shirkadda ee waddamada UK, USA iyo UAE.

Tababarkani waxa qayb ka yahay taxane tababarro ah oo shirkaddu kor ugu qaadayso wacyiga iyo aqoonta saraakiisheeda iyo hawlwadeennadeeda oo si joogto ah u dhaqan gala, muujinayana sida ay shirkadda uga go’an tahay horumarinta iyo kor-u-qaadida aqoonta shaqaalaha oo ku qotonta la-jaan-qaadka shuruucda caalamiga ah iyo kuwa goboleedba.

Ka sokow in shirkaddu noqoto mid magaceedu meel dhow iyo meeldheerba gaadhey, waxa shirkadda iyo adeeggeeda si weyn looga aqoonsaday caalamka oo ay ka mid tahay USA iyo UK. Kal hore bishii November waxa ururka Caalamiga ah ee IAMTN guddoonsiyey Mne Cabsirashiid Maxamed Siciid, Abaalmarinta Maareeyaha u Sarreeya ee Sannadka; Xafiiska Shirkadda ee London waxa loo aqoonsaday mid waafaqsan shuruucda ISO 9000; xafiisyada shierkadda ee USA’na waxa la guddooniiyey Abaalmarinta Ganacsi.

Dahabshiil Public Relations & Media
Tel. +252 2 442 3794 / +2522 510299
hassanheiss@dahabshiil.com – hassanheiss@hotmail.com – hassanheiss@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dahabshiil – Shahaadooyin tababarka shuruucda "

  1. Abasheikh says:

    Dahabshil waa shirkad ku dayasho mudan. dhowrista shuruucda,amaana dhowridda iyo maamul wanaageeda intaba waa mid ay amaan ku muteysatey, hambalyo ayaan u dirayaa Madaxda iyo maamulka Dahabshiil meel walba oo ay joogaan.

    Xawaaladaha kale aan hal dardaaran siiyee,
    ku dayda Dahabshiil oo dhowra sharciga wadamada aad joogtaan.

    Mahadsanidiin