Home » Sports »

Carmo vs Bosaso – Ciyaar xiiso badan

Ciyaar aad u xiisa badan oo ay iskaga Horyimadeen Magaalada Carmo iyo Bosaso oo ka dhacday Garoonka kubada Cagta ee Magaalada Carmo.

Sawirada Halkan ka daawo (GUJI….)

Ciyaar aad u xiisa badan ayaa shalay ka dhacday garoonka kubada Cagta ee Magaalada Carmo ciyaartaasi oo ahayd mid saxiibtinimo ah ayaa waxaa ay ku soo dhamaatay 1-2 waxaana guushu ay raacday oo 2da gool keensatay Kooxda kubada cagta ee Degmada Carmo oo Naadiga Bosaso uu marti u ahaa,Ciyaartaasi waxaa ay ahayd mid xiiso gelisay dad waynaha Reer Carmo iyo Bosaso waxaana goobta ciyaartu ka dhacday joogey Gudoomiyaha kubada cagta ee Gobolka Bari Mudane Mustafe Maja case,Gudoomiyaha Degmada Carmo Mr Salaad Masuuliyiin kale oo u qaabilsan kubada cagta dhinacyo badan oo ka kala socda Gobolka Bari iyo Degmada Carmo.

Waxaa ka hadlay Qaabka ay ciyaartani u dhacday iyo dareenka Shacabka Magaalada Carmo ay ku soo dhoweyeen Gudoomiyaha Kubada Cagta G/Bari Mudane Mustafe Majacase oo ah Masuul si wayn isaga xil saara Tartamada iyo sare u qaadista iyo Ciyaaraha Saxiibtinimada ee Gobolka Bari iyo Gobolada kale Ee maamul goboleedka Puntland.

Gudoomiyaha kubada cagta Mudane Mustafe Maja case waxa uu saxaafada u sheegay inay ciyaartani si wanaagsan u dhacday isla markaasina waxa uu u mahadceliyey dadwaynaha Reer Carmo iyo Dhalinyarada kubada Cagta sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweyeen Magaalada Carmo.
Waxaa uu sheegay Sidoo kale Gudoomiyuhu in dhowaan ay jiraan oo ay qabanayaan 7 Koob oo ay isku arkayaan 7 Naadi oo mid ka mida uu ka soo jeedo Naadiyada degmada carmo kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin Naadiyo la Orankaro waxaa ay Matelikaraan Xidigaha Gobolka Bari,waxaan koobabkaasi martigelin doona Shirkada Isgaadhsiinta Taleefonada ee Telecom Puntland.

Dhanka Maamulka Puntland waxaa Waxaa ka mid ahaa Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha Degmada Carmo Mudane Salaad oo si wayn ugu Amaanay Dhalinyarada isboortiga qaabka saxiibtinimada le ee ay kubada ugu wada ciyareen Garoonka kubada cagta ee Magaalada Carmo,isagoona kula dardaarmay inay sii wadaan ciyaaradaha saxiibtinimada ah ee ka dhexeeya Naadiyada wada ciyaara kubada.

Maxamed Axmed Ciise
Carmo
geedi7@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.