Home » dastuur, Maqaallo »

Taariikhda Distooradii Soomalida|Abu Xamza

Taariikhda Distooradii Soomalida iyo waxay ka qabeen Diinta Islaamka.

Sida la wada ogyahay Distoorada qoran, dunida way ku cusub yihiin, gaar ahaan dawladaha Afrika.Marka haddaan soo qadaano soomaaalida waxaa jirta in distuuradii soo maray qaranka soomaaliyeed ee shacabku codka ku lahaa si toos ah ama si dadban waxay ahaayeen afar kala ah:

1- Kii UNO Muddadii wisaayada.

2-qarannimada Soomaaliyeed iyo isbdeladiisa 61 iyo 64 tii

3- Distoorkii dawladii Carta.

4- Distoorkii dawladii Embigaati.

Maxay ka qabeen arrimaha Diinta. Waa kuwan:

1- Distuurada Qaran ee Qarnimo Soomaaliyeed

Distoorkii ugu horreeyey ee loo dejiyey qaran soomaaliyeed wuxuu ahaa kii qaramada midoobay(UNO) u dejiysay Soomaaliya cahdiga golaha wisaayada oo ahaa muddadii (50-60)ee gacanta Q.M lagu jiray Waxaana QM wakiil uga ahaa somaalia dawlada Talyaaniga. Wana Distoorka labaad ee qaran laguna dhiso dawlad ka jirta Geeska Afrika ,maxaa yeelay kii ugu horeeyey ee qornaa wuxuu soo baxay sannadkii 1931, waxaana degsaday Boqortooyadii reer saleebaan ee xukumaysay qaar ka mida shucuubta Itobiya.

Muxuu KA YIRI XAGA DIINTA? Distoorka UNO u dejisay Soomaalida.

qodobka 19-naad ayaa ka hadlay xaga diinta waxanu ka yiri: in mudada wisayada dhamaan dadka ku nool somaaliya ay xur u yihiin inay diinta ay doonaan wax ku caabudaan, xaqna u leeyihiin inay faafiyan diinta iyo mabadi,da ay aaminsan yihiin, waana in la siiyo dhul ay ku fidiyaan mashaaricdooda sida madaarista masajida Kaniisado IWL.

2- Distoorkii qarannimda Soomaaliyeed

Markii xorriyada la qaatay distoorkii dawlda ee 1961 kii qodobkii faafinta diimaha sidiisa ayaa loo soo qaatay. marka waxa dhacay sannakii 1963dii in nin somaali aha uu tooreey ku dilay nin diinta kiristaana ku faafinaaya Muqdisho, ka dib waxaa lagu soo eedeeyey qodobka dil ula kaca oo cuquubadiisuna waa dil, marka magaaladii oo dhan baa kacday, waxayna diidanaayeen in nin muslim ah loo dilo Gaal. marka waxaa laga baqay in arinkani dhaliyo xasilooni darro,iyo nabad gelyo xumo . Marka dawladii waxay balan qaaday inay qodobkaas bedeli doonto waana la bedelay qodobkaas, waxaana lagu caddeeyey daabacaadii soo baxday sannadkii 1964kii in diin aan islaamka ahayn lagu faafin karin wadanka gudihiisa.

Laakiin Qodobkaas laguma camal falin oo waxaa la siiyey kaniisadaha awood weyn magaalooyinka wabiyada u dhowna waxaa laga siiyay xarumo ay ku fidiyaan ujeedooyinkooda, waxay ka samaysteen maddaris waaweyn inta u dhaxaysa kismaayo iyo baladweyn kumanaan arday ayaa wax ka baranaysay schooladooda, sidoo kale waxay lahaayeen kaniisaduhu warshadu yaryar. shuuciyaduna waxay lahayd awood ay ku faafiyaan mabadi’dooda. shuuciyada madaahibteeda kala duwan sida mawisti, lininisom, waxayna lahaayeen xisbiyo, joornaalo iyo golayaal hanuunin sidaasuu arrinku u socday ilaa uu xukunkii la wareegay millaterigu Sannadkii 1969kii. Muddadii kacaanka (1969 –I990) shacabku cod ma lahayn ,Maxaa yeelay malahayn awood uu ku muujiyo dareenkiisa,sida mudaharaad ama shaqo joojin…..

Xukunkii Millaterig wuxuu soo afjaray dhammaan xorriyadii war bahinta iyo dareen muujintii oo dhan si kastaba ha ahaatee, waxaa la laayay dhammaan dhaqdhaqaayadii ururada bulshada iyo ururadii siyaasada , gaar ahaan markii ku dhawaaqeen inay qaateen Hantiwadaaga cilmiga ku dhisan, sannadkii 1972dii, Markismo lininsmo. Ariinku sidii buu u socday waxaa la soo afjaray sanadkii 1973 faafintii diimaha iyo mabaadi,ida kale, markii latoleeyey dhamaan wax barashadii dalka waxaan la wareegay wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta.

3-Distoorkii Carta muxuu ka yiri xaga Diinta

Distoorkii carta ee lagu soo dhisay dawldii C/qaasim ka madaxda ahaa sannadkii 2ooo, wuxuu qabay in qanuun kasta oo ka soo oo horjda shareecada Islaamka uu yahay qeyru Distoori ama uu yahay waxbakama jiraan.

4-Distoorkii Imbigaatii

Distoorikii Embagati ee lagu soo dhisay Nairobi muxuuu ka yiri diinta islaamka? wuxuu ku sheegay qodobka 8aad sidatan :

1- islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyada soomaaliya.

2- Shareecada Islaamka ayaa saldhig u ah shuruucda qaranka.

3- Iyo qodobo ku baahsan meelo kala duwan sida qoyska, waxbarashada iyo anshaxa……

MAXAY SOMAALIDU UGA HOR JEEDAA IN LA FAAFIYO DIIMO KALE?

Laakiin waxa isweydiin mudan maxay soomaalidu cuqdad uga qabtaa in diin kale lagu faafiyo dalka? Waa maxay dhibaatada ka imaan karta haddii diimo kala duwan ka dhashan dalka? Marka hore ma aha diidmadu diinta kiristaanka kali ah ee waxaa jiro diimo iyo mad-habyo kale oo iyagun halis ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada, sida Bahaaiyda , qaadiyaaniyada iyo kuwo kale, xattaa Hindokis way isku deyeen inay ku abuuraan soomaliya diintooda markii ay ciidamadii Unsom Baydhabo yimaadeen 1993dii cidamadii Hindiga waxa ku jiray culumo Hindokis oo watay fikradohooda. Sidoo kale waxaa jiray cahdigii dawladii rayidka nin dakhtar ah oo u dhashay dalka Eran oo faafin jiray Bhaa’iyada waxaanu kasbay dad aqoon yahano ah oo la shaqayn jiray.

Markii xukunka Ciidamadu xoogaysteen,ayuu u gudbay kismaayo wuxuu la xiriiray beelaha Baajuunta ee jasiiradaha kismaayo kuwaas oo uu daaweyn jiray kuna faafin jiray diintiisa,markii dawladii ka war heshayna waa la masaafuriyay sanadkii 1972diij. Marka cabsida ay soomaalidu ka qabto waa inay diinta cusub abuuri karto waxa loo yaqaano Daabuurka 5aad oo ah kooxo ku abtirsanaya dawlado Ama bulshooyin ka baxsan Ummadda soomaalida taasoo marmarsiinyo u noqon doonta faragalin shisheeye iyadoo loogu soo marmarsiiyoonaayo in loo hiilinayo walaalahood oo laga tirada badan yahay ee aan isku diinta najay taasoo ah miino ku duugan bulshada dhexdeeda markii la doono na si dhib yar loo qarxin karo , sida ka dhacda markasta dawladaha ay ku nool yihiin dadka noocaas ah.waxaanu soo dhicinaynaa xuquuqdooda. Sida ka dhacda meelo badan oo dunida ka mid ah, sida sudan Undunisiya turkiga dagalladi ka dhexeeyey iyaga iyo Giriiga ee loogu hiilinayay jaziirada qubrus oo wali taagan, kaalintii ay qaateen Giriigii ku hoos noolaa dawladad Turkiga. IWL. Sidaa darteed ogolaansho abuuris diin cusub waa abuurid iyo duugid minooyin silooqarxiyo markii loo baahdo.

kala soco maqaalka xiga, habka loogu dhisi karo distooro casri ah oo ku salaysan Diinta Islaamka.

Adv.C/Raxmaan xuseen abu-xamza.

Em.odowa40@hotmail.

tel.:254+728351309

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.