Home » Maqaallo, Siyaasad »

Gedo guul darro horleh | Adam Zaki

Gedo  : Guul darro HorlehYour browser may not support display of this image.

Gedo waxaa mara wabiga ugu biyaha badan Somalia nasiib darro dadka uu dhex maro way ka ooman yihiin mana jirto cid si wanaagsan uga faa iidaysata biyaha wabiga ayaa 97% ku shubma badwaynta India oo aan baahi u qabin biyo dheeraad ah Dadka Gedo ku noolna iyo guud ahaan Soomali waxay u qaylinayaan in Galayda fardaha Maraykanka la siiyo ay qaar deeq uga helaan!!Your browser may not support display of this image.

Isktoo khayraadka Gobolka tira beel yihiin hadana dadka ku dhaqan ayaa waxaa la haray dagaallo soo noq noqda kuwaas oo aan dhamaadkooda aysan muuqan

1996 dii ayay maleeshiyooyin uu hor kacayay Gen Cumar Xaaji Masalle (Wasiirkii Difaaca J. Somalia ee Hore) taageerana ka haystay Xoogaga Itoobiya waxay cagta mariyeen Nabad ka jirtay Magaalooyinka Gobolka iyadoo aanay meesha ka kamarnayn madax adaygii Hogaamiyayaashii Ururkii AL-Itixaad oo ahaa maamulaha magaalooyin saddex ah Luuq Doolow iyo B/xaawo waxaana ka muuqday wxa xoogaa horu mar ah dhinaca wax barashada iyo nabad galyada.

Al-Itixaad waxay ku guulaysteen inay Nabad galyada wax wayn ka qabtaan sidoo kale waxaa soo noolaaday wax barashada oo dhacitaankii dawladnimo la dhacay waxaa is feer socday laba Iskool oo ay kala maal galinayeen Maal qabeeno Reer Sucuudi ah iyo Kaniisad Ireland laga leeyahay  labaduba waxay saldhig ka dhigteen Dublin oo Ireland ah,

Hormarkii yaraa ee dhinaca nabad galyada ahaa wuxuu sababsaday hal adaydii maamulayaashii Gobolka iyo Maleeshiyadii SNF  is qabqabsigaas labada dhinac midna kuma faa iidin oo hogaamiyayaashii maal mahaas kala horkacayay maleeshiyooyinkii ku dagaalamay waxay Degaan ka dhigteen banaanka Somalia halka Maleeshiyaadkiina ay maalinba magic cusub ku dagaalamaan.

Waxbarashada Caafimaadka Iyo Nabad galyada Gobolka Gedo wuxuu ka mid yahay kuwa Somalia ugu Hooseeya.

Hogaamiye kooxeedyadii SNF waxay awood shisheeye kaga saareen Ururkii Al-Itixaad Gobalka Gedo iyadoo uu inta badan xubnihiisii ay u xuub siibeteen ganacsato iyo Macalimiid wax ka dhiga xarumaha wax barasho

Wax yar kadib waxaa dagaal isaga farah looga gubtay uu dhex maray saaxiibadii shalay kasoo tallaabay Doolow iyagoo kala xigsanaya Itoobiya Hub iyo saanadna ka helaya

Bishii September 1999 kii waxaa dhagta dhiiga loo daray Dr Cali Nuur oo ahaa ku xigeenkii SNF sidoo kale waxaa isla maalinkaas aakhiro u hoyday Xassan Ugaas oo ahaa Gudoomiye Baardheere dhaawac culusna wuxuu soo gaaray Khaliif Qoryooleey kana mid ahaa horboodayashii SNF waxaa xabashidu xabsiga u taxaabeen Xassan Deer halka Gudoomiyii B/xaawo uu u baxsaday Nairobi

Waxaa ka dillaacay Guud ahaa gobolka dagaalo saameeyay noloshii bulshada iyadoo macalimiidntii waa kuwii Huriyay dabka aan wali damin ay isaga dhex bexeen xal looma helin ilaa maanta

Waxay markale Doolow foolanaysaa dagaal kii aan ka dhicin waliba u muuqda mid ka dhib badan waliba kuwa hor boodaya ay sheegayaan inay ilaa Kismaayo ordi doonaan  xoogaga hada Gedo maamulana waxay sheegayaan inay hor istaagayaan isku dayga nimankaas,

Dadka ku nool gedo inkasta oo aanay laba dhinacba waydiinayn waxa u dana hadana lagama  faa iidaysan casharadii xanuunka lahaa ee laga dhaxlay dagaalkii dhex maray dadka gobolka dagan oo hal beel ah !!

Haraadigii SNF iyo Al-Itixaad oo laba magac oo cusub watta iyo wiilal cusub oo barigaas aan qaan gaar ahayn hadase xoog nogday ayaa u muuqda inay isku garaaci doonaan lafaha wiilasha u hana qaaday Gobolka ee looga fadhiyay inay kaalin ka cayaaraan horu mar uu sameeyo Guud ahaan Gobolka Gedo waxaa garabka loo suray deeqdii Ethiopia iyo Eretria ay isugu faanayaan saanac culus dhagaxa iyo ruuxa nool aan kala aqoon

Labada dhinac oo kala xanbaarsan laba fikir oo kala fog waxay ku jiraan middi middi ku taag , inkasta oo wiilasha hadda gobolka maamula ay nabadda xaggeeda ku fiican yihiin hadana waxaa lagu karayn inay aqbalaan  kuwa Doolow iska dhiibay labada dhan midna uma muuqdo inuu u tanaasulayo shacabka midna ma muujinayo xanuunka wiilasha ku dhamaan doona ee la isaga horkeenayo wax  aan dantooda ahayn

Waxay danta dhalin yarada dagaalka la galinayo ku jirtaa nabadda iyo wax barashada iyo in qoriga laga dhigo qalinkana loo dhiibo in la dhiiri galiyo wax barashada lagana waaaniyo dagaal aan ujeed lahayn inuu ku dhinto guusha laga gaarayana ay tahay dagaal lagu hoobto iyo dariska oo kala irdhoobo, Way na qaybiyeen laakiin namay kumin !!

Waan ku wada jirnaa dib u dhaca adiga iyo anigaba

Aadam H. ( Zaki )

Aadan17@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gedo guul darro horleh | Adam Zaki "

  1. yaaban says:

    illa goorma bay soomalidu arrintan wadi doontaa goormaa la arki doonaa qof soomali ahoo ka fekera waxa ku dhacaya malaha soomaalidu waaba dad aan fekerin shallaayin, waantoobin, malaha waa weel inta wax lagu shubo aan kala miirin oo wixii fiican aan ka qaadan wa yaab war fekera oo adduun iyo aakhiraba ka fekera aan idiin ducaynee