Home » Cibaar, Geeraar »

Agoonkii Dulmane iyo| Ing. Cibaar

Agoonkii Dulmane & Awowgii Dagane

Saddex sano ka hor ayay aheyd markii uu internetka ku faafay qoraal hal-abuur ah oo uu cinwaankiisu ahaa: Ariligu waa dhaxalkeygee, hayga iibin awoowe. Qoraalkaas oo ahaa warqad furan, waxuu ka socday agoon da’ yar oo magaciisu ahaa Dulmane , wuxuuna kula hadlayay odayaal uu ugu horreeyo awowgii Dagane oo xilligaas u ololeynayay sidii ciidamado shisheeye carrada loo keeni lahaa.

Nasiibdarro, walow duq Dagane iyo saaxiibbadiis aysan diif ma ahine duxi ka raacin dibindaabyadii ay sanado badan dadkooda ku sameynayeen, haddana, wali kama daalin in uu cadow dusha ka rarto, durriyadoodadana ay maalinba dabinno cusub u soo malegaan. Dooddu haddii ay shalay aheyd,ciidamo shacabka dabargooya ha la dalbado, si dano gaar ahaaneed loo fushado. Maanta tan taallaa waa dad ma jiree aan dalkan beylahan doollar siisanno iyo dalba ma jiro oo deegaankan Ilaahey lama kala lahan.

Badi laga diimoone, maxay dadka Soomaaliyeed kala socdaan halista ku soo fool leh 10ka Ogoosto 2009ka iyo heshiiska lagu boobayo baddeenna ee lala saxiixday waddanka Keyna? Heshiiskan oo ay Kenya ku hunguriyayneyso dhul-badeed uu bedkiisu ka badan yahay 100,000km2 (boqol kun oo kiilomitir oo labojibbaaran) waa mid ka mid ah heshiisyo dhagareed isdabataxan oo dhamaantood habeen mugdi lagu wada saxiixay.Heshiisyadan waxaa hareer socda hagardaamooyin kale oo la yaab leh. Calanka buluugga ahi waa calal ee ha la dajiyo. Dalka Soomaaliyeed lama kala laha, dowladnimana warkeedaba daa. Damaceyga ayaa diin ah ee Digtoooooonow!!

Ma aha wax lagu diimo in shaqsi damiirlaawe ahi uu dadkiisii iyo dalkiisii dufan yar siisto, waxayse dooddu ka joogtaa oo inta aan dammaneyn ka dagi la’, in dulmiga intaas la eg diinteenna sharfan qiil looga daydayo. Waxaa isweydiin mudan, duulalkan daliilka jaban oo ay ogyihiin iyo carrabka dalabta leh ku dikrinayaa ma waxay hilmaansanyihiin in uu Daa’in weyne dusha ka daalacanaayo, mise xisaabta dambeysaba dan kama lahan?

Kuwa tirada yar ee ay doonis-xumidu halista ula sii durkeyso , waxaa hubaal ah haddii ay sidan ku sii socdaan in ay doontu kula degi doonto badweyn aan laga dabaalan karin oo ay dib uga shallaayi doonaan. Waxaa habboon in ay dib u xisaabtamaan, oo haddii ay diin, damiir iyo damqasho yar leeyihiin ay qiimeeyaan duruufaha ku xeeran danyarta ay dusheeda ku dirirayaan, dhiiggeeda daadanaya ay deeqda iyo darajada ka raadinayaan.

Ugu dambeyntii, waxaan qoraalka ku soo gabagabeynayaa geeraarkii uu agoonkii Dulmane u diray awowogii Dagane, anoo Rabbiga darajada weyn ka baryaya inuu danyarta dulman degdeg ugu hiilliyo, inta uu iimaanku dabeyshadayna dib noogu soo hanuuniyo.

Wuxuu geeraarku ku billaabmayaa:

Shimbirkeyga Abwaanow

Ugaaskii nabadeedow

Afhayeenka kan liitow

Abbaanduullaha khayrkow

Arraxmaan ha ku daayoo

Kaama waayo agteydee

Anigoon ixtiraamka

Edabtii wax u sheeggiyo

Asluubtiiba hilmaamin

Awoowahayga habaabiyo

Odayadaan nasan waayee

Cadowgu uu ajaraayoo

Arrinkii ka xumaaday

Erey yar oon u faraayiyo

Akhbaartaan degdeggaa

Orod saaxiib u geeyoo

Akhrisku kuu ku cuslaado

U higgaadi farriinta

Ku adkee fahamkeeda

Ula jeedka dhacsii

Inkirmaadna ma fiicnee

Ikhwaanow digiddaada

Shacabku suu ogaado

Idilkoodba ha gaartee

Ogeysiiska ka sheegoo

Isgaarsiinta ku faafi :

“ Waa iska xaalad adduunyee

Agoon baan ahay maanta

Aabbihii Abshir Daacad

Aadaanki salaadda

Asagoo kallahaayoo

U ordaaya Masaajid

Oo istaaqfurulleysan

Ashadaadna qiraaya

Qaar isbaaro u taallo

Oo Ibleysku hagaayo

Oo alaalax sakhraansan

Akee ay ku fureenoo

Afartankii ku dhammaatay

Amintiina xijaabtay

Hooyadiis Asli Caatana

Arbacadii kala haadka

Iyo maati xasuuqa

Iyadoo afar maalin

Aan afkeeda wax saarin

Ajasheedi dhamaatooy

Umul raacatay baahi

Alle how naxariisto.

Axaddii Madfac tuurkiyo

Isniintii ka dambeysee

Boqollaalka la aasay

Arabbikhi aan badnayn iyo

Ukun reerka u taallay

Isagoo mid acuuduye

Inkaar qabaa naga booboon

Gaajo sii engegeynoo

Ciddu oon haqaneyso

Walaalkey Axmeddey iyo

Inantii ka yareydba

Iyagoo biyo raadshay

Aroorkey u baxeen baa

Aragti iigu dambeysoo

Gantaalihii la afuufay

Iney unuunka jareenoo

Iilkii hoose la geeyoo

Ifka ay ka tageenba

Gadaal baan ka ogaaday

Alle how naxariisto.

Ehelkey markaan waayay

Arxan waaban ka quustay

Aroortii ma quraacdo

Ayaan ayaan ma qadeeyo

Cashana waaban illoobay

Adkeysi baan jiscintaayoo

Ilmada aan ku tiraa

Waxa aanse ogsoonay

Hadduu Eebbe yiraahdo

Mar inaan istareexiyoo

Aaggoo noo nabadoobay

Intifaacsan dhulkeygoo

Amaah looma baxshaaniyo

Arligu waa dhaxalkeygee

Aakhiraan la hureyne

Ilaahaaga ka yaaboo

Rabbi baa wax arsaaqee

Adigoo anfac raadin

Hayga iibin Awoowe!

Ubad baan ahay yaabban

Adduunkii ku dhibtooday

Abaar tii u darneyd iyo

Cudur oofaha gooyay

Saan u aallo bal eeg

Itaalkeyga bal fiiri

Axe! meeyay damiirkii?

Aahe! waa ku sidee?

Aqligii ma dhammaaday?

Aawayey Naxariistii?

Miyaadan aadmi ahayn?

Jirro markey i asiibto

Aasbiriin wax i siiya

Abidkey uma jeedin

Oofwareenkan la taahi

Oohdimaa igu taagan

Araggu weyga xumaaday

Ma awoodo ciyaaroo

Istaaggaan ka dhacaa

Qufac baan uxu leeyay

Xanuunka meel an la aadiyo

Isbitaal ma aqaanno

Uskag shey lala tuuriyo

Calal markaan arki waayo

Arradkaan huwadaayoo

Asturaadba ma haysto

Hadduuse Eebbe yiraahdo

Ixsaankii lagu diimiyo

Axaadiisti Rasuulka (SCW)

Mar baa aayadda diinta

Lagu oogi dastuurkoo

Aaran loo gudbayaaye

Amaah looma baxshaan iyo

Arligu waa dhaxalkeygee

Aakhiraan la hureyne

Ilaahaaga ka yaaboo

Rabbi baa wax arsaaqee

Adigoo anfac raadin

Hayga Iibin Awoowe!

Ileys waa mid aqoone

Ardadoon la sinnaado

Ama aan u horreeyoo

Aan abaalmarin qaato

Amiirkii berritooliyo

Ubax laygu misaalo

Waan jaclaa dugsi aadkoo

Alif aan ka billaabo

Illaa aan Injinneeriyo

Dhaqtar loo wada aayo

Ustaad faafin tacliintiyo

Noqdo Aw dhiga diintoo

Bulshadiisa iftiinsha

Waase ley eryayaayoo

Oggolaansho ma haysto

Waxyow soo urayaahi

Ka dhaqaaq agaheenniyo

Aflagaaddiyo caydaa

Ehbin laygu daraayoo

Ma niyeysto albaabka

Hadduuse Eebbe yiraahdo

Aamiintaan ku duceyno

Intuu Weyne ajiiboo

Afmiishaarta la buubsho

Indheergarad la tilmaamiyo

Akhiyaartoo hageysa

Mar un bey umaddeydu

Xuquuqdeyda ogaanne

Amaah looma baxshaan iyo

Arligu waa dhaxalkeygee

Aakhiraan la hureyne

Ilaahaaga ka yaaboo

Rabbi baa wax arsaaqee

Adigoo anfac raadin

Hayga Iibin awoowe!

Oogadeyda rafaadka

Indhahayga qarsoomay

Addimadaan qalqaloocdiyo

Ilkahaan kala jeestay

Horay looma arkaan iyo

Wax kalaan u ekaadoo

Marka aan ag maraayo

Dadku wey orriyaanoo

Waa ogaal li’idoode

Waa addoon xiska beeley

Yay intaa ku hayaanoo

Alaab saan ahay tood ah

Ababin qaar an lahayn iyo

Ilmahaa igu dheeloo

Uusey naaxay jugtiisiyo

Urug haddaan ka badbaado

Waa Alxamdu-Lillaahi

Hadduuse Eebbe yiraahdo

Mar bey eeddiyo aayo

Abtigii an tabaayiyo

Adeeroo is xilqaamay

Asxaab khayrka u heellan

Is uruursanayaanoo

Sida Islaamka dhashooda

Aayaamaha carrafaad iyo

Iidda aan farxayaaye

Amaah looma baxshaan iyo

Arligu waa dhaxalkeygee

Aakhiraan la hureyne

Ilaahaaga ka yaaboo

Rabbi baa wax arsaaqee

Adigoo anfac raadin

Hayga Iibin awoowe!

Afrika meeshan ku aallo

Inaan Soomaali ahaado

Waan ku faani abkeyga

Isirkeygii horeeto

Asaaggiis uma liidan

Ajnabi soo duldagaayoo

Oogadooda raraayiyo

Isticmaarki ma yeelin

Askarteenni difaaciyo

Waatii ciidan ammaanan

Shicibkeennu istaagay

Maantana waa imtixaane

Waxaan ciilka la ooyay

Uurku uu I bukooday

Argagaxoon filan waayay

Markii qaar ibtilooboo

Iimaankii laga siiboo

Akhlaaq maafiyo yeeshay

Qaar dhulkii bar ijaare

Qaarna uu sun ku aasay

Qaarna ay ololsheenba

Qaarna uu alalaasoo

Addoonsi baanu rabnaayoo

Aqbal weeye dheheeniyo

Indhosarcaadkiyo beenta

Ahbal sheekadu moogyay

Anfariir waxa taagan

Amakaaggiyo yaabka

Ayaxaa la wacaayo

Wuxu eel ka tagaayo

Aayatiinka dambeetiyo

Berri aafo dhigaaya

Hadduuse Eebbe yiraahdo

Alle Aamin ma iishoo

Axad Weyne rumeeyay

Awood looguma faano

Ilaah baa I abuurtoo

Addeec waa igu waajib

Waa Islaam mabda’eygu

Sidii Imaamki Gurey iyo

Geesiyaashi adduunkee

Abley guusha ku keenay

Anoo Allaah ku takbiirsan

Ururradii Danabeed iyo

Guutooyin baan unkayaayoo

Axmaqii I haweysta

Inta aan ul u qaato

Anigaa eryan doonoo

Uuley waa is naqaanne

Intaan Abeeso na ruugin

Aan abaabul billaabee

Amaah looma baxshaan iyo

Arligu waa dhaxalkeygee

Aakhiraan la hureyne

Ilaahaaga ka yaaboo

Rabbi baa wax arsaaqee

Adigoo anfac raadin

Hayga Iibin awoowe!

Arligu waa dhaxalkeygee

Hayga iibin Awoowe!

Rabbi baa wax arsaaqee

Hayga iibin awoowe!

Adigoo anfac raadin

Haygya iibin awoowe!

Ilaahaaga ka yaaboo

Hayga iibin Awoowe!

Aakhiraan la hureyne

Hayga iibin awoowe!

Hayga iibin Awoowe!

Hayga iibin Awoowe!

Hayga Iibin Awoowe!

Ing. Maxamed C. Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.